Wednesday 26th July 2017
faceebok twitter
1169 Views

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta ka dhacaya Kismaayo

Waxaa goor dhow magaalada Kismaayo lagu wadaa inuu ka furmo shirka Golaha Wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya, iyadoo magaaldaasi ay ku suganyihiin R/wasaaraha, ku xigeenkiisa iyo inta badan Golaha Wasiirrada.

Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay shirka  maanta ka dhacaya magaalada Kismaayo inuu yahay shirkii caadiga ahaa ee Todobaadkiiba mar ay isugu imaanjireen Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda.

Mudane C/rixmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sidoo kale sheegay in shirkaan uu ka dhiganyahay in dowladdu ay u sii dhowaanayso shacabkeeda.

Waxaa kaloo jiri doona kulamo gaar gaar ah oo R/wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirrada ay la yeelan doonaan masuuliyiin ka tirsan dowlad Gobaleedka Jubbaland iyo sidoo kale qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Did you like this? Share it:

Leave a comment

Your email address will not be published.


*