7 Ruux oo ku nafweysay Qarax ka dhacay Muqdisho

1445

Qarax loo adeegsadey Gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyey ayaa Duhurnimadii Maanta ka dhacey Banaanka hore ee maqaayadda Banooda ee Ka soo horjeedka Hoteel Centeral ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa laguu soo beegay Qaraxa Xilligii Qadada,waxaana ilaa hadda la xaqiijiyay inay dhinteen 7 ruux waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan 9 kale, kuwaasoo dhamaantood ahaa dad rayid ah oo isugu jiray kuwo ka qadeynayay maqaaxida iyo dad kale oo marayay wadada.

Ciidamada ammaanka ayaa isku gedaamay goobta, waxaana muddo la hakiyay isu-socodka dadka iyo gaadiidka dadweynaha. Gaadiidka gurmadka deg-degga ayaa qaaday dadka ku dhaawacmay qaraxaasi, iyaga oo qaar kamida la gaarsiiyay Cusbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho iyo goobaha kale ee caafimaadka.

Kooxda UGUS ayaa looga bartay inay sheegtaan qaraxyada ay la beegsadaan goobaha ay ku badan yihiin shacabka, iyadoo maalintii shalay qarax ay dad badan ku waxyeeloobay ka geystay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here