61 qofood oo ku dhimatay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Kabul+Sawirro

0
1691

Weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay caasimadda dalka Afghanistan ee Kabul. ayaa  waxaa ku dhintay 61 qofood, halka 207 kalena ay ku dhaawacmeen.

Weerarkan ayaa lala beegsaday dad ku dibadbaxayay fagaaraha Deh Mazang halkaas oo ay isugu yimaadeen qowmiyadda dadka laga tirada badan ayahay ee Hazar.

Dadkan ayaa ka dibadbaxayay in koronto ka imaaneysa dalalka Turkmenistan, Usbekistan iyo Tadsjikistan oo soo galeysa Afghanistan, aan lasoo marsiineyn gobolka Bamiyan halkaas oo ay ka jirto koronto la`aan baahsan.

Masuuliyadda weerarkan waxaa sheegtay kooxda Daacish, waxaana loo badinaya in tirada dhimashada ay intaasi kasii badato.

Wasaaradda caafimaadka Afghanistan ayaa horay u sheegtay in 50 ruux ay ku dhinteen weerarkaasi.

afghan1

afghan

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here