Shirka Baarlamaanka Carabta oo ka furmaya Qaahira

0
1052

Shirka baarlamaannada Carabta ayaa ayaa maanta ka furmaya magaalada Qaahira ee dalka Masar, ayadoo looga hadli doono arrimo ay ku jiraan dagaallada iyo xasaradaha siyaasadeed ee  ka jira wadamada carabta.

Shirkaan Soomaaliya waxa uga qayb galaya guddoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Soomaaliya xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, waraysi uu siiyey Radio Muqdisho ayuu ku sheegay in shirkaan la soo horumariyay Ramadaanka dartiis, arrimaha Soomaaliyana looga hadli doono.

“Shirkii hore ee ka dhacay Jabuuti waxyaabihii aan hordhignay ee Soomaaliya ku saabsanaa ayaan ka sii hadli doonnaa waxyaabihii ka qabsoomay, Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen dhibaatada haysata iyo kuwa dalka ku soo laabanaya sidii loo caawin lahaa ayaa ka mid ah arrimahaas” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa.

Shirka Baarlamaanka Carabta, ayaa sanadkiiba mar la qabtaa, ayadoo ay ka qeyb galaan xildhibaano ka socda waddammada Carabta si ay uga hadlaan xaaladaha ka taagan waddankooda.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here