Galmudug oo noqotay maamulki ugu horeeyay ee soo doorta xubnaha aqalka sare+Akhriso

Doorashada xubnaha aqalka sare u metelaya maamulka Galmudug aqalka sare ayaa la soo dhameystiray.

Doorashadan oo mudo labo maalmood ah socotay ayaa waxaa labaddii kursi ee u dambeysay ku kala guuleystay mudanayaasha kala ah C/waaxid Cilmi “Goonjeex”  iyo Abuukar Axmed Xaashi oo iyaga ka adkaaday musharaxiin la tartameysay.

Maamulka Galmudug ayaa noqonaya maamul goboleedkii ugu horreeyey ee si buuxdo u soo dhameystirta xubnaha ku matali doono aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Xubnaha Galmudug u matalaya Aqalka sare ayaa ka kooban 8 xubnood, iyadoo maalintii shalay la doortay shan xubnood, halka maanta la doortay saddex.

Labo Haween ayaa ka mid ah Liiska xubnaha Aqalka sare ee matalaya Galmudug, kuwaasoo ka guuleystay Siyaasiyiin caan ahaa oo ay xurguf siyaasadeed kala dhaxeyso Madaxweyne Xasan Sheekh.

LIISKA XUBNAHA LA DOORTAY:

1- Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) Kursiga Beesha reer Xaaji Saleebaan H/gidir

2- Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid — Beesha Sacad H/gidir

3- Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer) — Murusade

4-Yuusuf Geelle Ugaas — Beesha Duduble

5- Zamzam Dahir Maxamuud — Beesha C/raxmaan Saleebaan Waceysle

6- Jawaahir Axmed Cilmi — Beesha Cayr H/gidir

7- C/waaxid Cilmi Goonjeex — Beesha Mareexaan.

8- Abuukar Axmed Xaashi — Beesha Dir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here