188,747 oo Xaaji oo laga celiyay magaalada Makkah

16535

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa horey u sheegtay in tirada Xujeyda ee sanadkan hoos loo dhigay taas oo lagu sababeeyay balaaran lagu sameynaayo goobaha ama manaasikta Xajka.

Tirada la qorsheeyay in ay sanadkan Xajka gutaan darteed ayaa loo celiyay dadkaan in ay galaan magaalada barakeysan ee Makkatal mukarama kuwaas tiradoodu dhan tahay188,747, sida booliiska magaalada laga soo xigtay.

Maamuliyaasha Sacuudiga ayaa sheegay in aan loo dulqaadanaynin ciddii jabisa shacriga iyo kala dambeynta.

Madaxda boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sidoo kale sheegay in  84,965 oo gaari loo diiday in ay galaan magaalada kadib markii laga waayay sharciyadii looga baahnaa sida uu warbaahinta gudaha u sheegay Saciid  Bin Salem Al Qarni.

Isagoo intaa ku daray in ciidanka amniga ay ku howlan yihiin sidii Xujeyda si nabad ah acmaashooda uga gudan lahaayeen isla markaana looga hor taggi lahaa waxyaabaha carqaladeyneya arimaha Xajka,waxaa uu xuey in magaalada barakeysan ee Makkatal mukarama laga sameeyay ilaa 22 howlgal oo lagu soo qab qabanayo dadka sida sharciga darada ah ku soo galay.

“Howlgalada waa ay sii socon doonaan ilaa la xaqiijiyo in qofkasta uu u hogaansamay sharciyada,” ayuu yiri Al Qarni.

 

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. waa sax inlaceliyo waa na soo dha waynayaa anigu maxaa yeelay
    dad kan iyo gawaarida waxayl jabiyen sharuucdii lagarabay
    marka waa ku saxayihiin booliska sucuudigu in ay xanibaan
    waxaana loo sababeynayaa xalad amni iyo 1 2 dadka
    oo sanad kii hore iskaga batay oo is buurtay tas ayaana kentay
    in laxanibo dad badan iyo gawari badan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here