Qarax ka dhacay Xabsiga Dhexe

0
7704
  Qof naftii halige ahaa  iyo askari katirsanaa ilaalada xabsiga  Dhexe ee Muqdisho ayaa ku geeriyooday kadib markii  nin isku soo xiray waxyabaha qarxa uu isku dayay in uu isku qarxiyo taliyaha  Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed..

Sareeye Gaas Max’ed Xuseen  Cusmaan oo ah taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliyeed  oo lala beegsaday qaraxasi ayaa SONNA u xaqiijiyay in uu bad qabo, balse waxaa halkaasi ku dhintay  hal askari oo kamid ahaa  ilaalo xabsiga Dhexe.

Dhanka kale Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa SONNA u sheegey in uu halkasi ku shahiiday askari katirsan ciidamada Amniga oo ka hortagay dhagar qabahaasi in uu hadafkiisa gaaro.

Falkaasi is qarxinta ahaa ayaa ka dhacay banaanka Masjid ku yaala Xabdiga Dhexe ee Xamar, saraakiisha hay’adaha amaanka ayaa wada baaritaano ku aadan falkaasi.

Ciidamada Amaanka Dowladda Soomaaliya ayaa goobtaasi ka wada howlo baaritaano ah waxaana halkaasi gaaray mas’uuliyiin iyo saraakiil kale.

SONNA.SO

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here