Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ciyaaraha Galmudug oo dhagax dhigay xarunta Dhallinyarada Hobyo ”SAWIRRO”

Munaasabadaan lagu dhagax dhigayay Xarunta hanuuninta iyo Horumarinta Dhallinyarada ee Degmada Hobyo ayaa waxaa ka qeyb galay maamulka Degmada iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada Galmudug.

Guddoomiyaha Degmada Hobyo Cabdulaahi Axmed Cali Faad iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Galmudug Cumar Cabdi Maxamed ayaa sheegay in Xaruntaan ay muhiimad u leedahay Dhallinyarada ku nool Hobyo.

Dhallinyarada ku nool Degmada  Hobyo iyo Deegaannada hoos yimaada ayaa baahi weyn u qabay  in lahelo xarun dhallinyaradu ku kulmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here