Wasiirka Dastuurka XFS iyo Wefdi uu horkacayo oo maanta gaaray Baydhabo

0
353

Magaalada Baydhabo ee Xaruunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed maanta gaaray wafdi uu horkacaayey wasiirka wasaaradda arrimaha Dastuurka iyo Federaalka ee Dawlada Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ay weheliyeen Wasiirrada Wasaaradaha arrimaha Dastuurka Maamulada kajira dalka.

Wefdiga ayaa lagu wadaa inay maalinta berri ah ay ka qeybgali doonaan kulan looga hadlayo arrimaha dastuurka, halkaasi oo ay fadhi la qaadan doonaan Ururada Bulshada ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Wefdigaasi ayaa waxa uu ka qeyb yahay kulanno is daba joog ahaa oo ay Madaxda Wasaaradda Dastuurka iyo Federaalku la yeelanayeen masuuliyiinta, aqoonyahanada, Culumaa’udiinka iyo qeybaha kale ee ka tirsan Bulshada ku dhaqan Gobolada iyo degmooyinka Dalka.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here