Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo Agab ku wareejiyay Guddiga doorashada Gobollada Waqooyi

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) ayaa ku wareejiyay agabkii codaynta lagu qaban lahaa Guddiga maamulka Doorashada gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Agabkan ayaa loogu talagalay in laqu qabto doorashada kuraasta Gobollada Waqooyi oo dhawaan la filayo in la gudo galo, iyadoo laga bilaabayo Doorashada Golaha Aqalka Sare.

Arrintan ayaa qeyb ka ah dadaallada Guddiga uu ugu jiro dar dargelinta doorashooyinka Dalka.