Aas aaska hay’adaha garsoorka dalka oo la xusay

0
1137

Munaasabad ballaran oo loogu dabaal dagayay sanad guuradii asaska hay’adaha garsoorka dalka isla markaana loogu baroor diqaayay  dadkii ku nafwaayay weerarkii argagixiso ee kooxda UGUS ku qaaday xarunta Maxkamada gobolka Banaadir labo sano ka hor  ayaa maanta lugu qabta xaruntaasi.

Munaasabada ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uulin ka socday Wasaarada Cadaalada,xubno ka socday Xafiiska Xeer ilaaliyaha Qaranka, mas’uuliyiin ka tirsan gudiga Adeega garsoorka xubno ka socday Maxkamada sare ee dalka, Qareeno, Garsooriyaal iyo marti sharaf kale.

Xaashi Cilmi Nuur gudoomiyaha maxkamada gobolka Banaadir ayaa ugu horeyn munaasabadasi hadal ka jeediyay waxaa uu sharaxaad ka bixiyay ujeeda kulanka iyo hadalkii laga lahaa isu imaatankan.

Gudoomiyaha ururka Qareenada Soomaaliya C/raxmaan Abuukar Macalin iyo gudoomiyaha Racfaanka gobolka Maxamed Caabi Xasan   ku simaha agaasimaha guud ee Wasaarada Cadaalada ayaa tilmaamay sida lagama marmaanka ay u tahay in la xoojiyo ha’yadaha garsoorka dalka si ay u gutaan wajibaadka ka saaran u adeegidda ummadda Soomaaliyeed oo ay xilka u hayaan.

Ku simaha xeer ilaaliyaha qaranka Mudane Axmed Cali Abukar  oo isna goobtaasi hadal kooban ka jeediiyay ayaa  sheegay in ay muhiim tahay helitaanka adeeg garsoor oo dhameystirsan oo ay helaan dadka Soomaaliyeed oo u ooman cadaaladda.

Ugu dambeyntii ku simaha gudoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Dr Maxamed Maxamuud Maxamed ayaa ku dheeraaday ka hadalka marxaladihii kala duwanaa oo uu so marey hay’adaha garsoorka Soomaaliya.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here