Abiy Ahmed oo sheegay in adeegii isgaarsiinta magaalada mekelle oo bil ka badan go,naa la soo celiyay kadib markii uu booqday magaalada

Ra’isulwasaaraha itoobiya ayaa sheegay in korontadii iyo isgaarsiinta taleefanada magaalada Mekelle  ee xarunta ismaamulka Tigray la soo celiyay kadib markii la dayac tiray.

Abiy Ahmed oo gaaray Mekelle isaga oo ay weheliyaan xubnaha maamulka ku meel gaarka tigreega iyo saraakiisha ciidanka itoobiya ayaa sidoo kale sheegay in howlaha gargaarka ay socdaan sidoo kalana la dhisayo kaaba yaasha burburay.

Abiy wuxuu tilmaamay in baacsiga iyo qabashada waxa uu ugu yeeray danbiilayaasha ay sii socon doonaan.

Maanta oo isniin ah ayaa lagu wadaa in shaqaalaha dowlada ay xafiiyada ku noqdaan

Ciidanka dowlada itoobiya ayaa magaalada la wareegay 28 November kadib dagaal socday 26 cisho oo TPLF ay la galeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here