Akhriso:- Isku aadka wareegga 4aad ee tartanka oo caawa la sameeyay

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii todobaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa la soo gabo gabeeyay wareegga sadexaad ee tartanka, waxaana tartanka isugu soo haray afar degmo sida uu shaaciyay Sharma’arke Maxamed Warsame oo xubin ka guddiga tartanka.

 

Guddoomiyaha guddiga Tartanka Maxamed Abuukar Axmed ayaa sheegay in marale qori tuur loo sameynayo degmooyinka tartanka isugu soo haray, si degmo kasta ay ku qanacdo qori tuurka ku soo aado.

Cabdinaasir Daahir Sabriye oo ka mid ah guddiga tartanka ayaa sameeyay qori tuurka oo ay daawadayaasha ka daawanayeen Telefishinka Qaranka halka dhageystayaasha ay kala socdeen Radio Muqdisho iyo live stream-ka Websiteka Radiomuqdisho.net, waxaana degmooyinka isugu aadeen sida soo socota:-

  1. Hodan                      Vs                           Warta Nabadda
  2. Kismaayo                 Vs                           Shibis

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka lix iyo labaatanaad ee tartanka, waxaa foodda is dari doono, tartamaayasha degmooyinka Hodan Vs Warta Nabadda oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir, halka Wareegga kale ay ku kulmi doonaan Kismaayo Vs Shibis oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Banaadir.

 

 

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here