Friday 28th April 2017
faceebok twitter
6087 Views

Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959-2012 “Qeybta 7aad” Akhriso+Dhageyso

Casharrada laga bartay xilligan waxaa ka mid aha, in musharraxiinta intii doorashada xildhibaannimada ku guuleysatay waxay badankood haddiiba ku biireen Xisbiga aqlabiyadda helayee SYL, astaanta xisbiyadooda waxay u adeegsadeen keliya ololaha doorashada, oo marba haddii la doortay way ka bexeen, maadaam uu xildhibaanku marba haddii uu ka mid noqdo xubnaha Golaha uu kursigiisu u madaxbannaan yahay, mana jirin sharci ama xeernidaamiye xakameeya in xildhibaanku ka bixi Karin xisbigiisa ama kursiga ku wayayo.

Sidoo kale majirin nidaam siyaasadeed oo xisbigu leeyahay oo xakameeya xildhibaanka ama isku xira kursiga iyo xisbiga kursiga helay. Saa daraadeed dhamaadkii bisha Maajo 1969 waxaa 36 ka mid ahaa xildhibaannadii axsaab kale kuraastooda kusoo guuleystay baa ku biiray xisbiga SYL oo markii hore lahayd 73 kursi, sidaasna ku yeeshay 109 kursi.

Waxaa intaa dheer in xisbigii Somali National Congress (SNC) oo lahaa 11 kursi isna isbahaysi buu la yeeshay SYL una kobocday oo yeelatay 120 kursi ka mid ah 123 xubnood uu Goluhu ka koobna, aqlabiyadaasna xisbiga SYL ku qabsaday xukunka iyo maamulka dalka.

Ololaha tartanka doorashooyinka siyaasadeed ee 1969 waxaa ka qaybgalay axsaab badan. Xisbiga SYL ayaa ahaa xisbiga keliya haystay taageerada dadka kuna baahsanaa degmooyinka dalka oo dhan, dhanka mucaaradkana xisbiga SNC ayaa isna haystay taageero dadweyne aan yarayn. Waxaa ololaha tartanka siyaasadeed ee doorashooyinka ka qaybgalay lixdan iyo afar (64) xisbi siyaasadeed, badankoodna waxay ahaayeen kuwa u abuurmay ujeeddo loogu qaybgalayo tartamadda doorashoyinka keliya ee ma ahayn kuwo dhab ahaan u jiray ololaha doorashooyinka ka hor, ama usii jirayey doorashooyinka ka bacdi, ama u tooghayey in ay dhab ahaan nolosha siyaasadeed ee qaranka door uga sii qaatan.

Kuraasta 123-da kursi ee Mattalaadda Golaha Shacabka waxaa u tartamay 2,214 musharrax, taas oo u dhiganta isku celcelis kursigiiba 18 musharrax ayaa ku loollamay, sidaasna ay axsaabta yaryar ku guulaysteen in ay helaan min hal ama labo kursi. Iskucelcelis halkii kursi ee ka mid ahaa 123, Xildhibaan kasta wuxuu ku fadhiyyey 7.150 muwaadin codkooda.

Waxaa kaloo muhiim ah in fiiro gaar ah loo yeesho casharka laga bartay sida ay u dhaqmeen xildhibaanadii lagu soo doortay axsaabta mucaaradka. Ka dib markii xildhibaanadii guuleystay loo dhaariyey xilkii Golaha Shacabka, waxay haddiba, laba bilood gudahood, ku wada bireen kana mid noqdeen xisbiga xaakim aha ee SYL.

Dhammadka bishii Maajo 1969-kii – Xisbigii Leegada (SYL) oo horrantii lahayd 73 kursi waxay u kobcday oo Goluhu ku yeelatay 109 xildhibaan. Waxaa intaa dheer in xisbiga SNC oo lahaa 11 kursi wuxuu isna isbahaysi la sameestay xisbiga SYL saa daraadeed ayey SYL Goluhu ugu yeelatay xukunka dalkana ku qabsatay aqlabiyaddii ugu saraysay oo yeelatay 120 kursi ka mid ah 123-da kursi uu Goluhu ka kooban yahay.

Doorashadii Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeennada Golaha Shacbiga ee – 1969

Ka dib markii lasoo gebagebeeyey doorashadii Maarso 1969 iyo hawlihii kale ee la xiriiray, Golaha Shacbiga Cusub waxaa kulankiisa koowaad la qabtay 8-da Maajo 1969 – qaybta hore ee Kulakan wuxuu ahaa in la doorto Guddoomiyaha Baarlamaanka, oo ay ku tartamayeen laba musharrax oo kala ahaa Sheikh Mukhtaar iyo Sheikh Cali Jimcaale .

Haseyeeshee M.ne Sheikh Cali Jumcaale intaan la gelin wareegga koobaad ayuu musharraxnimada ka tanaasulay. Sid aka muuqata shaxda halkan hoose ku xusan, codeynta doorashada Guddoomiyahana waxay ku ansaxday wada oggol.

Magaca Musharraxa

Wareegga 1-aad

Wareegga 2-aad

Wareegga 3-aad

M.ne Sh. Mukhtar Moxamed Xusein

114

Looma baahan

Looma baahan

M.ne Sheikh Cali Jumcaal

tanaasul

Qaybta labaad ee kulanaka Golaha wuxuu galay dorashada saddaxda Guddoomiye ku-xigeen. Natijadana waxay noqotay sidan:

Magaca Musharraxa

Wareegga 1-aad

Wareegga 2-aad

Wareegga 3-aad

M.ne Amed Qumane

110

M.ne Xaaji Yuusuf Cigaal

108

M.ne Xaaji Faarax Cali

107

Dilkii Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmarke iyo Dhalashadii Kacaanka 21-ka Oktoobar 1969

Inkastoo hay’adihii dawladdu ay jireen oo ay shaqaynayeen, hadana Soomaaliya marna qabiilaysiga kama marnayn. Sanadihii dambe waxaa dalka u kulmay hoos u dhac dhaqaale, laantii garsoorka oo faragelin lagu sameeyey, hay’adihii dawladda oo adeegyadii dadweynaha ay u hayeen saameeyey qabiileysi iyo qabiileysiga oo furfuray axsaabtii siyaasadeed, oo waxaa abuumay axsaab siyaasadeed fara badan oo qabiillo ku shisan. Saa daraadeed waxaa yaraatay kalsoonidii daweynaha ku qabay hay’adahiisa dawladda waxay u janjeersatay daacadnimada qabiilka. Waxaa intaa dheer in sanooyinkii dambe dalku saameeyeen abaaro iyo roob la’aan.

Usbuucii labaad ee bisha Oktoobar 1969, Madaxweynaha Jumhuuriyadda, oo uu wehliyey Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxay maalmahaas kormeerayeen abaaraha iyo roob la’aanta saameysay dadka iyo dunqaarada (duunyada) ku noola goboollada Woqooyiga Soomaaliya. Raadiyo Muqdisho, oo ahaa codkii dawladda, wuxuu 15-kii Oktoobar 1969 sheegay in Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmarke magaalada Laas Caanood lagu toogtay kuna geeriyooday markii ay saacaddu ahayd 12:45 duhurnimo. Maalintaas ay dhacdadan dheceyso Ra’iisul Wasarare Maxamed Xaji Ibrahim Cigaal wuxuu booqasho ugu maqnaa dalka Maraykanka. Waxaa in fiiro gaar ah loo yeesho u baahan, ma haboona nidaamka dawaladdana ma waafaqsana in sadax Madaxda Sare ee Dalka ay isku mar ka wada maqnaadaan Magaala Madaxda Dawladda. Nidaam ahaan ma waafaqsana brotokoolka ilaalainta xilalka sare ee dawladda. Dhanka kale, ka wada maqnaashahoodana wuxuu militeriga u fududeeyey qorshaha xukun la wareegidda oo intii muddo ah xogta dhaqdhaqaaqa ay damacsan yihiin lala socday.

Eedeysanaha dilay Madaxweynaha wuxuu ka tirsana Ciidanka Booliska Soomaliyeed, oo la oran jiray askari No# 4745 Saciid Yuusuf Ismaaciil iyo Shan (5) qof kale tuhun ahaan loo soo qabtay. Dacwadda ee eedeysanayaasha oo hortiilay maxkamadda Gobalka ee Burco, waxaa dhalashadii kacaanka ka bacdi loo soo wareejiyey Maxkamadda Badbaadada ee Muqdisho, markii Xer-Ilaaliye Cabdi Faarax Baashane soo gunaanaday barista dambigaas, waxay Maxkamadda Badbaadada xaqiijisey in eedeysanuhu yahay denbiile kuna xukumay dil si waafaqsan Qodd. 434 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, taariikhdu markii ay ahayd 1970kii. Dadkii kale ee tuhun ahaanta loo soo qabtayna waa la sii daayey.

Dhalashadii Kacaanka 21ka Oktoobar 1969

Markii duugtii Madaxweynaha dhamaatay, Golihii Dhexe ee xisbiga SYL wuxuu galay wada tashi qofkii loo dooran lahaa Madaxweyne, waxaana lagu heshiiyey in si waafaqsan Qodobka 74-aad ee dastuurkii 1960, in kulanka Golaha Shacabka ee 21-ka Oktoobar lagu doorto Madaxweynaha cusub. Kulankaasuse ma dhicin oo waxaa aroortiiba magaala-madaxda iyo dalka oo dhanba qabsaday saraakiil ka tirsan Ciidama Qalabka Sida (CQS) oo isku magacaabay Golaha Sare ee Kacaanka (GSK). Laga bilaabo 21 Oktoobar 1969 markii ay saacaddu ahayd 03:00 habeennimo waxay CQS caddeeyeen in ay laaleen Dastuurka iyo dhamaan awoodihii dawladda oo Dastuurku bixiyey. Kuwaas oo ay ka mid yihiin awooddii Sharcidejinta ee Baarlamaanka, awoodii Laanta Garsoorka iyo awoodii laanta fulinta, doorashooyinka, axsaabta siyaasadeed, ururrada shaqaalaha iwm. Waxaa bilowday 10 sano oo dalku dastuur la’aan aha, waxaana loo diyaarinaayey in lagu dhaqo nidaamka hantiwadaagga Guddoonka Dhexe. 21-kii Oktoobar 1969 waxaa la soo saaraya warqaddi 1-aad ee Kacaanka 21 Oktoobar 1969 oo kala qeexeysay siyaasadda arrimaha gudaha iyo arrimaha dibadda:


La Soco Qeybta 8aad Insha Allah

Leave a comment

Your email address will not be published.


*