Tuesday 19th September 2017
faceebok twitter
7754 Views

Faallo:- MA 3 BIL OO KELIYA?

Markii aan akhriyay warbixinta uu dhawaan soo saaray Wasiirka Maaliyadda Dowladda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa waxaa iga timid illin, jirkoo dhan iyo xaadda i dhaqaaqday.

Wasiir Bayle, Warbixintan wuxuu ugaga hadlayaa wixii uu qabsoomay Wasaaraddiisa muddadii saddexda bilood ee la soo dhaafay, waxaanse aad ul yaabay xukuumadihii la soo dhaafay ee waqtiga badan innaga qaaday maxay dalkan iyo dadkan u reebteen, mase is tiri intaas in loogaga haro maahee waa in la xisaabtamo oo maxkamad la soo taagaa?

Warbixintu waxay sheegeysaa:

✔ In la Xaqiijiyay Ciribtirka Musuqmaasuqa kaas oo la yareeyay 75%

✔ Daqliga Dekada laga soo saaro oo la gaarsiiyay $300,000, ayadoo awal laga soo saari jiray $150,000

✔ Daqliga Airportka oo la gaarsiiyay $75,000, halkii markii hore laga soo saari jiray $20,000 ilaa $30,000, kadib markii la bilaabay daba gal adag iyo la dagaalanka musuqa

✔ Waxaa la baxiyay Dhammaan mushaarkii Ciidanka iyo shaqaalaha iyo sidoo kale Cuntada iyo saadka kale ee Ciidanka.

✔ Waxaa la xaqiijiyay in wasaarad walba la siiyo waxyaabaha yaryarka ah aay ubaahantahay (Running Cost) si shaqadeeda u hirgasho, ayadoo awal eysan jirin in wasaaradaha iska warqabaan ama ee heelaan Running cost-gaas.

✔ waxaa lala kulmay dhamaan kooxaha kala duwan ee deemaha kuleh Somaliya oo aay kala yihiin Paris group, Non Paris group iyo International Banks, ayagoo balan qaaday in hadii 10 ka billood ee soo socoto saan loo shaqeeyo ay cafin doonaan deymaha lagu leeyahay Soomaaliya oo dhan 5 billion.

✔ wasiirka ayaa sheegay in 10 ka bilood ee soo socoto Somaliya isku filnaan doonto iskana bixin doonto dhamaan deemaha lagu leeyahay, asagoo sidoo kale balan qaaday inaan deen dambe lagu yeelan Soomaliya, in ay deeq hesho mooyee.

✔ sidoo kale Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in 10 ka bilood ee soo socto uu rajeenayo in la dhiso Schoolada, Jaamacadaha, Waddooyinka iyo dhamaan xafiisyada Dowladda, ayadoo aan la sugeynin gacan shisheeye lana isticmaalayo dhaqaalaha Dowladda heysato.

✔ Wasiirka ayaa sidoo kale Sheegay markii Caalamka uu arkay sida fiican ay u shaqeynayaan in uruurka midowga yurub uu ugu deeqay $50 milyan, sidoo kale wadanka Germany uu ugu deeqay Somaliya $70 milyan oo Euro ah oo lagu caawin doono abaaraha iyo musiibooyinka dabiiciga ah.

✔ Wasiirka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in mardhaw ay rajeenayan in ay bilaabaan Canshuuraha barriga iyo isku xirka canashuuraha dowlad Giboleedyada ka dhisan dalka ee hoosyimaada dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

W/Q: Ustaad Cabdulqaadir Mursal

Did you like this? Share it:

4 Comments on Faallo:- MA 3 BIL OO KELIYA?

  1. Said Sahal // June 7, 2017 at 14:03 // Reply

    Mashallah mashallah mashallah wasiir Bayle ILAAHAy ha ku xifdiyo cadowgana ha kaa hayo dawladenana ILAAHAY hanoo barakeyo aaaaasmmmmiiiinnn

  2. maashallaah waa wax lagu farxo ilaahay hala garab galo wasiirka

  3. WAAD SALAAMATIHIIN
    SIDUU SHEEGAY Dr.wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle waa runtii dawlada hadii ay sidan kushaqeyso 10 ka bilood ee soo socda dawladu waxay gaadhaysaa in ay isku filnaato waayo markaan leeyahay waay isku filnaan waxaan kawadaa hadii canshuurta takada, airport iyolaga ilaaliyo musuqa iyo hanti lunsiga wakaa eegaba laga helay air port$75,000 meesha waagii hore 20,000 ilaa $30,000 takada sidoo kale.
    TALO BIXIN
    waa in dhamaan qaybaha kaladuwan ee cashuurta labilaabo waa in la isticmaalo systemka ah( VAT) OO AH VALUE ADDED TAX WAA IN DHAMAAN maheradaha ganacsatada la diwaan geliyo oo lagu sameeyo assessment and study waa in lasameeyo lashiriyo tujaarta oo loo qabto fund rising, kadibna lacagtaas dawladu usameeso barnaamij aas aasi ah oo basic ah
    sociologist khader iulyas. G
    EXECUTIVE DIRECTOR OF Elays relief and development association (ERDA)

Leave a comment

Your email address will not be published.


*