Warbixin:- Haweenku waa udub dhexaadka bulshadeena

0
919

Dal walba waxaa dhisa bulshadiisa, haweenkuna waa lafdhabarka bulshada, waana taa midda lagu gaaro horumar iyo baraare.

Iyadoo ay sidaas tahay ayaa Haweenka Soomaaliyeed maadaama ay yihiin laf-dhabarta bulshada waxay kaalin muuqda oo aan la ilaawi karin ku leeyihiin bulshada dhexdeeda, inkastoo Haweenku ay yihiin Hooyooyin, Gabdho ugub ah iyo carmalo, hadana waxaad arkeysaa iyagoo u tafaxeydanaya sidii ay qeyb libaax leh uga qaadan lahaayeen isla-markaana door firfircoon uga ciyaari lahaayeen dib u dhiska iyo nabad ku soo dabaalidda dalkeenna Hooyo.

Qormadan ayaan waxaan uga hadli doonnaa Kaalinta ay Dumarkeennu ku leeyihiin bulshadeena, inagoo qodob qodob isu dultaagi doonna dhinacyada ay Haweenka kaga jiraan arrimaha siyaasadda, Nabadgelyada, Dib-u-heshiisiinta, Waxbarashada, Ganacsiga iyo Halgankii Xornimada ee dalka.

Siyaasadda

Haweenka Soomaaliyeed qeyb libaax leh ayey ku leeyihiin arrimaha siyaasadda ee dalka, iyadoo ay muuqato kaalintooda ka mid ahaanshaha dowladihii dalka soo maray, gaar ahaan kuwii ugu dambeeyey ee burburka kaddib, arrintaasoo ka dambeysay sababo badan oo ay kamid yihiin, iyagoo fahmay arrimaha siyaasadda, isla markaana ku biiray kuliyadaha lagu barto arrimaha siyaasadda iyo waliba soo badashada dadaalada lagu dhiiragelinayo in haweenku ay qeyb ka noqdaan arrimaha siyaasadda, arrimahaas oo is biirsaday ayaa keenay in Haweenku ay xusul duub u galaan inay kaalintaas buuxiyaan.

Waana taas midda keentay in dawladda haatan jirta ay u garawdo Haweenka kaalin muuqatana ka siiso Barlamaanka, Xukuumadda iyo hay’adaha kale ee dawliga ahba.

Nabadgelyada

 Maadaama wax kasta nabadu ay fure u tahay la’aanteedna aanan la noolaan karin ayaan dhihi karnaa Dumarka Soomaaliyeed tan iyo bariisamaadkii iyo ka horba waxay u tafaxeydanayeen sidii dalku uu u heli lahaa nabad waarta oo lagu naaloodo,

Sanadihi ugu dambeeyey ee dalku ku jiray colaadaha iyo dagaalada sokeeye ayaa haweenka Soomaalida waxay door fiican ka ciyaarayeen sidii colaadahaas loo dhameyn lahaa, loona Nabadeyn lahaa beelaha is-dagaalaya, iyagoo fidiyey gogolo lagu dhameynayo Colaadahaas, kaalin muuqata ku lahaa in Nabad lagu dhameeyo colaadda.

Dib-u-heshiisiinta

Sidaasi si la mid ah ayey waxay Dumarkeennu ka qeyb qaateen dib-u-heshiisiinta, iyagoo isu keenayey cidkasta oo dagaal ama gacan ka hadal uu dhexmaro, waxaanay Haweenku qaybtooda ka ciyaaraan dib u soo celinta Nabadda, iyagoo suugaan ku cabiraya muhiimadda dib-u heshiisiinta iyo sida aan looga maarmeyn.

Waxbarashada

Inkastoo Xilliyadii hore aaney haweenku ku badneyn goobaha waxbarashada ee dalka sababo la xiriira saameynta dhaqanka soo jireenka ah iyo waalidiinta qaar oo aan gabdhaha u ogolaan inay gabdhahooda fursadaha wabarashada ka qeybgaliyaan ayaa waqtiyadi ugu dambeeyey ay Haweenku rikoorkaas jabiyeen, waxayna buuxiyeen goobaha waxbarashada maadiga iyo kuwa Diiniga ahba.

Waxaana marka aad booqato iskuulada iyo Jaamacadaha Dalka kuyaala aad ku arkeysaa gabdho badan oo fadhiya safafka hore ee fasalada si wayn ugu dadaalaya inay waxbartaan, qaarkoodna ka soo muuqda kaalimaha hore ee xagga kala horeyn imtixaanaadka.

Siyaabaha keenay in Dumarku ay iskuulada iyo Jaamacadaha kubataanna waxaa kamid ah waalidiinti oo fahmay muhiimadda waxbarashada ee aadanaha iyo sida aaney u sineyn qofka waxbartay iyo kan aanan baran iyo doodaha looga hadlayo waxbarashada gabdhaha oo batay iyadoo uu dhaqangalay, halkudhigga ah {Gabar wax baratay waa Qaran waxbartay, wiil waxbartayna waa qof waxbartay}.

Ganacsiga

Kaddib burburkii iyo qalalaasihi ka dhacay Wadanka ayaa Alle ka sokow waxaa dalka iyo dadkaba badbaadiyey Haweenka, waxayna buuxiyeen kaalintii Aabayaasha ee kasoo shaqeynta bannaanka, iyadoo gabar walba ay ku dadaashay sidii quutul yoonka reerkeeda ay ugusoo dhicin laheyd, arintaas ayaana keentay in tan iyo intaas ay Haweenku ganacsadaan oo ay si wayn suuqyada uga dhexmuuqdaan.

Xornimada iyo Halgankii Gobonimo-doonka

Xornimada iyo Halgankii gobanimadoonka ee dalka Haweenku waxay ka galeen baal dahab ah, waxaana jirtay in Haween badan oo Soomaaliyeed ay ku waxyeeloobeen naftoodana kuwaayeen kadib markii gumeystihi dalka ka talinayey ay dhibaato kala kulmeen.

Sikastaba waxaa maragmadoonta ah in Haweenkeenu ay kaalin muuqata oo firfircoon ku dhexleeyihiin bulshada Soomaaliyeed isla markaana ay markasta jecelyihiin inay dadaalkooda sii labalaabaan.

 

W/Q Amina ladan Axmed cali.

ladancali@gmail.com

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here