Agaasimaha Guud ee Hay’adda NISA oo xilkii iska casilay

394

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya  (NISA) Mudane  Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa iska casilay xilka agaasimaha Hay’adda,isagoona warqadiisa iscasillaada u gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya  (NISA) Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 13/10/2018,sababo isaga u gaar ah owgeed waraaqihiisa iscasilaada u gudbiyey Mdaxweynaha JFS,” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay Barta Twitterka Hay’adda NISA.

Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa Xilka Taliyaha Nabad sugida loo magacaabay 19/2/2018,markaasi oo ay Golaha Wasiirada ay meel mariyaan magacaabista Taliyeyaasha Nabad sugida,Booliska iyo Ciidanka Asluubta.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here