“DHAGEYSO” Madaxweynaha JFS oo ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo Dagaalka Xeraale

0
2658

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka kataagan agagaarka deegaanka Xeeraale ee Gobolka Gal-guduud.

Madaxwaynuhu waxa uu sheegay in colaaddaan ay tahay arrin foolxun, nasiib darro ah oo aan loo dulqaadan karin in ay sii socoto.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadayso tallaabo kasta oo lagu joojinayo colaaddan,waxa uuna intaas raaciyey in deeganadaas loo dirayo guddi soo baara sababaha keenay dagaalkaas iyo dhibaatada ka dhalatay.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here