Agaasime ku-xigeenka hay’adda Socdaalka oo la kulmay saraakiil ka tirsan xafiiska socdaalka ee UK “SAWIRRO”

631

Ku-xigeenka Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Cabdifataax Cumar Ibraahim (Shaaweey) oo safar shaqo ku jooga magaalada London ee dalka UK ayaa kulamo la qaatey madax ka tirsan xaafiiska socdaalka UK iyo xaafiiska laga bixiyo dukumentiyada safarka.

 

Booqashada ku-xigeenka Agaasimaha Guud iyo lataliyaha ee UK ayaa qeyb ka ah kulamada sanadlaha ah ee ay yeshaan Socdaalka Soomaaliya iyo kan Britain, iyada xoogga lagu saaro iskaashiga dhinaca socdaalka iyo baasaboorka Soomaaliya.

Arrimahan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladda Soomaaliya ugu jirto sidii muwaaadiniinta Soomaaliyeed ay ugu safri lahaayeen Baasaboorka Soomaaliga ah oo haatan wadamo badan oo caalamka ah laga aqoonsaday.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here