Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959-2012 “Qeybta 5aad” Akhriso+Dhageyso

0
3011

Doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeennada Guddoomiye ku-xigeennada Golaha Shacbiga – 1964

Kulankii koowaad ee Golaha Cusub waxaa la qabtay 26th Maajo 1964, ajenda ugu horraysayna waxay ahayd doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka. Sida Dastuurku farmayo qaybta hore ee kulanak waxaa shir guddoominayey xildhibaanka ugu da’weyn, kaasoo noqday M.ne Maxamed Cosoble Cadde oo 58 jir ahaa. Waxaa jagada guddoonka u ku tartamay laba Xildhibaan oo kala ah M.ne Cali Garaad Jaamac, oo ahaa Wasiirka Beeraha iyo M.ne Axmed Sheikh Maxamed Cabsiye. Sida dastuurku qabay labada wareeg hore waxaa lagu kala guuleysanayey qofkii hela 82 cod, oo dhigan 2/3 tirada guud ee xubnaha Golahu ka koobnaa 123 xildhibaan. Waxaa goobjoog ahaa oo codeynayey 120 xildhibaan, waxayna labada musharrax ku kala bexeen wareegga koobaad, sida ku cad shaxdan:

Magaca Musharraxa

Wareegga 1-aad

Wareegga 2-aad

Wareegga 3-aad

M.ne Axmed Sheikh Maxamed Cabsiye

82

Looma baahan

Looma baahan

M.ne Cali Garaad Jaamac

38

Looma baahan

Looma baahan

Qaybta labaad ee kulankan waxaa la gudagalay doorashada saddaxda Guddoomiye ku-xigeennada Golaha, waxaana ku guuleystay Xildhibaan Xaaji Bashiir Ismaciil, iyo Sheikh Mukhtaar iyo Axmed Qumane, codadka ay ku guleysteen waa sida shaxdan hoose ku muuqaalisan:

Magaca Musharraxa

Wareegga 1-aad

Wareegga 2-aad

Wareegga 3-aad

M.ne Xaaji Bashiir Ismaciil

78

0

0

M.ne Sh Mukhtar Maxamed Xusein

75

0

0

M.ne Axmed Qumane

68

0

0

Natiijada Doorashadii Madaxweynihii 2aad ee Dowladda Soomaaliya, oo muddada xilhayntiisu tahaya lix (6) sano waxaa la qabtay 10kii Juunyo 1967

Kadib markii Golihi cusbaa muddadii xilhaynta Madaxweynahii horey ee 6-da sanno ahayd ay dhammaatay, waxaa 10kii Juunyo 1967dii la qabtay doorashadii Madaxweynihii 2aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, natiijada iyo habka doorashadu u dhacaday waa sida soo socota:

Waxaa dooranaayey: Golaha Xildhibaannada Qaranka (Assemblea Nazionale /National Assembly) Tirada Xildhibaannada fadhiyey ee codeynayey waxay ahaayeen 123 Xildhibaan

Wareeg

Codadka aamusay ama xumaaday:

Cododka ansaxay:

Wadarta Cododka

Wareega Koowaad

3

117

120

Wareega Labaad

1

121

122

Wareega Saddaxaad

0

123

123

Magaca Musharraxa

Wareegga 1-aad

Wareegga 2-aad

Wareegga 3-aad

M.ne Aadan Cabdulle Cusmaan

57

55

50

M.ne Cabdirashid Cali Sharmarke

63

67

73

Sida uu qabo Dastuurkii 1960, Wareega 1aad iyo 2aad Musharaxiinta waxay ku kala guuleysan kareen qofkii hela 82 cod oo u dhigan 2/3 tirada guud ee Xubnaha Golaha tasoo midkoodna helin. Saadaraadeed waxaa lagu kala baxay wareega 3aad oo cod hal dheeri ah ayaa M.ne Cabdirashiid Cali Sharmarke oo helay 73 cod kaga guulesytay M.ne Aadan Cabdulle Cusmaan oo helay 50 cod oo kaliya. Saa daraadeed M.ne Cabdirashiid Cali Sharmarke ayoo loo doortay inuu noqdo Madaxweyinihii 2aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Waxaa halkan xusid casharka laga bartay dhaqanka hoggaamiyenimada qarameed ku dheehan tawaaduc iyo xilkasnimada madaxtinnimada uu muujiyey Madaxweyne Aadan. Sida dhaqanka dastuurigu ahaa iyo kan baarlamaaniguba yahay, doorashada Madaxweynaha Jumhuuriyadda waxa la qaban jiray 30 beri ka hor inta aanay dhamaan mudda xilhaynta Madaxweynaha. Muddada xilhaynta Madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan waxay dhamaaneysay 6-da Luuliyo 1967. Markii natiijada codeynta Baarlamaanku rasmi noqotay oo M.ne Cabdirashiid Madaxweynenimada loo doortay, M.ne Aadan Cabdulle Cusmaan, kuma ekaan keliya in uu Madaxweynaha cusub ugu hambalyeeyo maqaamka uu ku guuleystay ee, wuxuu isla markiiba warqaddii istiqaaladiisa u diray Guddoomiyaha Baarlamaanka kana codsaday in laga oggolaado in lasoo hormariyo xilwareejinta, oo Madaxweynaha cusub ku wareejiyo xilka 30-ka Juun 1967 marka ay saacaddu tahay 6.00-da fiidnimo, si Madaxweynaha cusub ay ugu suurtogasho inuu hoggaamiyo munaasabada xuska, dabaaldegga iyo xafladaha lagu lagu maamusayo Maalinta Qaranka ee 1-da Luuliyo. Baarlamaanka wadar oggol iyo sacab ayuu ku oggolaaday istiqaaladda Madaxweyne Aadan iyo soojeedinta wehlisay. Waxayna hayd arrin shacbiga Soomaaliyeed meel kastoo uu joogay aad ugu riyaaqay hoggaamiye qarameednimada iyo mudnaanta uu siiyey sugidda xasillooonida siyaasadda qaranka.

28-kii Juun 1967, ayaa shan iyo toban (15) Xildhibaan uu hoggaaminaayo M.ne Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal ayaa soo jeediyey mooshin in Goluhu ansixiyo Qaraar Baarlamaani ah, oo M.ne Madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan lagu maamuso salaamo Salaan Qaran, magaca Qarankana loogu mahadceliyo taas oo loogu muujinaayo galladda shacbiga soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, sida hufan uu xilkiisa usoo gutay iyo sida wacan uu usoo ilaaliyey dhaqanka dastuurka iyo sharafta haybadda Hoggaanka Saree e Jumhuuriyadda. Qaraarkaasi wuxuu Baarlamaanka ku oggolaaday kuna ansixiyey wadaoggol, sacab, iyadoo dhammaan xildhibaanada si qaddarin leh u sare joogsaday.

Taariikhda Afrika waxay xustay in M.ne Madaxweyne Aadan yahay Madaweyne Afrikaan ah kii ugu horreeyey ee xilka loogu doortay si dimuqraaddi ah, si la mid ah oo dimuqraaddi ah xilka uga degay, si nabad ahna ku wareejiyey awoodda Qaranka. Madaweynihii labaad Afrikaanka ah ee xigay oo si nabad ah awoodda ku wareejiyeyna wuxuu noqday Madaxweyne Senghor ee Senegal.

Arrinta kale oo xusid mudan waa isku kalsoonaanta iyo fiiro dheeridiisa. Waxaa la wada ogsoon yahay in markii la gaaray madasha doorashada Madaxweynaha, M.ne Aadan ma gelin ololaha dib – u- doorashadiisa iyo abaabul xildhibaano uu uu cod ka raadiyo midna. Sabata uu uga gaabsaday waxaa muddo ka bacdi ka waraystay, xogtanna soo tebiyey M.ne Maxamed Cali Dhoorre ‘Cagaweyne’ oo ay ahaayeen saaxiibbo isu sir-warrama. Wuxuu ku Jawaabay: “Weligey isuma arag inaan ahay qof aan laga maarmin. Markaan arkay in talooyinkeyga iyo afkaartayda mudnaanta iyo qaddarinta ay leeyihiin la siinayn, waxaan gartay in aysan habooneyn in aan Madaxa Dawladda sii ahaado, Aqalka Dawladdana sii joogo, oo sii dheereysto, waxaan u arkay inaysan wax faa’iido lahayn, Qarankana culays ku ah. Toddobo (7) sano waa muddo dheer oo kifaaya ah oo aan ku garto kuna qaddariyo wixii faa’iido ama faa’dodarro u keeni kara dawladnimada”.

30-kii Juun 1967 markay saacddu ahayd 6.00 fiidnimo oo gaw ah, M.ne Aadan Cabdulle Cusmaan wuxuu xilkii Xafiiska Madaxtooyada Dawladda Soomaaliyeed ku warejiyey M.ne Cabdirashiid Cali Sharmarke, ayadoo lagu jiray jawi ku dheehan nabad, amni iyo xasillooni siyaasadeed oo si rerrayn iyo farxad laysugu diyaarinaayey dabaaldegga xuska Maalinta Qaranka ee 1-da Luuliyo 1967.

La Soco Qeybta 6aad Insha Allah

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here