Tuesday 17th October 2017
faceebok twitter
11014 Views

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo sheegay in sanadkaan ay dhisi doonaan lix wado oo Muqdisho ku taal.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Jimcaale Madaale ayaa Sheegay in Sanadkaan ay qorsheynayaan  dhisida  ilaa lix wado oo ka mid ah Wadooyinka Burbursan ee Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha ayaa Sheegay in wadooyinka la dhisayo oo dhamaantood muhiim u ah bulshada Gobolka banaadir in ay ka mid yihiin Wadada Sodonka iyo Wadada  isgooska dabka ilaa iyo isgooska Bakaaraha isku xirto waxa uuna xusay in lagu dhisi doono Mashruuca Hal Doolar ku dhiso Dalkaaga.

Sheekh Yuusuf jimcaale Madaale ayaa sheegay in sanadkii lasoo dhaafay ay u suura gashay Dhisida ilaa afar wado oo muhiima ah waxa uuna sheegay in dhisida wadooyinkaasi ay iska kaashadeen Maamulka Gobolka banaadir iyo Bulshadda ku dhaqan Gobolka Banaadir.

Did you like this? Share it:

1 Comment on Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo sheegay in sanadkaan ay dhisi doonaan lix wado oo Muqdisho ku taal.

  1. Tariqda ayey galaysa haduu ku hulaysto 6 wado oo ay kamitahey wadada sodonka, dabka.warshadaha .daljirka ilaa sofonka iyo wadada dheer ee sanca ilaa ex kontarol.

Leave a comment

Your email address will not be published.


*