Kooxda Marshaale oo u soo gudubtay wareegga afar dhamaadka

0
3116

Xarutna Degmada Warta Nabadda ayaa waxaa ka socda koob lagu maamuusayo isdhexgalka bulshada bisha Ramadaan awgeed, waxaana koobka ka qeybgalay ilaa iyo 26 koox oo kala socoto Degmooyinka kala duwan ee Gobolka Benaadir.

Marshaale oo koox ka mid ah kooxaha ka qeyb qaadanaya koobkan, waxaana ay galabta soo tiigsadeen wareegga afar dhamaadka ee tartanka, kuwaasi oo 5-2 ugu awood sheegtay kooxda Mustaqbal, waxaana ay haatan fadhiyaan wareeegag semifinal.

Tartanka ayaa la filayaa in la soo gabo gabeeyo ka hor bisha Ramadaan, iyadoo kooxdii ku guuleystay ay heli doonto abaal marin.

Maamulka Warta Nabadda ayaa ku macneeyay tartankan isdhexgalka bulshada mid lagu dhiiri gelinayo dhallinyarada, lana rabo inay isku bartaan oo ay ka wada qeyb qaataan horumarinta Amniga.

Afarta koox ee wareegga afar dhamaadka isugu soo haray ayaa kala ah, Marshaale, SNTV,  Viole iyo Barxadda 

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here