Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waxbarshada Gobalka Banaadir oo xariga ka jaray dugsiga Sare ee Kaxda “SAWIRRO”

Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir Mudane Cabdirahman Cumar Sheekh Nuur ayaa xarigga ka jaray munaasabad dib u dhis iyo casriyayn loogu sameeyay dugsiga hoose dhexe iyo sare ee Kaxda.

Agaasime Cabdiraxman ayaa bogaadiyay isku tashiga lagu dhisay, laguna qurxiyay Dugsiga, sidoo kalena wuxuu tilmaamay inay wax wanaagsan tahay in dugsiga loogu magac daro magaca degmada Kaxda, isagoo ku dhiiri galiyay maamulka iyo bulshada degmada Kaxda inay ilaashadaan Dhismayaasha danta guud oo dugsigan uu ka mid yahay.

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa waxa uu u taaganyahay horumarinta, dhiirigalinta iyo tayaynta Waxbarashada Gobolka Banaadir.