Taliska Booliska Soomaaliyeed oo soo Bandhigay Sanaadiiq loogu tala galay Cabashada dadweynaha+Sawirro

0
2118

Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay qorshe looga jawaabayo cabashooyinka dadweynaha.

Qorshahan ayaa waxaa soo hindisay sii haya Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Generaal Muqtaar Xuseen Afrax waxaana loogu talagalay sanduuqyadan in ay cabashadooda ku soo gudbiyaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Banaadir  loogana jaawaabi doono cid walbo oo ay qusayso.

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Korneel Qaasim Axmed Rooble oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta ciidanka booliska ayaa warbaahinta u faahfaahiyay muuhimadda ay leeyihiin sanaadiiqdaan iyo meelaha la dhigi doono.

’’Sanaadiiqdaan waxaa la dhigaa afar goobood,gobolka ,jaamacadda ummadda, taliska ciidanka maxkamadda, iyo meeshii loo arko in ay muuhiim tahay’’

Waa markii ugu horeysay oo tallaabo noocaan oo kale ah uu qaado booliska Soomaaliyeed waxa ayna caddeyn u tahay howlaha dar dargalinta leh ee Booliska Soomaaliyeed uu wado.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here