3 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay Gaalkacyo

3 qof oo saarnaa Mooto Bajaaj ayaa geeriyootay kaddib qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Booliska magaalada Gaalkacyo ayaa Radio Muqdiaho u sheegay in qaraxa uu saarnaa Mootada, isla markaana loo maleynayo in qof ka mid ah sadaxda ruux ee dhimatay uu ku xirnaa walxaha qaraxa.

Majiro cidkale oo ku waxyeeloobay qaraxa.

Wixii faahfaahin ah waan idinla soo wadaagi doonaa Insha Allah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here