Afar Qofood oo ku dhimatay shil gaari oo ka dhacay Muqdisho

1
6567

Afar Qofood ayaa ku geeriyootay, Saddex kalana dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaartay Shil Gaari oo ka dhacay Waddada Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Gaarigan oo uu noociisu ahaa Spacio,Taariko AE4830, ayaa lagu soo warramayaa inuu jiiray Dhallinyaro halkaasi Kubbad ku ciyaaraysay, waxaana halkaasi ka baxsaday Darawalkii gaariga.

Taliyaha Ciidanka Boliiska ee Gobolka Banaadir Jeneraal  Bishaar Abshir Geeddi , ayaa Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay, inay Gacanta ku hayaan  Baabuurka Dadka laayay,isagoo intaa raaciyay iney laamaha ammaanku ku raad joogaan wadihii gaariga oo goobta ka baxsaday.

Dhinaca kale, Guddoomiyha Degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir Cusmaan Caddaawe, ayaa sheegay inay goobaha Caafimaadka geeyeen Dadkii ku dhaawacmay shilkan, halka kuwa dhintayna lagu wareejiyay eheladooda.

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. Hadan garomo lodhisin dhalinta waxa dhacaysa iney wadoyinka ku ciyara .sidokale wadoyinka waa in loyela calamadaha ama tabelayal shegayo .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here