Friday 28th April 2017
faceebok twitter
14033 Views

Wasiirka amniga gudaha oo shaqada ka fadhiisiyay Taliyaha saldhiga booliska degmada Xamarweyne

 

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo muddooyinkan kormeerayey howlaha Saldhigyada Booliska ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan xilliyada habeenkii ayaa xalay wuxuu kormeer howleed ku tegay dhowr Saldhig halkaasoo uu ku soo arkay Ciidan iyo Sarakiil heegan u ah gudashada waajibkooda Qaran iyo qaar yar oo dayacaad howl gudasho la’aan ah ay ka muuqatay.

Taliyaha Saldhigga degmada C/casiis Dhamme Axmed Cabdullaahi Baashane ¬†ayaa si weyn loogu ammaanay howshiisa kaasoo uu Wasiirku sheegay inuu si fiican uga soo dhalaalay, halka Taliyaha Saldhigga Xamar-weyne G/dhexe Cabdulqaadir Axmed Shire oo lagu helay howl-gudasho la’aan uu Wasiirka shaqada ka fadhiisayay waxaana si ku meel gaar ah loogu dhiibay G/le Siidow Macallin Isaaq.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in uu joogteyn doono howlaha uu ku kormeerayo saldhigyada ciidanka booliska, si loo ogaado howlaha ay bulshada u hayaan, isagoo intaa ku daray in taliyeyaashii dayaca howlaha Qaranka, laga joojin doono shaqada ay hayaan, ayna muteysan doonaan isla xisaabtan.`

1 Comment on Wasiirka amniga gudaha oo shaqada ka fadhiisiyay Taliyaha saldhiga booliska degmada Xamarweyne

  1. asc waan u mahdcelnaya wasirka xukumada somaliya waa jiib ayaa ka saran inuu la xisabtamo taliyasha saas ayaa la rabaa kii shaqada gudan waaya waa inaa garadah kariftaa

Leave a comment

Your email address will not be published.


*