Tabarkaan oo lagu barayey habka qaadista canshuuraha biriga ka dib markii dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dhawaaqaday in mudo ka badan 20 sano, waxaana tababarkab loo furey 70 askari oo ka tirsan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.
Ciidankaan tababarka loo furay ayaa isku jira ciidan cusub iyo kuwii horey ugu tirsanaa nidaamka aruurinta canshuuraha,waxaana uu socon doonaa muddo 10 maalin ah.
Taliyaha hogaanka ilaalinta canshuuraha ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Janaraal Cabdulaahi Xasan Bariise oo furay tababarka ayaa ku booriyey in looga baahan yahay in dadka ula dhaqmaan si wanaagsan oo ay asluub ku dheehan tahay isla markaana waxaa uu shacabka dhankooda ka codsaday in ay bixiyaan caanshuurta ku waajibtay.
“Hal mid inaan idinku booriyo idinkuna guubaabiyo, anigoo og xilkasnimadiina,anigoo og sida la idinku soo xulay,inaydaan aheyn dad shaqadaan ku cusub ,anigoo og in aad aqoon u leedihiin waxaad qaban doontaan ,haddana waxaan leeyahay bini’aadanku kama maarmo in la guubaabiyo oo loo tilmaamo waxaa uu qabanaayo”. ayuu yiri Janaraal Bariise.
“Waxay kula duwan yihiin qaabka hadda wax looga qaadayo shacabka Soomaaliyeed waa ay ugu dhaga nugul yihiin bixinta canshuuraha, laakiin qaar ka mid ah ganacstadda oo maal qabeeno ah waxaysan ogeyn xiligii canshuurtada la qaadi jiray,waxaa la rabaa marka in aad canshuurta qaadayso si deganansho ah oo fiican loo fahamsiiyo “.ayuu intaa ku daray Janaraal Bariise.
70 askari ee maanta loo furay tababarka ayaa noqonaysa dufcadii ugu horaysay loo sameeyo tababar ku saabsan hananka qaadista canshuuraha beriga.
W/D: Nasra Bashiir Cali