Saturday 27th May 2017
faceebok twitter
841 Views

Madaxweynaha Puntland oo bogaadiyay ciidanka ammaanka “SAWIRRO” .

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kormeeray ciidamada Puntland ee howlgallada ka fuliyey degmada Qandala islamarkaana gacanta ku dhigay degmadaasi,  isagoo booqday goroonka diyaaradaha ee magaaladaasi iyo sidoo kale khooriga bada ee degmada Qandala.

Madaxweynaha Puntland ayaa ciidamada ku booriyey inaysan ka daalin difaacidda dalkooda hooyo, isla mar ahaantaana ay dardar geliyaan dedaalka dheeriga ah ee ay ugu jiraan inay ka difaacdaan cadawga dhulkooda ku soo duulaya.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxa uu kormeeray garoonka diyaaradaha ee magaalada Qandala oo ay ugu danbaysey goor  la isticmaalo xiligii Dawladda dhexe ee Soomaaliya, geesta kale waxa uu kormeeray khooriga Qandala oo isna aan saa uga fogeyn magaalada.

“Waxaanu taaganahay xeebta magaalada Qandala ee aadka u quruxda badan, qiimaha badan, barwaaqada ah, magaaladani waa magaladii cadawga laga xoreeyey waxbadan oo dhibana waa ay ka geysteen, hay’adihii dawliga ahaa wixii yiiley waa qateen waxna waa jejebiyeen, dadkii shacabka ahaa guryohoodii bay bililiqaysteen, taas bedelkeedana waxa ay ka heleen ciidamadeena geesiyaasha ah, waxaan aad ugu mahad naqayaa dadka reer Qandala sida wanaagsan ay noosoo dhoweeyeen sida ay u garab istageen ciidamada difaaaca Puntland, ciidamada Puntland dhamaantood waan bogaadinaya waana u mahad naqayaa’’ ayuu yiri Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland.

Saraakiisha ciidamada hawlgalada ka fulinaya Degmada Qandala iyo degaamada hoos yimaada ayaa dhankooda  soo bandhigay saanad milateri oo ay ka qabsadeen argagixisada Daacish.

IMG_3501  IMG_3507 IMG_3508 IMG_3511 IMG_3514  IMG_3535 IMG_3539  IMG_3555 IMG_3565 IMG_3570 IMG_3576 IMG_3580 IMG_3601 IMG_3605 IMG_3616  IMG_3656 IMG_3664 IMG_3666 IMG_3669 IMG_3670 IMG_3678 IMG_3696 IMG_3698 IMG_3703  IMG_3722 IMG_3729 IMG_3739 IMG_3749 IMG_3754  IMG_3784 IMG_3789   IMG_3807     IMG_3824   IMG_3840  IMG_3850 IMG_3857 IMG_3877 IMG_3889 IMG_3922 IMG_3936   IMG_3972 IMG_3982 IMG_3989    IMG_4015 IMG_4027  IMG_4044 IMG_4064 IMG_4101 IMG_4115 IMG_4185

 

Leave a comment

Your email address will not be published.


*