Friday 20th October 2017
faceebok twitter
4189 Views

Barnaamijka kulanka todobaadka oo looga hadlay waxa Diintu ka qabto in la dilo qof sooman + Muuqaal”

Barnaamijka kulanka todobaadka ee ka baxa Radio Muqdisho iyo SNTV ayaa todobaadkan waxaa marti ku ahaa wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Jeneraal C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo gudoomiyaha hey’adda culumada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo labaduba tilmaamay in diinta islaamku aysan ogoleyn dilka dadka Soomaaliyeed ee soomaan.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad gudoomiyaha hey’adda culumada Soomaaliyeed ayaa ku dheeraaday ka hadalka waxa ay diinta islaamku ka qabto in dhiigga muslimiinta loo daadiyo si xaq darro ah, wuxuuna falalka shabaab ku tilmaamay kuwo ka fog diinta Islaamka iyo dhaqanka suubban ee Soomaalida.

Wuxuu tilmaamay in maleeshiyaadka Shabaab ay dadka ku dilayaan masaajidda xilli  lagu guda jiro bisha Ramadan oo loo baahanyahay in la badiyo cibaadada Alle, isagoo kula dardaarmay Shabaab ineysan dadka muslimiinta ah ka horjoogsan cibaadada Alle.

Jeneraal C/qaadir Sheekh Cali Diini Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay iney socdaan howlgallo dalka looga sifeynayo maleeshiyaadka Shabaab, isagoo hoosta ka xariiqay iney ciidamadu wiiqeen awooddii kooxda Shabaab, isagoo soo hadal qaaday jabkii ugu dambeeyay ee maleeshiyaadka Shabaab loogu geystay deegaanka Halgan.

7 300 1122 1-4 6-1 7

Did you like this? Share it:

1 Comment on Barnaamijka kulanka todobaadka oo looga hadlay waxa Diintu ka qabto in la dilo qof sooman + Muuqaal”

  1. soomaaliya waxaa dib u dhigay wadamadda carabta oo wax magaratadii geel jirayaasha ahaa si qaldan loogu aqriyey diinta ayagoo wadamada carabta ay necebyihiin deadka madow ee soomaalda ah ayeey waxay u adeegsadeen walaalkaa oo geela ka yimid languna yiri dil walaalkaa janno aayaad aadeysaa , wadamada carabta waxay rabaan geel ire diin qaldan loo aqriyey in ay soomaaliya ku qabsadaan . war qiyaamadda carabta ka fool; jignow .. waxaa walaalkaaya ninka madow ee soomaaliga ah/ waa talo loo soo jeediyey ummadda soomaalieed ee walaaalaha ah .

Leave a comment

Your email address will not be published.


*