Sunday 20th August 2017
faceebok twitter
8466 Views

Munaasabad Lagu Taageerayo Wasiirka Dhalinyarada Oo Muqdisho Lagu Qabtay “SAWIRRO”

Xildhibaanno, dhallinyaro, haween iyo odayaal dhaqameed ayaa ka qeybgalay kulan lagu taageerayay Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye oo loo magacaabay Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa ka qeybgalayaasha waxa ay ugu hambalyeeyeen Wasiirka, xilka cusub ee loo magacaabay, iyaga oo sidoo kale u mahad celiyay Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha Dalka.

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee ka hadlay madasha ayaa sheegay in Khadija Maxamed Diiriye ay mudan tahay Xilkan iyaga oo ku sifeeyey waxqabad dhab ah oo Soomaalinimo sida horey looga arkay.

Xildhibaan Yuusuf Xeyle Jimcaale, Xildhibaan Maxamuud Maxamed Seey Seey iyo Xildhibaan Qaasim Maxamed Jaamac ayaa muujiyay dhankooda taageerrada ay u hayaan Wasiirka iyo Xukuumad cusub waxaana ay cod buuxa ku yiraahdeen “haddii aan nahay Xildhibaannada waxaan halkaan ka cadeeneynaa in taageersannahay kuna qanacsannahay Wasiir Khadiija”.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha Khadiija Maxamed Diiriye ayaa ka hadashay dhibaatooyinka ka jira Dalka, waxaana si looga gudbo ay ballan qaaday in ay la imaaneyso waxqabad dhab ah oo muuqda.

Abaaro ayaa ka jira Dalka, waxaa ina hortaalla howlo badan si aan u dardargalino, waxaa muhiim ah in aan la imaano isbadal, waan idiinkaga mahad celinayaa taageerrada iyo garab istaaga buuxa ee aad I tusteen ayey hadalkeeda kusoo gebagebeysay Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye.

 

Did you like this? Share it:

Leave a comment

Your email address will not be published.


*