Friday 18th August 2017
faceebok twitter
2865 Views

Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sido oo Dil ku xukuntay eedeysane loo heystay dilkii Wasiirkii Howlaha Guud.

Maxkamadda Darajadda Kowaad ee Ciidanka Qalabka Sido ee Soomaaliya ayaa saakay xukun dil ah ku riday mid ka mid ah eedeysanayaashii loo heystay dilkii wasiirkii Howlaha Guud iyo dib u dhiska Marxuum Cabaas Siraaji.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Darajada Kowaad Gashaanle Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka labo eedeysane oo loo heystay dilka Wasiir Siraaji Cabaas , Xukunka labada eedeysane ayaa u kala dhacay Dable Ciidanka Xooga Axmed Cabdullahi Ceydiid oo lagu xakumay dil toogasho ah halka Seddex Alifle Cusmaan Salaad Barre ay maxkamadda xukuntay in lasii daayo.

Kiiska Dacwadaan ayaa soo socday tan iyo wixii ka danbeeyey Markii la dilay Alle ha u naxariistee Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Marxuum Cabaas Siraaji oo ay dileen ciidamo ilaalo u ahaa hanti dhowrkii guud ee Qaranka oo isaga xilkiisa ku waayey dhacdadaas.

Did you like this? Share it:

1 Comment on Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sido oo Dil ku xukuntay eedeysane loo heystay dilkii Wasiirkii Howlaha Guud.

  1. MARLABAAD INAA LILAAHI WA INAA ILAAHI RAAJICUUN XUKUNKA LAGU RIDAY Dable Ciidanka Xooga Axmed Cabdullahi Ceydiid WAA CADAALAD WAA ILAAHAY SHEEGAY HADII SAAS LAGU WADO QOF QOF KU DAG DAGI JIRI MAAYO
    INSHAA ALLAAH WASIIR CABAAS SIRAAJ WAA EHLU JANO KAN LAQISAASAYNA ALLAAH HAA UNAXARIISTO
    SOOMAALIYA GUUL

Leave a comment

Your email address will not be published.


*