Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir oo dib u haybeyn ku sameeyay xarumo Waxbarasho “SAWIRRO”

Agaasinka Waxbarashada Gobalka Banaadir oo kaashanaya Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa dib u habbeyn iyo horumarin ku sameeyay dugsiyada Dadweynaha ee 24-ka.

Isbeddelkaan oo socday maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa maanta xilkii loo kala wareejiyay Maamulaha cusub ee dugsiga Gaashaanle iyo labadii Maamule ee hore, xilwareejinta waxaa ka soo qeyb galay Maamulka Degmada Shibis oo ay matalayeen Guddoomiye ku-xigeennada Ariimaha Bulshada iyo Amniga waxaa kaloo ka soo qeyb galay Macalimiinta iyo Guddiga Waalidiinta Dugsiga.

Munaasabadda xilwareejinta ayaa waxa ay ku soo dhamatay si guul ah.

Isbedeelkaan wuxuu ka dhashay soo jeedinno iyo talooyin ka yimid ardayda iyo waalidka dugsiyada.