Friday 26th May 2017
faceebok twitter
5606 Views

Tartamayaasha degmada Warta Nabadda oo caawa ku guuleysta tartanka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay si wada jir ah u baahinayaan Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV, uuna taaba gelineyo sanadkii saddexaad oo xiriir ah Maamulka Gobolka Benaadir ayaa caawa kama dambeyta ah waxaa tartan aad u xiiso badan ku dhexmaray degmooyinka Yaaqshiid Vs Warta Nabadda oo ka wada tirsan Banaadir, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dadaal iyo anshax wanaag inta uu tartanku socday.

Tartanka oo ahaa mid aad u xiiso badan ayaa tartamayaasha labada degmo waxa ay muujiyeen tartan wanaag oo ku dhisan aqlaaq iyo aqoon.

Natiijada tartankii dhexmaray xalay tartamayaasha degmooyinka Yaaqshiid iyo Warta Nabadda waxey noqotay sidan:-

Yaaqshiid

Tartamayaasha Degmada Yaaqshiid sida xeerka barnaamijka tartan Cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan uu dhigayo waxaa la weeydiiyey Todobo Su’aal, waxaana su’aallihii la weydiiyey ay ka jawaabeen Hal su’aal oo waxa ay iska qaldeen Lix, mana jirin wax ka faa’ideysi ah oo ay heleen Boosaaso, wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Yaaqshiid ay heleen noqoneysaa 2 dhibcood (Labo dhibcood).

Warta Nabadda

Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda waxaa iyana dhankooda la weydiiyey Todobo Su’aal, su’aallihii la weydiiyey waxay si sax ah uga jawaabeen Labo su’aal, halka ay iska qaldeen shan su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareermartay tartamaayasha degamda Yaaqshiid, waxaana wadarta guud ee tartamayaasha degmada Warta Nabadda ka dhigeysaa inay heleen 6 dhibcood (Lix dhibcood).

Tartamayaasha degmada Warta Nabadda ayaa caawa ku guuleysatay tartan cilmiyeedka Warbaahitna Qaranka ee sanadkan, iyadoo labada degmo ay isugu hambalyeeyeen guusha.IMG_5309

IMG_5292 IMG_5319 IMG_5322 IMG_5325 IMG_5326 IMG_5330 IMG_5331 IMG_5337 IMG_5343 IMG_5354 IMG_5355 IMG_5380 IMG_5381 IMG_5398 IMG_5403Sawir Qaade:-Farxaan Suleymaan Daahir

 

1 Comment on Tartamayaasha degmada Warta Nabadda oo caawa ku guuleysta tartanka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

  1. ku socoto ummadda soomaaliyeed ee walaalaha ah ee is jecel wadankoodana jecel , ka ilaaliya qaaimiinta majeerteen wadankiina waa dad ku shaqeeya qabiil doofaar ma daahiro , waana soomaali diid 5 sano ka hor waxay sheegteen in ay walaalo yihiin tigree , madaxweynana iskuma soo sharixi karaan waa cadawga ummada soomaaliyeed waligoodba daba dhilif ayeey ahaayeen gumaysiga… ha ku ekaadaan pontland , waxaan inka codsaneynaa radio mogadishu hadaan nahay ummadda soomaaliyeed ee is jecel in aad dhambaalkaan u gudbisid , xaafiiska madaxweynaha soomaaliya kana sii deysiin raadiyo mogadisho,,, mahadsanid

Leave a comment

Your email address will not be published.


*