Akhriso khubaddii Madaxweynaha Dalka uu ka jeediyay Daah-furka barnaamijka Wadajir

Khudbadda Madaxweynaha

Daah-furka Barnaamijka Wadajir

Bismillahi Raxmaani Raxiim

Xubnaha Golaha Wasiirrada iyo marti sharafta kaleba

Waxaa farxad ii ah inaan maanta idin kala qeybgalo daah-furka barnaamijka loo yaqaano WADAJIR.

Farxadda maanta aan wada dareemeyno waxaa sabab u ah in barnaamijkani uu yahay kii ugu horeeyay ee ay dowladdu leedahay oo qorshahiisa iyo diyaarintiisuba ay dowladda Soomaaliya leedahay. Waxaa uu barnaamijkani ka dhashey fikirkeena iyo aragtiyadeena oo is biirsadey, inagoo raadinayna waxa ay Soomaaliya u baahan tahay. Waxaana barnaamijkani ka mira-dhaliyey dad Soomaali ah oo ugu talagalay shacabka Soomaaliyeed.

Waxan qirayaa shaqada adag ee ay qabatay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka kuna aaddan ka guul gaarista barnaamijkan.

Waxaan u mahad celinayaa dhammaan dadka ka kala yimid degaannada kala duwan ee dalka Soomaaliya ee halkan u yimid inay ka xaajoodaan sida uu u shaqeyn karo barnaamijka WADAJIR, inay su’aalo is weydiiyaan isla markaana ay go’aansadaan abuurista nidaam hufan oo shaqo oo taageeraya hannaanka shaqada ee dowladaha hoose.

Waa Maxay Sababta Barnaamijka WADAJIR uu muhiim u yahay?

Sidan wada ognahay ereyga WADAJIR tarjumaad kale uma baahna, ee wa erey muujinaya amaba ka dhigan ‘’midnimo’’ amaba wadashaqeyn..
Tani waxay muujineysaa xiriirka ka dhexeeya dhammaan heerarka kala duwan ee dowladda-degmo, gobol, dowlad goboleed iyo Dowladda Federaalka.
Waxay kale oo tani tusaale u tahay wadashaqeynta hufan ee muuqata ee ka dhexeysa dowladda, ururrada bulshada iyo sectarka gaarka loo leeyahay.
Summadda barnaamijka WADAJIR waxaa laga dhigay geedka “Quraca”. Muddo qarniyo ah Soomaalidu waxaa dhaqan u ahayd inay geedkan hoostiisa fariistaan oo ku wada xaajoodaan, ku wada qoslaan, murugada ugu wada qeybsadaan marka ay farxad jirtana isla geedkan hoostiisa ku wada damaashaada. Waxaa kale oo geedkan dhaqan ahaan uu caan ku yahay in Soomaalida ay ku xalisan jireen khilaafaadkooda. Sawirkan iyo summadda ku taalla waxay astaan u noqon doonaan hawl kasta oo la xiriira barnaamijkan WADAJIR.

Barnaamijka Wadajir waxaa uu guud ahaan qeexayaa hannaan, lahaanshahiisa iyo hoggaamintiisuba ay bulshada leedahay si loo abuuro maamulo rasmi ah oo laga hirgaliyo heer degmo iyo gobol intaba.

Waxaa barnaamijkan uu ka kooban yahay afar qodob: Dib u heshiisiin, Wadahadal bulsho, mashaariicda la xiriira kaabeyaasha yar yar (sida mashaariicda nabadda) iyo hirgelinta qaab dhismeedka maamullada dowladaha hoose.

Barnaamijkan Wadajir waxaa uu maamulka dhexe ku xirayaa gobollada, waxaana uu shacabka Soomaaliyeed siinayaa khibrad ka tarjumeysa waxa ay tahay in la yeesho maamul si hufan u shaqeynaya.

Waxaa sidoo kale barnaamijkan uu is waafajinayaa barnaamijyada kala duwan ee deeq-bixiyeyaasha ay ka shaqeynayaan iyagoo isticmaalaya hal barnaamij oo mideynaya, ujeeddaduna ay mid tahay.

Barnaamijka Wadajir waxaa kale oo uu muujinayaa in dowladnimadu ay kobcayso: waxaa ay dhabbada u xaareysaa hadafka la leeyahay oo ah in la abuuro xaalad horumar lagu gaari karo.

Maxay maamullada dowladaha hoose muhiim u yihiin?

Nabad iyo xasilooni buuxda oo Soomaaliya laga hirgeliyo muhimad weyn ayay waddankan u leedahay. Ma ahan hannaan hal waddo oo toosan ku fadhiya, laakiin waxaa qeyb ka ah dadaalo kala duwan oo dad kala duwan ay fulinayaan.

Hannaanka loo baahan yahay waxaa qeyb ka ah amniga, sharciga, baahinta adeegyada muhiimka iyo dib u soo kabashada dhaqaalaha. Balse waxaa iyana lagama maarmaan ah in la qaado tallaabooyin ku aaddan yareynta colaadaha ama in meesha laga saaro wax kasta oo isku dhac keeni kara, in shacabka kalsooni laga dhex abuuro, isla markaana salka loo dhigo xaalad horseedeysa xasilooni, nabadgelyo iyo barwaaqo.

Iyadoo qeyb kasta oo barnaamijkan uu muhiim u yahay ka mira dhalintiisa, ayaa haddana qeybta la xiriirta maamulka dowliga waxay leedahay muhimad gaar ahaaneed.

Qaab dhismeedka dowladda dhexe iyo barnaamijyada la xiriira waa inay noqdaan kuwo laga dheehan karo kana tarjumaya isku xirka ay la leeyihiin qaab dhismeedka dowladaha hoose, si loo xaqiijiyo taxanaha dowladnimo.

Qaab dhismeedka dowladaha hoose iyo nidaamyada la xiriira waa in la sugaa jiritaankooda si loo xaqiijiyo ka qeybgalka dhameystiran ee qeybaha kala duwan ee bulshada ee xaqa u leh gaarista go’aamada saameynta ku leh noloshooda; inay go’aan ka gaaraan waxyaabaha ay u arkaan inay muhiim yihiin, iyadoo loo eegayo kheyraadka ama agabyada aan ku filnayn ee markaasi la hayo, iyo isku-dubbaridka si looga fogaado isku dhex yaac dhanka go’aamada iyo waxyaabaha muhiimka ah.

Haddii an la helin nidaam maamul oo hoos ilaa kor isku xiraya, xitaa haddii ay waqtigan tahay mid kooban, natiijada ka dhalan karta waxay keeneysaa jahwareer, daldaloolo ay helaan kuwa wax kharibaya, iyo inay keento in baahinta adeegyada bulshada ay noqoto mid liidata.
Maamulka dowladaha hoose waxay muhiim u yihiin qorshaha xasilinta dalka.
Sawirada qolkan dhex yaalla waxay ina tusayaan halka aanu ka nimid: qalalaase, jahwareer, dagaal iyo colaad sokeeye.
Waxay ina tusayaan oo kale nooca mustaqbalka aanu u baahanahay: nidaam iyo kala dambeyn, shaqo abuuris, iyo nabad. Kani waa mustaqbal u baahan inaan qaabeyno, ugana wada shaqeyno. Tani ma ahan oo keliya shaqada dowladda, ama wasaaradda- balse waa shaqo dhammaanteen inoo taalla.
Barnaamijka Wadajir waxaa uu tusaaleynayaa sida dowladda dhexe ee federaalka ay ula shaqeyn karto gobollada.
Waxaa ugu dambeyntii isku-dubbaridi doona Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee heer federal, laakiin wasaarad kasta oo gobollada ka dhisan waxay qaadi doontaa mas’uuliyadda kaga aaddan xaqiijinta ka mira dhalinta barnaamijkan, isla markaana ka dhaqan gala gobolka.

Waxaa la sameyn doonaa nidaam dusha lagala socdo habsami u socodka barnaamijkan, kaas oo uruurin doona xogta gobollada una gudbin doonta maamulka federaalka, si loo xaqiijiyo go’aan gaaris ku dhisan xaqiiqooyinka jira, sida waxa la qabanayo ee socda iyo waxa aan shaqeyneyn.

Maxaa la inooga baahan yahay inaan yeelano si aan u xaqiijino in maamulka dowladaha hoose uu si hufan u shaqeynayo?
Nidaamka dowliga ma jiri karo haddii aan la helin aasaas adag iyo dulqaad.
Taasina sababta ay muhiim u tahay in la helo dib u heshiisiin.
Dib u heshiisiintu waa inaanay noqon oo keliya mid siyaasadeed oo u dhexeeya wasiiradda ama madaxweyneyaasha, laakiin waa inay noqotaa mid u dhexeysa qabaa’ilka, qoysaska iyo deriska.
Dib u heshiisiintu ma noqon karto mid kor laga soo bilaabo oo hoos ku soo dhammaada, hase yeeshee waa inay noqotaa mid ka yimid rabitaanka dadka si ay nabad u helaan, inay dhinac iska dhigaan xanuunkii hore ugu dhacay, ayna ku beddelaan dulqaad iyo is-cafin halkii laga sameyn lahaa aargoosi.
Waa inaan is aqbalnaa, aana baranaa inaan is aamminno. Is aamminaaddu ma ahan fikir ee waa ficil.

Waanu is aqbali karnaa haddii aanu is cafino.
Waxa aan ka hadleyno oo dhan waa go’aamo waaweyn, mararka qaarna, waxaa laga yaabaa inay qabkeena wax u dhinto, laakiin waa inaan u diyaar-garownaa inaan ku dhaqaaqno, haddii aan doonayno inaan Al Shabaab iska celino oo aan ka adkaano, haddii aan dooneyno inaan dhinac iska dhigno cabashooyinka iyo tabashooyinka ka dhexeeya beelaha si aan u joojino in colaadaha yar yar ee dadka saaxibada ah aanay isku bedelin dagaalo waaweyn.
Dib u heshiisiinta ma ahan hannaan habeen qura looga mira dhalin karo. Waxay u baahan tahay dulqaad, iyo in la is dhegeysto.
Waa inaysan noqon hannaan dibedda laga hago. Waa inay ka timaaddaa quluubta Soomaalida, waana inay noqotaa mid loogu talagaley inay hagaajiso ama daweyso quluubta Soomaalida.

Gebagabada

Waxaan idin ku bogaadinayaa barnaamijkan WADAJIR.

Waxaan dhammaantiin xil idin ka saarayaa maanta inaad barnaamijkan si wadajir ah u fulisaan, iyadoo la eegayo danta iyo wanaagga Soomaaliya, tan qoysaskeena haatan nool iyo qoysaskeena mustaqbalka iman doona.

AMNIGA
Marar badan waxaan xusay muhimadda amniga iyo xasiloonida dalka. Arintaasi muhiimad gaar ah ayay inoo leedahay. Sababtoo ah wax horumar ah lama gaari karo haddii aanu amni jirin.

Sidaad maqleyseen beryahan waxaa kooxda argagixisada ee Al Shabab isku dayday inay isku fidiso degaannada Puntland. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya marna ma oggolaan doonto in kooxdan naf la caariga ah ay goobo cusub oo ay ku dhuumaaleystaan ka sameystaan degaannada Puntland.
Waxaan ka hortagga cadowgan shacabka halaagaya si dhow isaga kaashaneynaa maamulka Puntland.

Waxaana filayaa in dhowaan lasoo afjari doono hawlgallada cadowga looga sifeynayo goobahaasi Puntland ku yaalla.
Guud ahaan qorshaha dowladda waxaa uu yahay in Al Shabaab oo khatar ku ah nabadgelyada dalka, tan gobolka iyo midda caalamka, gebi ahaanba laga ciribtiro Soomaaliya, dhowaan ayaana rajeynayaa in qorshahaasi uu inoo hirgalo Insha Allah.

ABAARAHA

Waxaan sidoo kale aad uga xumahay xaaladda abaaraha ka jira goobo badan oo dalka ka mid ah. Shacabka Soomaaliyeed waajib ayaa ka saaran inay walaalahooda tabaaleysan wax u taraan. Dowladda wixii karaankeeda ah kama hagran doonto dadkan dhibaateysan, waxaana baaq u jeedinayaa hay’adaha gargaarka iyo dowladaha aanu saaxiibka nahay inay nagala shaqeeyaan sidii dadkaasi tabaaleysan kaalmada ay u baahan yihiin loo gaarsiin lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here