Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo safar ku tegay Jabuuti

0
1039
Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo safar shaqo ku gaarey dalka Jabuuti ayaa maanta la kulmey Taliyaha booliiska iyo taliyaha socdaalka dalka Jabuuti.
Kulanka oo ka dhacey taliska booliiska Jabuuti ayaa laga wadahadley iskaashi laga yeesho arimaha socdaalka, isweydaarsiga khibradaha iyo xuduudka dhulka ee u dhaxeeya labada dal.
Agaasimaha oo ay safarka ku wehlinayeen saraakiil ka socota xaafiiska xariirka dibadda ee HSJ ayaa uga mahadceliyey taliska booliiska Jabuuti soo dhoweynta iyo weliba wadashaqeynta hadda jirta.
Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here