Friday 26th May 2017
faceebok twitter
4462 Views

Madaxa gargaarka QM oo booqan doona dalal Soomaaliya kamid tahay

Stephen O’Brien, oo xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan arimaha gargaarka, ayaa safar ku tagi doona dalalka Yemen, Soomaaliya iyo Kenya inta u dhaxeysa 26 Fibraayo iyo Shanta Maarso ee sanadkan, isagoo la kulmi doona dadka ay taabatay nolashadooda dhibaatooyinka bani’aadanimada ee ka jirta dalalkaas, sida uu shaaciyay afhayeenka Qaramada midoobay.

“Dhammaan sadexda wadan, Mr. O’Brien  waxaa uu kula kulmi doona dadka sida aadka ah u saameysay xaalada bani’aadanimo, taas oo keentay dagaalada iyo abaaraha,” sidaa waxaa yiri Stephane Dujarric oo ah afhayeenka QM.

“Malaayiin dad ah oo Yemen iyo Soomaaliya ku nool waxaa soo wajahday macluuul aad u daran lixda bilood ee soo socota hadii dadaalada gurmadka aan si deg deg ah loo kordhinin,” ayuu mar kale sheegay afhayeenku.

Afhayeenka ayaa sidoo kale, sheegay in dalka  Yemen, in ka badan todobo milyan oo ruux ayaa waxaa heystay cuni yaro aad u daran, iyadoo 460,000 oo carruur ah ay la il-daran yihiin nafaqa daro, halka Soomaaliya sadex milyan oo qof u baahan yihiin raashiin muwaacano ah oo deg deg ah.

Kenya ayaa ku dhawaaqday 10 Fibraayo in dalka ay ka jirto abaar taas oo sidoo kale saameysay ugu yeraan 23 dalka isla markaana dadka Kenyaanka ah ee gargaarka u baahan ay gaarayaan 2.7 milyan oo ruux lixdii bilood ee la soo dhaaftay.

Stephen O’Brien, oo xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan arimaha gargaarka, ayaa waxaa uu la kulmi doonaa mas’uuliyiin sadexda wadan ee uu booqan doona.

 

Leave a comment

Your email address will not be published.


*