Saturday 27th May 2017
faceebok twitter
783 Views

Degmada Wanla weyn oo ka dhacday isu soo bax lagu taageerayay Madaxweynaha cusub

Waxaa degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose  iyo qaybo badan oo ka mid deegaanada ku dhaw ka socda banaanbaxyadii ugu weynaa oo lagu taageerayo Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaaso oo uu soo qaban qaabiyay  maamulka degmada Wanla weyn

Waxaa la arkayaa dadweyne badan oo maraya waddooyinka degmada Wanla weyn iyo qaybo kale oo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana banaan baxa isugu soo baxay  boqolaal dadweyne ah  kuwaasi oo ku dhawaaqayeen hal kudhigyo ay ku taageerayaan Madaxweynaha cusub ee la doortay.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa doortay Madaxweynaha Afarta Sano ee soo socota oo uu ku guuleystay R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo tan iyo markii la doortay ay isa soo tarayeen isu soo baxyada Nabadeed ee lagu taageerayo Madaxweynaha cusub.

guddoomiyaha wanla weyn wanla weyn kk

vlcsnap-2017-02-11-09h46m09s597 vlcsnap-2017-02-11-09h47m59s904 vlcsnap-2017-02-11-09h48m23s984 vlcsnap-2017-02-11-09h48m45s348

 

Leave a comment

Your email address will not be published.


*