Daawo Sawirrada Ra’iisul wasaare Kheyrre oo gaaray Magaalada Baraawe

0
677

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo  ayaa goordhow gaaray magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Masuuliyiin kale.

Ujeedada socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku tagay magalaada Baraawe ee xarunta Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa la xiriirta u kuurgalka xaaladaha ciidamada iyo dagaalka la filayo in dhawaan ay ku dhaqaaqaan ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Ammaanka magaalada Baraawe ayaa siweyn loo adkeeyey, waxaana ku sugan magaaladaasi Danjirayaasha QM iyo Midowga Africa ee Soomaaliya Micheal Keating iyo Fransisco Madera.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here