Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo furay tababar loo qabtay weriyaal ka tirsan Warbaahinta Qaranka+Sawirro

Tababarkan oo ku saabsan xirfadda xiriirinta raadiyaha ayaa loo furay 10 wariye oo ka tirsan warbaahinta Qaranka gaar ahaan waaxda radio muqdisho codka jamhuuriyadda Soomaaliya  waxaana ka qayb galay Agaasimiha guud ee wasaaradda warfaafinta Cabdiraxmaan yuusuf Sheekh Al-Caddaala, agaasimaha waaxda tababarada iyo shaqaalaha Cabdirixiin Ciise Cadoow, agaasimaha radio muqdisho Yaxye Cali Faarax iyo gudoomiyaha guddiga goob shaqo,

tababarkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa la doonayaa in lagu tayeeyo habka loo soo jeediyo ku duwida jadwalka Raadiyaha sida uu sharaxayo agaasimaha waaxda tababarada iyo shaqaalaha ee wasaaradda warfaafinta Cabdirixiin Ciise Cadow,

Agaasimaha Radio muqdisho codka jamhuuriyadda Soomaaliyeed yaxye Cali Faarax ayaa tilmaamay in xiriirinta raadiyaha ay tahay waxyaalaha xiisaha uyeela baahinta idaacada loona baahanyahay dadka ka shaqeeya in xirfadooda kor loogu qaado.

“Xiriirinta idaacada waa mid ka mid soo jiidashada dhageystayaasha waxaana loo baahanyahay in loo gudbiyo si xirfadeysan ayuu hadalkiisa ku daray agaasime Yaxye.

Ustaad Xasan abuukar Cali (Xasan baydhabo) ayaa xusay in xiriirinta raadiyaha ay lagama maarmaan utahay in loo helo hawl wadeeno xirfadd sare leh oo dadka wax ugu gudbin kara sida ugu wanaagsan.

Agaasimiha guud ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee xukumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan yuusuf Al-Caddaala ayaa sheegay in jiilasha ee warbaahinta qaranku ay waayo aragnimo ka dhaxlayaan hawl wadeenadii mudada dheer usoo shaqayeeyay warbaahinta dowladda Soomaaliya.

“Waxaa hubaal ah inaad waayo arragnimo dheeraad ah aad ka qaadaneysaan qaabiirada inbadana iyo muddo dheer ka soo shaqeeyay warbaahinta isla-markaana aad ka dhaxleysaan wax muuqda waa haddii aad sidii loogu talagalay aad uga faa’ideysataan fursadaha aqoontiina kor loogu qaadayo ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay agaasime Cadaala.

Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ayaa sandkaan 2020 u qabatay shaqaalaha warbaahinta qaran in kabadan toban tababaro oo kor loogu qaadayo xirfadooda si ay u gutaan waajibaadka loo ekmaday oo ah in si xirfadeysan ay ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here