Akhriso: Fursado shaqo oo ka banaan Guddiga xuquuqda Aadanaha ee Midowga Afrika

0
2893

Xubinnimo Gudigga Xuquuqda Aadanaha ee Midowga Afrika

Wasaaradda Cadaaladda waxay ku wargelinaysaa dhamaan muwaanidiinta Soomaaliyeed ee khibrada u leh howlaha sharciga iyo arimaha xuquul insaanka in ay jiraan fursado ka banaan Ururka Midowga Afrika, gaar ahaan Guddiga Xuquuqul Insaanka, oo Soomaaliya ay xubin ka tahay.

Waxaa laga codsanayaa sharci-yaqaanada buuxin kara shuruudaha hoos ku xusan in ay soo gudbiyaan araajidooda codsiga, shuruudaha ugu muhiimsan waxaa ka mid ah:

1. Aqoon la xiriirta sharciga/arrimaha xuquuqda aadanaha,

2. Waayo-aragnimo shaqo iyo mid xirfadeed oo la xiriirta sharciga,

3. Inuu yahay muwaadin Soomaaliyeed.

Waxaa ahmiyad gaar ah la siin doonaa codsiyada ka imaan doona dumarka. Waxaa laga codsanayaa qofka dalbanaya fursadan inuu soo gudbiyo codsiga inta aan la gaarin 27-da bisha Maarso, 2015.

Codsiyada araajida waxaa lagu soo hagaajin karaa Email – info@mojc.gov.so; Wasaaradda Cadaaladda, Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mahadsanidiin

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here