Sunday 24th September 2017
faceebok twitter
3814 Views

Akhriso taariikhda ururka shaqaalaha Soomaaliyeed

Ururka shaqaalaha soomaaliyeed waa urur fac weyn oo aan ku soo koobi Karin qoraal kani runtii waxaa la aasaasay bishii Maajo 1949kii xiligii gumeysiga runtii na wuxuu door weyn ka soo qaatay ilaalinta xaquuqada shaqaalaha soomnaaliyeed in kastoo xiligaasi ay dadweynaha soomaaliyeed ku jiraan gacan gumeysi. Muddo ka dib dhaqadhaaqa shaqaalaha ee loo yaqiinay Trade Union movement (Movimento Sindicale) oo si buxada ururka shaqaalaha soomaaliyeed uu ka mid ahaa xiligii dabeesha gobonima doonka ee dalalka Afrika.

Haddii aan si kooban u xuso Ururka Shaqaalaha Soomaaliyeed “Sindacato di Lavoratori Somalo” taariikhu markii ay ahayd  bishii July 1955  wuxuu qaban qaabiyey doorashooyin madaxbanaan oo lagu dooranaayey hoggaankii hoggaamin lahaa ururka shaqaalah weynaha soomaaliyeed nasiib wanaag  waxaa doorashadaasi la qabtay si weyn ugu guuleystay:-

Mudane Ahmed Guure Maamun,      Guddoomiyahay Ururka Shaqaalaha Soomaaliyeed

Muddane Cabdulkadir Cali Bolay,       Xoghayaha Guud Ururka  Shaqaalaha Soomaaliyeed

Magacaabida la ii magacaabay in aan noqdo xoghayaha guud ee ururka shaqaalaha soomaaliyeed ka dib waxaan xil weyn iska saaray inaan xal u helo dhibaatooyinka dhabta ah ee shaqaalaha soomaaliyeed waqtigaasi jiray in aan wax ka qabto Ilaahay mahadiisi taasoo aan guulo la taaban karo ka gaaray.

Sidaasi darteed shirkii ugu horeeyey ee uu yeesho ururka shaqaalaha soomaaliyeed waxaay go’aansadeen in shaqalaaha soomaaliyeed loo sameeyo  sharci damaanad qaada xuquuda shaqaalaha soomaaliyeed, taasoo baahi weyn loo qabay in la helo sharcii kafaala qaadi kara muwaadinka soomaaliyeed. Maxaa yeelay shaqaalah soomaaliyeed aad iyo aad ayay u dulmanaayeen ma na jiran cid u xuquudooda u soo dhicisa , arrinkaasi sharci ku sabsana ururka shaqaalaha  waa ku guuleytay, taasina waxay ahayd  guul u soo hoyatay ururka shaqaalah weynaha soomaaliyeed. Waxaana la isku waafaqaay in maamulka dawladda iyo ururka shaqaalaha soomaaliyeed  si wadajir ah ay uga shaqeeyaan si sharcigaasi  loo herglin lahaa. Arrintaas oo loo arkay in ay dan u tahay muwaadinka soomaaliyeed ee dulman

Ururka shaqaalaha soomaaliyeed oo mar walba u taagan inuu soo dhiciyo xaquuqda muwaadinka soomaaliay waxaan xil weyn iska saaray hirgelinta shircigaasi sidii loo fulin laha waxaan la kulanay masuuliyiin ka socda maamulka dawladda iyo loo shaqeeyaha oo dhinac ah iyo ururka shaqaalah oo dhinaca. Shir 3 geesood ah oo ay wada yeesheen ururkan shaqaalaha soonmaaliyeed iyo masuuliyiintiin ka socoday dawladda iyo loo shaqeeyaha waxay si wada jir ah ay isku waafaqeen in la sameeyo heshiis dhowraya xaquuqa shaqalaha soomaaliyeed, ujeeddooyinka heshiiskaasi oo qorayay in shaqalaha ay helaan xaquuqdooda iyadoo lagu heshiiyey in loo shaqeeyaha (Talyaani) uu dhowro qodobadda heshiiskaasi ku qoranaa oo kala sida tan hoos ku qoran :-

  1. In shaqaalaha loo kordhin muushaharka
  2. In sanadkii hal mar ay helaan fasax “fasax sanadeed”
  3. In ay helaan goob caafimaad oo lagu daryeelo
  4. In Xaquuqda uu yeelan karo marka u da’ noqdo “Pension”

Bishii Oktoober 1955 ururka shaqaalaha soomaliyeed wuxuu heshiiskiisi  ugu horeyey la galay warshadda Sonkorta ee Jowhar oo xiligaasi loo yaqiinay Villaggio Duca degli Abruzzi, waxayna caan ku ahayd xagga beeraha gaar ahaan soo saarida qasabka oo laga sameyn jiray sonkorta, warshadaasi oo ahayd tan ugu weyn xiligaasi waxaan ka shaqeyn jiratay shaqaale fara badan , ugu dambeyntiina heshiiskaasi la isku waafaqay in shaqaalah warshaddaasi sonkorta ee Jawhar Snai Piaza loo kordhiyo 30% taasoo ahayd guul u soo hooyatay ururka shaqaalaha soomaaliyeed.

Bishii November 1955kii ururka shaqaalaha soomaaliyeed wuxuu  ka qayb galay shirweynaha caalamiga ah oo ay soo qaban qaabisay ururka caalamiga ee isbahaysiga ganacsiga xorta ah  I.C.F.T.U. halkaasi na ay ururka shaqaalaha soomaaliyeed xubin buuxda ah uga noqotay Ururka I. C. F. T. U. {International Confadaration of Free Trade Union}, kaasoo ururka  shaqaalaha soomaliyeed door weyn ka qaatay hirgelinta arrimaha shaqaalaha bahweynta Soomaaliyeed. Uuurka caalamiga ee isbahaysiga ganacsiga xorta  ah   I.C.F.T.U. wuxuu kaalin weyn oo la taaban karo ka qaatay dhismaha iyo xoojinta shaqaalaha soomaaliyeed isaga oo mar walba  la garab taagnaa taageerada xagga tababarka iyo dhiiragelinta  shaqaalaha

Taariikhdu markii ahayd Janaayo 10, 1956dkii aniga oo matalaya  ururka shaqaalaha soomaaliyeed waxaan ka qaybgalay shirkii ugu horreeyey oo lagu dhisaayey urur weynaha shaqalaha Afrikaanka “ All Africain Labour Organazations”, shirkaa soo ay si heer sare ah u soo qaban qaabisay ururka caalamiga ee isbahaysiga ganacsiga xorta ah I.C.F.T.U. “International Confederation of Trade Union” waxana lagu qabtay magaaladda Acra ee dalka Ghana.Shirkaa soo ahaa kii ugu horreeyey oo ay yeeshaan ururka shaqaalaha  Afrika “All African Labour Organazations”, the first Pan-African conference waxaana shirkaasi furay Madaxweynaha Ghana  KUWAMA NKRUMAH.Khudbadiisa  furitaanka wuxuu ku guubaabiyey ururadda shaqaalah Afrika in ay midoowaan oo ay gacmaha is qabtaan, midnimadaasi ayaa door weyn  ka qaadan karta horumarinta shaqaalaha Afrika , hal heeskiisu na wuxuu ahaa  {Midnimadd waa xoog aan la jibin Karin kala tagida na waa burbur}. Shirkaasi waxaa la soo gabagabeeyey 13 Janaayo 1956 iyaddoo go’aanaddii shirkaasi lagu gaaray waxaa  ka mid ahaa:-

In la dhaqan-geliyo sharciga ku saabsan hashiisyadda ay wada galeyn Shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha In la xoojiyo midnimadda ururadda Afrikaana

  1. In la dhiso Uruur Guud R. A. C “Reginal African Confederation” kaa soo loo xilsaaray xalinta mashaakiladad shaqaalaah Afrika .

Ururka I.C.F.T.U. waxay soo saartay qodobooyin iyo shaciyaddii lagu maamuli lahaa ururkaasi R.A.C. “Reginal African Confeeration”, waxaana lagu heshiiyey in ay  xarun u noqoto magaaladda ACRA ee dalka GHANA.

Bishii June 1956dii horeenteed aniga oo ah xoghayaha guud ururka shaqaalaha soomaaliyeed iyo wafdi ka kooban wakiilka dawladda muddane Ciise Ceymooy iyo afhayenka loo shaqeeyaha Mr. Rafeleahna wakiilka u fadhiya danaha  Italian oo aniga  aan hogaaminaayey waxaan ka qayb-galnay shirkii caalamiga ee 37aad shaqaalaah adduunka “International Labour Organazation I.L.O” oo lagu qabtay dalka Swisserland magaalada Geneve.  Shirkaas oo  sanad walba la qabta, bisha June muddo laba  todobaad ah socomaayey. Shirkaasi waxaan uga qayb galnay wakiilo ka kala socoda danaha Dawlada, Shaqaalah iyo Loo shaqeeyaha, waxaa looga hadlay guud ahaan arrimaha shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha iyo doorka ay ku leedahay  dawladdaha. Dhinaca dawlada waxaa ka socday mudane Ciise Ceemoy dhinca shaqaalahana waxaa ka socday aniga Abdulkadir Ali Bolay oo wakiil ka ah ururka shaqaalaha soomaaliyeed, Loo shaqeeyaha  doorkeedana shirkaasi waxaa isla qaatay oo u hadlay wakiilkii ka socday dhinaca dawladda. Intii shirka socday waxaan shirar kala gooni gooni ah la yeeshay wakiiladda ka socday ururada calamiga sida ICFTU iyo CISAL kuwaasoo aan ka wada hadalnay habka iyo nidaamadka loogu horumarin lahaa shaqaalaha soomaaliyeed. Shirkaasi caalamiga ah ee Shaqaalah Adduunka waxaan ka soo jeediyey warbixin balaan oo ku saabsan is bedelka xowliga ah ee  ku socda dalka soomaaliya, iyo guulaha la taaban karo uu gaaray shaqaalaha soomaaliyeed muddadii gaabneed ee uu jiray, waxaana shirka aan ka sheegay in shacabka soomaaliyeed haddii Alla idmo  muddo gaaban  ka dib ka bixi doonaan gacan ku haynta gumeysiga oo ay heli doonaan xornimo taam ah. Markii uu soo dhamaaday shirkaasi  wafuuddii ka socday dalka Talyaaniga ee ururka C.I.S.A.L. “Confederazione Italiana Sindacati Autonomi Lavoratori”waxay noo  fidiyeen in aan booqasho ku tagno xaruntoodda oo ku taala ROMA ee dalka Talyaaniga, waana ka ogolaanay  martiqaadkii ay si sharafta leh noogu fidiyeen, ka dib waxaan booqasho ku tagnay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga gaar ahaan xarunta ururka C.I.S.A.L. “Autonomous Unions Confederation of Italian Workers”  halaasi oo aan  kulan la yeelanay xoghayaha guud ee ururkaasi Muddan PASTORE oo ugu hambalyeeyey doorka shaqaalaha soomaaliyeed ay ka qaataan horumarinta dalka  iyo taaba gelinta is furfuridda dhaqaalaha soomaaliyeed waxaana guud ahaan aan ka wada hadalnay xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeya danaha  labada urur shaqaale ee soomaaliya iyo talyaaniga

Bishii June 15, 1957 ururka shaqaalaha soomaaliyeed wuxuu martiqaad ka helay ururka shaqaalaaha adduunka I.L.O “Internationalo Labour Organsations” shirkiisi 38aad oo sannad walba la qabto, martiqaadkaasi ka dib waxaa la ii xil saaray in aniga oo ah xoghayaha guud ee ururka shaqaalaha soomaaliyeed iyo wakiilkia dawladda Ciise Ceymooy iyo afhayenka loo shaqeeyaha  Mr. Rafele  ahna wakiilka u fadhiya danaha  Italian in aan mar kale  ka qaybgalno shirkaasi 38aad, shirkaasi oo soconaayay laba todobaad waxaa laga wada hadlay guud ahaan  arrimaha shaqaaha. Waxaana shirkaasi 38aad ee shaqaalaha adduunka ka soo qayb galeen  wakiilo ka kala socoday dawladda iyo ururadda shaqaalaha qaaradda Afrika ka socday, aniga oo wakiil ka ah ururka  shaqaalaha soomaaliyeed  waxaan shirkaasi ka soo jeediyey khudbad oo aan ku soo bandhigay wax qabadka ururka iyo  muddada gaaban horumarka uu ku talaabsaday iyo guud ahaan arrimo ku saabsan shaqaalaha soomaaliyeed. Waxaana  ku guuleystay in wakiilkii talyaaniga  ka socday uu ogolaado in la hirgeliyo sharciga shaqaalah, kaasoo qorayey sida adduunka oo kale in mushaarka shaqaalaha soomaaliyeed la xadido isla markaasi na  la kordhiyo sidii kor loogu qaadi lahaa noolaasha shaqaalaha soomaaliyeed loona dhiiro gelinlahaa wax soo saarka dalka, taasoo ururka shaqaalaha door weyn ka qaatay, kuna guuleystay in sharcigaasi uu hirgalo. Bishii  Luuliyo 15, 1957 ka dib markii aan ka soo laabtay shirkii 38aad ee ururka shaqaalaha adduunka I.L.O waxaa durbadiiba masuuliyiintii ururka shaqaalaha soomaaliyeed abaabuleen shirweyne  oo lagu qabtay  theatre la oran jiray Dopo Lavoro oo kasoo hor jeeday Dugsigii Hoose dhexe ee Yaasin Osman , shirkaa soo ay ka soo qayb galeen ururadda shaqaalah oo hoos imaan jiray Sindacato Lavoratore Somalia “Union worker Somalia” oo kala aha :-

Qaybaha Ururka shaqaalaha dawladda :-

  1. Ururka shaqaalah Caafimadka
  2. Ururk shaqalaaha Beeraha
  3. Ururka shaqaalaha warshadaha
  4. Ururka shaqaalah Maclimiinta
  5. Ururka shaqaalah Xanaadada Xoolaha
  6. Ururka shaqaalaha Hoteladda iyo Baararka
  7. Ururka shaqaalaha dekeddah {Xamar, Marka iyo Kismayo}

Furitaankii Shir weynahaasi markii ugu horeysay  waxaa ka hadlay guddoomiyaha ururka shaqaalah soomaaliyeed  muddan Axmed Guure Maamuun oo shaqaalaha u soo bandhigay howlahii baaxada lahayd ee ururka qabtay, ka dibna wuxuu hadalkiisu u gudbiyey xoghayaha guud muddane Cabdulakdir Cali Boolay waxaan mutamarkaasi aan ku soo bandhigay wixii aan kala kulmay shirkii 38aad ee ururka shaqaalaha adduunka I.L.O isla markaasina aan warbixin kooban oo aan uga hadlay guulihii uu gaaray ururka shaqaalaha soomaaliyeed oo si sharaf leh uga muuqday shirkii caalamiga 38aad ee ururka shaqaalaha Adduunka I.L.O  halkaa soo aamaan iyo boogaadin looga soo jeediyey ururka shaqaalaha soomaaliyeed taasoo ay ku muteysteen hirgelinta shircigii shaqaalaha soomaaliyeed oo ururka door weyn oo wax ku ool ah  ku lahaa diyaarintiisa iyo fulintiisu ba shircigaasi oo lagu daryeelaayey danyarta soomaaliyeed oo muddo dheer ku dulmanaa gacanta gumeysiga. Sannadkaasi ururka  shaqaalah soomaaliyeed waxay u ahayd guul u soo hooyatay, gaar ahaan shaqaalaha warshaddaha sida warshadda sonkorta ee Jawhar iyo shaqaalaha warashada suufka ee xamar iyo shaqaalah beeraha ee shalanbool iyo nawaaxigeeda, kuwaasoo horurmar weyn ka  sameeyey xagga mushaharaddaadka, taasoo sal dhig u noqotay qodobadii lagu xusay sharcigii shaqaalaha soomaaliyeed .

Sannadkii  biishii May 1958kii xoghaya guud ee ururka shaqaalaha soomaaliyeed aniga oo matalaaya iyo wafdi aan  hogaaminaayey  oo ka mid ahaa Xassan Cabdi Camalow , xubin guddiga dhex aan  ka qayb galnay  shir goboleed ee uurka SHAQAALAHA AFRIKA oo lagu qabtay magaladda Darasalaam ee dalka Tanzaniya shirkaasoo ay abaabushay I.C. F. T. U. “International Confederation of FreeTrade Unions”shirkaasii oo ay ka soo qayb galeen ururadd shaqaalaha Bariga iyo bartamaha  iyo Konfurta Afrika { East Southern and Central Africa} wafuudaasi waxay kala yimaadeen Somalia Kenya Tanzania Uganda, South Afrika iyo Rodisiya, waxaa shirkaasi lagu go’aansaday in la xoojiyo wada shaqeynta iyo iska warqabta ururadda isku bahaystay gobolka aan kor ku xusnay.

Bishii June 1958 waxaan ka qayb galanay shirkii 39aad ee ururka shaqaalaha adduunka ILO xaruntiisa oo ahayd magaaladda Geneve ee dalka swisserland, waxaa shirkaasi ka soo qayb galay ururadda shaqaalaha ee dalalka Afirka waxaana shirkaasi lagu go’aasaday xoojinta xiriirka guud iyo wada shaqeynta ururada shaqaalaha Afrika sidii loo hormarin lahaa isla markasi na loo hergelin  lahaa sharciga shaqaalaha.Markii la soo gabagabeeyey shirweynahii 39aad ee shaqaalaha adduunka I.L.O waxaan martiqaad aan ka helay xoghayaha guud ee ururka C.I.S.L“Confederazione Italiana Sindacati dei Lavoratori”, muddane BRUNO STORTI oo igu casumay xaruntooddii magaaladda Rome – dalka Talyaaniga, waxaan magaaladda Rome kulan ku la qaatay xoghayaha guud ee ururka CISL, waxaan ka wada hadalnay sidii gacan weyne ay uga geysan lahaayeen xagga tababarka iyo aqoonta shaqaalaaha soomaaliyeed, nasiib wanaaga  way naga oggolaadeen codsigeyna isla markii na waxay noo fidiyeen kaalmo waxbarasho ah.

Madaxda ururka C.I.S.L. waxay go’aansaden in shaqaalaha soomaaliyeed ay gacan ka siiyan isla markaasi na waxay ballan qaadeen in ay magaaladda Muqdishu ay u soo diraan nin khabiir ah oo ka socda ururkaC.I.S.L“Confederazione Italiana Sindacatidei Lavoratori” si gacan uu siiyo shaqaalaha soomaaliyeed, waxay kale ay noogu deeqeen in ay naga caawiyaan dhinaca dhaqaalaha iyaga oo ururka ugu deeqay hal baabuur Land Rover si madaxda shaqaalaha ay ugu fududaato hawlaha iyo abaabulka ee ururka shaqaalaha soomaaliyeed. Ururka C.I.S.L  asiga oo fulinaya ballantii uu qaaday hal bilka dib waxay soo direen nin khabiir ah oo la oran jiray muddan ONOFRIO STITALERI oo muddo hal sano ah inuu la shaqeeyo ururka shaqaalaha soomaaliyeed. Markii aan ka soo noqday shirkaasi bishii Luuliyo 1958 waxaan dib  u habeen ku sameynay ururka shaqaalaha soomaaliyeed “sindicato lavorotore soomali” waxaana qabanay shirweyne oo lagu mideynaayo shaqaalaha soomaaliyeed, maadaama ururadii shaqaaalaha ay bateen waxaan si wada jir ah u go’aan sanay in aan sameyno isbahaysi oo hal dalad kaliya ah taasoo ugu dambeytii na la isku waafaqay. Sidaasi darteed  ururkii shaqaalaha soomaaliyeed dib u habeen ayaa lagu sameeyey waxaana la isku raacay in magaca ururka uu noqdo sida tan “Ururka Guud Shaqaalaha Soomaaliyeed” waxaana daladaani ku isku bahaystay ooh al dalad isku noqday ururada hoos ku qoran:-

  1. Ururka shaqaalah dawladda
  2. Ururka shaqalaha macliniinta
  3. Ururka shaqaalah caafimaadka
  4. Ururka shaqaalaha beeraleydda
  5. Ururka shaqaalaha dekeddaha
  6. Ururka shaqaalaha warshaddaha
  7. Ururka shaqaalaha Howlaha guud

Markii la abuuray daladaasi cusub waxaa dib loo doortay guddigii fulinta gudigaasoo ka koobnaa wakiilo ka kalka socoday  urur oo is baheysta oo ka kala ah sida tan hoos ku qoran.

  1. Ahmed Abdi Yuusuf        Guddoomiyaha Ururka.Shaqaala Guud Soomaliya
  2. Abdulkadir Ali Bolay        Xoghayah  Uurka Shaqaalaha Guud Soomaaliya.
  3. Qaasim Abdirahaman       Ku-xigeenka Xoghayaha guud ee ururuka
  4. Abdisalaan Ahmed           xoghayaha ururadda degmooyinka iyo goboladda
  5. Saciid Ali Boos                  Maamulka lacagta USHGS
  6. Abdulkadir Sheekh           Abaabulka USHGS
  7. Ali Raage Khayro              Isku duburidka arrimaha shaqaalah USHGS

Bishii November 1958dii  Ururka shaqaalah guud wuxuu casumaad  u fidiyeyn wafdi ka socda ururka “C.I.S.L Confederation of Italian Trade Unions of Workers”markii ay xamar yimaadeen madaxda ururka C.I.S.L. waxaan u soo bandhiganay baahid  weyn ee ururka shaqalaah uu qabo in ay helaan madaxda shaqaalaha ururka tababar xaga maamulka iyo maareynta ba. Codsigaasi ka dibna waxay fursad inoo siiyeen  ooay noo ogolaadeen  in laba qaf oo ka mid ah ururka shaqalaha soomaaliyeed in ay ka qayb galaan tababar arrimaha shaqalaah u tagaan dugsiga shaqaalah talyaaniga oo ku yaalay magaalada firence , labadaasi  qaf oo fursadaasi  ka faa’iideystay waxay kala ahaa yeen:-

  1. Hassan Abdi Camalow
  2. Ahmed Shiekh Ali

 

Ururka Shaqaalaha Guud ee Soomaaliya bishii November 1958dii wuxuu ku guuleystay in uu hirgeliyo shircigii shaqaalaha “The Laubor Code Somalia”, isla bishaasi shaqaalaha beeralayda soomaaliyeed waxay fursad u heleen in ay heshiis la galaan loo shaqeeyaha iyaddoo la raacayo sharcigii shaqaalah, maxaa yeelay shaqaalaha  ka shaqeyn jiray beeraha waxaa la siin jiray maalintii wixii ay shaqeyntaan, haddii ay jiraddan ama maalintaasi aysan shaqada soo geli wax lacag ah ma qaadan jiran hase yeeshee markii uu dhaqan galay heshiiskii ururka shaqaalaha guud ee soomaaliyeed la galay loo shaqeeyaha, waxaa la isku waafaqay in shaqalaha beeralayda soomaaliyeed in la siiyo mushahar go’an isla markaasi na waxaa loo ballan qaaday in haddii shaqaalaha ay ku timaado jiro ama dhibaatooyin kale in la siiyo mushaharkiisa oo kaamil ah sida uu ku caddayahay shirciga Codice del Lavoro Somalo  kaasoo damaanad qaadaya xuquuqda shaqaalaha soomaaliyeed.Ururka shaqaakaha soomaaliyeed wuxuu door weyn ka soo qaatay kuna guuleystay  ilaalinta xaquuqda shaqaalaha soomaaliyeed iyo kobcinta aqoonta shaqaalaha soomaaliyeed hase yeeshee  1969kii  markuu dalka gacanta ku dhigay xukun  military ah Kacaanka Hantiwada Soomaaliyeed waxaa la sameeyey xiriirka guud ee shaqaalaha soomaaliyeed.

Kacaanka 21kii Oktoober markii uu dalka ka hana qaaday wuxuu durbadiiba magaca ururka shaqaalaha soomaaliyeed ka bedelay waxaana lagu bedelay Xiriirka Guud Shaqaalaha Soomaaliyeed Hogaamiyaashii kacaanki 21kii Oktoober si weyn oo wax tar leh ayey u soo kobciyey awooda shaqaalaha soomaaliyeed waxayna arriintasi horseed ka noqdotay horumarka bulshadda soomaaliyeed iyo wax soo saarka dalka taasoo qayb wax ku ool ah ka qaatay dhismaha lagu horumarinaayo dalka waxaana la dar dar geliyey xiriirka guudee ururka  shaqalaha soomaaliyeed.

Xiriirka Guud ee ururka shaqaalaha soomaaliyeed wuxuu lahaa Guddoomiye iyo gole dhex iyo gole fulin, wuxuuna lahaa qayb u qaabilsan Farshaxanka iyo bogga shaqaalaha Adduunkow middowa oo ku soo bixi jiray wargeyskii Xiddigta Oktoober, wuxuuna soo bixi jiray maanta talaadda taasoo  wixii fariin ah loogu gudbijiray dhamaan shaqaale weynta soomaaliyeed ee ku kala baahsan goboladda soomaalliya oo ah  qaybta sawir qaad iyo farshanaka waxay door weyn  ka qaadan jireen munaasabooyinka waa weyn sida xuska 21ka Oktoober, xuska maalinta hooyooyinka iyo maalinta shaqaalaha adduunka 1-da May oo ah maalinta shaqaalaha adduunka ayaa sanad kasta laga xusaa caalamka oo dhan, waxaana dalkeena lagu qabtaa munaasabado waaweyn oo lagu xusayo maalintaasi waxaana door weyn ka qaadan jiray xiriirka guud ee ururka shaqaalaha soomaaliyeed, xubnaha xiriirka guud ee ururka shaqaalaha waxay haabeen kasta oo Jimco ah ay yeelan jiraan shir kaasoo looga hadli jiray danaha guud ee shaqaalaha soomaaliyeed fariimaha iyo go’aanadda ka soo baxa golaha dhexe ee xiriirka guud waxaa lagu faafin jiray wargeyska xiddigta Oktoober boggiisa Shaqaalaha Addoonkow Middowa , sida oo kale xiriirka guud ee ururka shaqaalaha soomaaliyeed wuxuu door weyn ka qaatay baraarujinta bulshadda iyo kobcinta xagga aqoonta shaqaalaha soomaaliyeed taaasi na waa guul lagu faani karo oo kuu gaaray hogaamiyaashii xiriirka guud ee ururka shaqaalaha soomaaliyeed. Burburkii dalka ku habsaday wuxuu dhaawac weyn u geystay xiriirkii guud ee shaqaalaha soomaaliyeed, laakiinse maanta waxaan filayaa in laga soo kabsaday burburkaasi waxaana kula dardaarmayaa guddiga xiriirka guud ee shaqaalaha soomaaliyeed ee maanta ka jira dalkeena in  ay horsed u noqdaan bulshadda soomaaliyeed isla markaasi na ay qayb  libaax ka qaataan  dhismaha dalka iyo soo celinta amniga, Hal heeskii ururka shaqaalaha soomaaliyeed oo ah “Shaqaalaha adduunkow Middoowa”.

Waxaan halkani hambalyo uga dirayaa xukuumada cusub uu hogaaminaayo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Xassan Cali  Khayr waxaan u rajaynayaa inuu ku guuleeyo xilka weyn ay ummmadda soomaaliyeed ku aamineen, waxaana kula dardaar mayaa in ay gacan weyn ka geystaan arrimaha shaqada iyo shaqalaaha si loo helo wax soo saar tayo leh kaaso dakhliga iyo miisaanida dalka wax weyn  ka tari doono haddii ilaahay idmo, waxaan ka rajeyneynaa xukuumadda cusub in ay dib ugu soo celiso xaruntii dhexe ee laga maamuli jiray xiriirka guud ee ururka shaqaalaha soomaliyeed isla markaasi na in dhallinyaradda maanta ee jiilka cusub  ay u abuuraana shaqooyin xagga wax soo saar ah iyo in kor loo qaado aqoonta  shaqaalaha soomaaliyeed taaso aan filaayo in ay door weyn ka qaadan doonto  horumarka bulshada soomaaliyeed.

Waxaa sii duiyaariyey

Dr Abdulkadir Ali Bolay

Ex  Xoghayaha Guud Ururka Shaqaalaha Soomaaliyeed

 

Did you like this? Share it:

Leave a comment

Your email address will not be published.


*