Tuesday 17th October 2017
faceebok twitter
8417 Views

Dowladda oo shaacisay magaca Horjoogihii Al-Shabaab ee ciidanka Ammaanka gacanta ay ku soo dhigeen

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Horgoogaha Maleeshiyada Al-Shabaab ee lagu qabtay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, kaasi oo ahaa ninka Ugu sareeya Argagixisada ee Qaabilsanaa dhibaataynta Shacabka ku nool Muqdisho.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa shaaciyay in horjoogahaan lagu magacaabo C/wahaab Khaliif Axmed Ciise Tarabuun isla markaana uu ahaa ninka Al-Shabaab ugu xilsaaran weerada iyo Qaraxyada ka dhaca magaalada.

wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ninkaan ciidamada Ammaanka ay ka qabteen Suuqa wayn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, Maxamed Abuukar Islow ayaa tilmaamay ciidamada Ammaanka inay haayaan shaqo fiican oo maalin kasta ay sidaan u dabajoogaan dhagarqabayaasha ku dhuumaalaysanaya caasimadda Soomaaliya.

Wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed wasiirka inay la shaqeeyaan ciidamada Ammaanka sidoo kalana ay u dulqaataan wadooyinka Jidcadayaasha ah oo ay haatan xireen ciidamada ammaanka oo uu sheegay in looga goleeyay Sugida amaanka magaalada in gacanta lagu dhigo Argagixisada doonaysa inay laayaan shacabka Soomaaliyeed.

 

Did you like this? Share it:

3 Comments on Dowladda oo shaacisay magaca Horjoogihii Al-Shabaab ee ciidanka Ammaanka gacanta ay ku soo dhigeen

  1. Hanbalyo ciidanka amaanka somalia, somalia hanoolaato

  2. ASC
    Waa horumar lagaadhay horjoogahii Al shayaadiin ee uqaabilsanaa qaraxyada ay kageesan jireen magaalada MUQDISHO,wxn ilaquman in lalaayo madaxda ALshayaadiin waayo maska waxaa laga dilaa madaxa wxaa usheegayaa ciidamada qaabilsan baa biinta ALshayaadiin waa ineey dabargooyaan xaalufiyaan madaxdooda
    waad mahadsantihiin

  3. Ibrahim ahmed mo`alimu // June 19, 2017 at 19:58 // Reply

    waaa arin wanaaagsan oo lagu farxo

Leave a comment

Your email address will not be published.


*