Radio Muqdisho.. Codkii damista diiday…66 sano oo guuleed,,,WQ: Liibaan Cabdi Cali

1
1700
 

Maanta waxan u joognaa Radio Muqdisho codka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo u dabbaal degaya sanad guuradii 66-aad eek a soo wareegtay markii la aasaasay.
Sanadkii 1951-kii, 9 sano ka hor intii aan dalku xor noqon ayaa uu hawada soo galay Radio Muqdisho. Waa raadiyaha labaad ee ugu facweyn idaacadaha af-soomaaliga ku hadla dal iyo dibad meel ay ka soo hadlaanba.

Waxaa ka fac weyn Radio Hargaysa oo la aasaasay 1943-kii.

Anigu Radio Muqdisho waxaan xasuustaa tan iyo yaraanteydii. 1991-kii markaas oo aan baadiyaha ka soo guurnay oo soo degnay Xarardheere, Mudug, ayaa maqli jiray.

Aabbe ayaa aad ugu taxnaa, oo iiga diri jiray Eeddo Dahabo Raadiyo Panasonic ah, si uu habeenkii Radio Muqdisho uga dhageysto.

Heestii ugu horreysay ee aan abid maqlo waxaan ka dhageystay Radio Muqdisho, waxaana heesta ay qaaddo Hiba Maxamed ee ay miraheeda ka mid yihiin ‘ Ka tashada cadaawahoo Isku tiirsanaada”.

Xilli ay Soomaalidu bilowday in ay is tumaatido, ayuu wali Radio Muqdisho ka hadlayay midnimo iyo in aan aqal tiir la’aantii taagnaan Karin.

sanadihii ka sii dambeeyay ee ay dowladnimadu sii wiiqantay, wali Radio Muqdisho hawada ayuu ku jiray, hadba geed ayuu soo harsaday, hadbana duruuf ayuu ku jiray. Waxaase hubaal ah in uu mar walba kaga duwanaa idaacadihii kale ee dalka ka jiray in uu yahay dhaxal Soomaaliyeed oo fac weyn, kaas oo waxa ka baxaya ee suugaan, taariikhba leh ay dadka Soomaaliyeed xusuusinayeen taariikh dheer oo la soo maray iyo dhaxal ay iyagu leeyihiin.

2004-tii ayaan markii ugu horreysay soo galay Radio Muqdisho, waxaa I keenay saaxiibkey Saalax SONNA oo xilligaas raadiyaha ka shaqeynayay. Markii labaad ee aan imaadana waxay ahayd 2009-kii markaas oo ay ka mid noqday howl wadeennada Radio Muqdisho.

Halkan ayay ka shaqeeyeen oo ay bulshada kala hadleen magacyo waaweyn iyo shakhsiyaad aad loo yaqaanno oo Soomaaliyeed. Halkan ayay ku barbaareen ayna albaabka caannimada ka galeen rag iyo gabdho badan oo Soomaaliyeed.

Halkan waxaa ka soo shaqeeyay Wasiirro, Xildhibaanno iyo Professors jaamacadeed oo safarkooda nolosha shaqo ka bilaabay Radio Muqdisho.

Markii uu cirkaas marayay , markii uu yara shiiqay iyo hadda oo uu soo kabanayo intaba waxaa Radio Muqdisho ka shaqeynayay muwaadiniin Soomaaliyeed oo suurto galiyay in uusan hawada ka bixin, si kastoo uu codkiisu u gaabnaa ama siyaasaddiisa loo dhaliilo.

Radio Muqdisho…Codka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Soomaaliya, Radio Muqdisho..Codka Shacabka iyo Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya.. Intaas oo magac iyo hal ku dhag waxaa loola jeedaa Radio Muqdisho.

Radio Muqdisho waxa uu gaaray in uu qaato magaca Wasaaradda iyo Warbaahinta kale ee Qaranka. Dad badan ayaa wali marka doonayaan in ay Wasaaradda tilmaamaan waxay yiraahdaan Radio Muqdisho, kuwa kale ayaa SNTV u yaqaan Radio Muqdisho, taas oo uu ku kasbaday saameyntii ballaarneyd ee uu geyiga soomaalida iyo gobolka oo dhan ku lahaa bergii uu aadka u xoogganaa.

Waxaan hambalyo leeyahay bahda Radio Muqdisho iyo dhammaan intii horay uga soo shaqeysay iyo intii ka qeyb qaadatay badbaadinta dhaxalkan Soomaaliyeed oo uu keydku ugu horreeyo.

Hambalyo Radio Muqdisho… 66 sano guuro wanaagsan. Horumar iyo higsi dhabooba ayaan idiin rajeynayaa.

WQ: Liibaan Cabdi Cali

 

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. waxaan hambalyo u dirayaa bahda raadiyo muqdisho iyo telefishinka qaranka oo ah mataano aan kala harin hambalyo iyo guul ayaan leeyahay intii hore uga soo shaqeysay berisamaadki iyo inta u dhabar adeygtay waqtigii cuslaa ee nabad diidku caasimada gacanta ku haayay illaa maantadaan aan joogno oo cadawgu weli ugaarsado inta codka xaqaa shacabka gaarsiineyso,

    raadiyo muqdisho waa barbaariyihii shacabkeenaanigu waxaan ka mid ahaa jiilkii berisamaadki dhegeysan jiray dhacdooyin badan oon la ilaawi karin ayoow dareenkeyga ku reebay waxaan xasuustaa anigoo yar oo waxka dhageysan jiray dagaalkii 77-79 waqtiga iigu fiican een dhageysan jirnay waxoow ahaay labada duhurnimo oo la soo deyn jiray akhbaartii ugu dambeysan dagaalku halkoow maraayo iyo guulihii ciidankeenu gaaray.
    wariyaha aan ugu jeclaa waxoow ahaay axmad xasan cowke allaha u naxariistee,hal heysyadii oow caanka ku ahaay waxaa ka mid ah taliska MACANGAGAA, UMULA DOOXA TALISKA CAGO JIIDKAa.

    heesihii waqtigii dagaalka aan raadiyo muqdisho ka dhageysan jirnay waxaa ka mid ah,
    NINKII DHOOFKU YIMID BEEY GEERIDU DHIBEEYSAA.

    CEESAANTII MAS IYO GOOD MADAX SHABEEL LEEFTAA MALAGEEDI BAA GALAYEEY.ceesaanta waxaa loola jeeday xabashida, maska iyo goodkuna waa soomaali iyo ciidankeeda.

    heesaha kale ee guubaabada ah een raadiyo muqdisho ka dhageeysan jirnay waxaa ka mid ah tii tacliinka ka hadleeysay aanan iloobin waligeey waana tan

    BANI AADANKUBA BILOOWGIISI HOREE WAXOOW BAAHI QABAY BARASHIYO TACLIIN AYOOW UGA BAXEE.

    raadiyo muqdisho iyo bahdiisa waxaan leeyahay intii dhimatay allaha u naxariisto inta nool jiilkii hore iyo jiilka yaryarba waxaan leeyahay waxaad tihiin mujaahidiin u taagan ladagaalanka cadawga soomaaliyeed nuuckastoow yeeshaba marka niyadiina cusbooneysiiya abaalkiina alaha jano ka dhigo dadaalka halkiina ka sii wada taariikhda ayaad baal dahaba ka galeeysiin sidii kuwii idinka horeeyaba u galeen guuleeysta garabkiina allaha galo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here