Akhriso:- khudbadda Madaxweynaha Sannadguuradii 3-aad tan iyo markii dowladda Federaalka Ee Soomaaliya la dhisey sannadkii 2012-kii

0
2395

xasanBismillahi Al Raxamaani Al Raxiim

Walaalayaal, Waxaan idinku salaamayaa Salaanta Islaamka.

السلام عليكم ورحمة الله وبركاته

Soomaaliya Ha noolaato, Cadawgeedu Ha-dhaco, Cadawgeedu Ha-jabo,

Walaalayaal,
Dhamaantiin, Waxaa farxad ii ah, inaan dhammaan shacabka Soomaliyeed meel kasta oo uu joogo, kala qeyb qaato, munaasabadda lagu xusayo, sannad-guuradii 3aad ee ka soo wareegtay, muddadii ay jirtay xukuumadda rasmiga ee Federaalka Soomaaliya.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxay halgan dheer iyo hawl-badan u gashay, sidii dalka iyo dadka Soomaaliyeed, amnigiisa loo soo celin lahaa, daganaansho waarta loo heli lahaa, dhaqaale loogu abuuri lahaa bulshada Soomaaliyeed, si ay uga mid noqdaan caalamka, isla markaana loo dardar-galin lahaa, hirgalinta ka mid noqoshada horseedka shucuubta caalamka, si loo soo celiyo, haybadii iyo sharaftii taariikhiga ahayd ee dawladnimadeenu ku lahaaan jirtay Aduunka.
Joogitaanka Caawa ee goobtan, waxay milicsi u tahay, astaan iyo wakhti ina xusuusiya taariikhdeenii bulsheed ee nabada lahayd, wadajirkeenii kalsoonida lahaa, ixtiraamkii iyo karaamayntii ka dhaxaysay bulshadeena dhexdiisa, ee horseedka u ahaan jirtay, inaynu dalkeena, dawladeena iyo diinteena jeclaano, gacmahana is-qabsano, si hiil iyo hooba leh.
Caawana, waxaan goobtan nabadda ah u joognaa, muujinta iyo guusha aynu gaarnay, muddadii koobneyd ee halgankeenii wadajirka ahaa, ee muujiyay, guusha maanta, inaynu hakan, ku wada damaashaadno, inaga oo nabadda billicsan, quruxda iyo billicda ka muuqata bulshadeena, oo himmilo wanaagsan oo rajo-horumar waarta lahana, inoo soo socoto.

Dalkeena iyo dadkeenu, wuxuu soo maray, maalmo xanuun badan, oo ay sabab u ahayd, dagaalkii sokeeye iyo kala-qaybsanaanteenii, oo ina dhaxalsiiyay burbur aad u wayn, Soomalinimadeenii iyo dalkeenii muuqaalka iyo sharafta adduunka ku lahaana, hoos u dhigay.
Maanta, waxaynu u dabaal-dagaynaa, guusha aan ka soo hoynay, la dagaalankii waqtigii adkaa ee bulshadeenu ka soo martay, saboolnimada, dagaalkii sokeeye, abaarta, rajo-xumida, argagixisonimada, dawlad la’aanta, oo wadajirkeena, hoggaminteena, isku-tashigeena iyo dawladnimadeenu, keentay maanta meesha aan joogno, ee lagu faani karo.

In ka badan 20 sanno, dagaaladii sokeeye, waxay burburiyeen, dawladnimadeenii, kalsoonidii iyo isku-xirkii bulshadeena, wuxuuna dadkeenii sharafta lahaa, u horseeday, barokac baaxad wayn, iyo qaxootinimo. Dalkii iyo dadkii lagu yaqaanay, dhulkii gabayga, buraanburka, heelada, martigallinta iyo sooryada, wuxuu u badalay, bulsho cayr iyo dawarsi ku nool, aduunyadan aan magacii iyo maamuuskii ay ku lahaayeen, aan ognahay meesha ay waqtigan taagan yihiin.
Dagaalka sokeeye, wuxuu shaki-galiyay “aqoonsigeena Soomalinimo”, wuxuuna inaga dhex-abuuray, kala-qaybsanaan baaxad wayn; oo sabab u noqoday, in cadawgii Soomaliyeed ka dhex-faa’iidaysto, si loo sii kala qoqobo, loona quurhsado Soomalinimadooda. Arrinkani, waa mid cad, oo dhammaanteen aan dareenay oo jira.

Walaalayaal

Dagaalka sokeeye, iyo burburkii inagu dhacay, wuxuu ahaa, mid xanuun baddan, balse dhibka laguma waaro (Ina-macal-cusri-yusraa), waa inaynu ka guurno, dhacdaada foosha xun, oo aynu u hayaannaa, sahanka dawladnimo ee geediga-dheer leh, si aynu reerka u dajino “Goob nabad iyo Caano leh”.

Taariikhdeena, suugaanteena iyo sheekooyinka bulshadeenu waxay markhaati ka yihiin, sidii geesinimada lahayd ee shacbiga Soomaaliyeed, uga gudbeen, dhibkii hore ee taariikhiga ahaa, ee ay soo mareen qarniyadii hore; iyaga oo ku kalsoonaa, dhaqankooda, diintooda iyo talo-goyntii geedka hoostiisa, garta lagu kala qaadan jiray.
Aragtida bisil ee dimuqraadiyadda Geedka-Hoostiisa, ee ku dhisnayd bisal-siyaasadeed oo u hoggansan Xeerkeenii soo jiraaga ahaa, ayaa muujinaya, mid, halgankeena dawladnimo iyo wadajirkeenu, ku dhisnaa, Soomaalinimo iyo Islaanimo.

Isku kalsoonideena iyo halgankii dheeraa ee dhalinteena, ku faanta hiddaheena iyo dhaqankeena, ayaa horseed u noqday, xorriyadii iyo dhalashadii dawladnimadeenii lixdankii, oo astaan iyo sharaf ku dhex lahaa, qaaradda Afrika iyo Adduunka. Waxaa Adduunku laga tilmaamay, sidii aynu dalkeena iyo dadkeena ugu hawl-galinay, muddo kooban, dimuqraadiyadii iyo dhismahii degdega ahaa ee kaabayaasha dhaqaalaha xorta ah.

Soomaaliyadii lixdankii, waxay muujisay, dalkii ugu horeeyay, ee xukunka lagu wareejiyo, si doorasho ah, oo awooddii madaxwayne, ku wareejiyay, madaxwayne kale oo la doortay (Adan Cabdulle iyo Cabdirashiid Cali Sharma’arke). Waa astaan taariikhiya, oo baal-dahab ah, kaga qoran, taariikhda Soomaalida, Afrika iyo Adduunka. Waa mid ku timid, Soomaali-isku kalsoon, walaalo ah, oo isku-duuban. Waana tan maanta, aynu hayaankeedii iyo halgankeedii raadkeeda hayno, si aynu, magaceenii iyo sharaftii aynu lahayn, usoo rogaal-celino.

Warxume-Tashiilka, beenaalaha iyo calooshiisa u shaqayste, ayaa mar walba, ku dhex jiray ummadeena, oo ka xun, magaca Soomaalida iyo sharaftaa, aan soo tilmaamay, ee aan marna la qarin karin. Af-miishaarka ummadeena beenta kula dhex jira, goob kasta, waqti kasta iyo xeelad kasta ayuu isticmaalaa, si uu ku qariyo ama ku wasakheeyo sharafta bulshada Soomaaliyeed iyo jalaafaynta halgankeeda dhabta ah ee dawladnimo raadiska ah.

Maanta shacabka Soomaaliyeed, wuxuu ka daalay, dhawaaqa beenta ah ee cadawga ee muujinaya rajo-la’aanta, waxaana dadwaynaha u muuqda horumarka iftiimaya ee dalka iyo dawladnimadooda; waxayna diyaar u yihiin, ka qayb-qaadashada soo celinta, sharaftii gabdhaha Soomaliyeed, dhalinta iyo dumarkooda, ku tabaalaysan xeebaha Badda Cas iyo Badaha Europe, iyo waliba ka hortaga, gummaadka argagixisada UGUS ku hayso, dhalinta Soomaaliyeed iyo boobka hantidada Shacabka Soomaaliyeed.

Walaalayaal

Si himmiladaas, loo gaadho, 3 Sanno ka hor, waxay dowladda Soomaaliyeed gaarey, lix tiir oo sees u ahaa, in colaada nabad lagu badalo, in qalalaasaha wadanka deganaansho loogu badalo, in rajo-xumida rajo lagu badalo, Si loo adkeeyo, seeska dawladnimada iyo hannashada amniga waddanka, si loo gaaro dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeega bulshada oo joogto ah.

Lixda Tiir

1. Deganaansho iyo xasilooni dalka laga dhaqangeliyo
2. Dib-U soo kabashada Dhaqaalaha
3. Dhismaha Seeska Nabadgalyada
4. Adeegga Bulshada
5. Xiriirka Caalamiga ah
6. Midnimada iyo Sharafta Soomaliyeed

Dhawaaqii himmilada lixda tiir ah, waxaa loo haystay dhalanteed, markii xukuumadu ku dhawaaqday saddex-sano ka hor, balse taageerada iyo iskaashiga shacbiga Soomaaliyeed, ayaa taabo-galiyay talaabooyinka muuqda:
• Dawladdu waxay taabo-galisay, seeskii dhismayaasha wasaaradaha Dawladda Federalka.
• Waxay hawl-galisay ciidamada amaanka, oo horseed ka noqday, nabadaynta magaalada madaxda dalka iyo gobolada ay ka hawlgalaan Ciidammada qalabka sida.
• Horrumarinta sharciga iyo kala-dambaynta, si loo helo deganaansho iyo xasilooni waarta.
• Burcad-badeedkii iyo xarumihiisii oo xididkiisii la-jaray, lana tirtiray.
• Xorreynta dhulkii UGUS ) Al Shabaab, oo laga saaray boqolkiiba (75%), kuna soo laabtay gacanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed.
• Ilaa iyo 75,000 oo arday ah, oo iskuulo iyo goobo waxbarasho loo furay.
• Dekeddii Muqdisho oo si rasmiya oo qalab-casriya ku hawl-gasha.
• Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Adan Cadde, oo u hawlgalay, si caalamiya, doorna ka ciyaaray, isku xirka dalka iyo dibaddiisa iyo nabad ku soo laabashada xiriirka qoysaskii Soomaaliyeed ee adduunka ku kala baahay iyo waliba Shaqaalaha ajanbiga ah ee dalka ka hawl-gala.
• Dalka waxaa, laga daah furay, oo la soo bandhigay, khayraadkiisa badda iyo barriga buuxa, si cilmiyaysan, tilmaaman oo khariidadaysan.
• Waxaan dib u soo celinay, xiriirka ganacsiga gudaha iyo dibadda; taasoo kor u qaaday, suuq-gaynta, wax soo saarka dalka ee suuqyada caalamiga.
• Waxaa Muqdisho, bishii hore lagu qabtay, bandhiggii caalamiga ahaa, ee Buugaagta iyo qoraallada Soomaalida, isuna keentay oo kulmisay, Qorayaasha iyo hal abuurka Soomaaliyeed, si dib loogu soo celiyo “Hal abuurkii Soomaaliyeed ee Qalinka iyo Qoraalka”.
• Iftiiminta waddooyinka mugdiga ah habeenkii, ayaanu ka hirgalinay, magaalada Muqdisho iyo magaalooyin kale, si ganacsatada iyo muwaadinka, ugu fududaato hawlahoodu habeen iyo maalin, nabadana kor loogu qaado.
• Imtixaanada guud ee qalin-jabinta Dugsiyada sare, oo markii ugu horeysay, si nabadgalya ah, looga hirgaliyay Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka.
• Waxaa magaalada Muqdisho ka furan, Bangiyo ganacsi oo leh xiriir caalamiya, si muwaadinka Soomaliyeed, loogu fududeeyo ganacsigiisa gudaha iyo dibadda.
• IMF (Hay’adda Lacagta Adduunka ayaa tilmaantay dhaqaalaha iyo soo-kabashada dalka, iyo in 25 sanno kadib, Soomaaliya ay talaabo horumar leh, oo muuqata ku talaabsatay. Waa baaq caalamiya, oo runtii ah, inaynu ku faano, maadaama, wadajirkeena iyo dadaalkeena la amaanay, mudan tahayna, in amaanteena ku faano; iyada oo ay waliba jireen duruufo adag oo UGUS iyo nabad-diidku, taako iyo turunturo u dhigayeen socodkeena, geediga horumarka iyo nabad-raadinta; una dhinteen wiilasheenii iyo gabdhaheena jooga safka hore ee dagaalka, si loo tirtiro “Ururka Gummaadka Ummadeena iyo waxa soo raaca.”

Walaalayaal

Annaga oo ogsoon, baahida loo qabo, in xukuumadda iyo qaybaheeda kala duwan la-gaarsiiyo, dhammaan dalka oo dhan, ayaa Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, waxay hirgalisay, Dhismaha maamul-goboleedyada ku-meel gaarka, ee kala ah:
1. Maamulka ku meel-gaarka ah ee Jubba
2. Maamulka ku meel-gaarka ah ee Galmudug
3. Maamulka ku meel-gaarka ah ee Koonfur-Galbeed

Walaalayaal, Guushu dhayal kuma timaado

Guulaha dhinaca Cadaaladda:

Sida dalku u burburay, ayaa cadaaladuna u burburtay, waxaase mudan inaan sannad-guuradii 3aad ee Xukuumadda aan halkan idiinku bildhaamiyo, guulaha Xeer Ilaalinta qaranka iyo talaabooyinka lagu faani karo ee ay hirgalisay, oo ay ka mid yihiin:
1. Qorista Xeer Ilaaliyaal guud oo Gabdho Soomaliyeed ka mid yihiin, oo leh, tababaro iyo tayo lagu faani karo, laguna kalsoon yahay.
2. Iskaashiga Hanti-dhawrka qaranka iyo laamaha dowladda, oo burburiyay musuqmaasuqii hantida qaranka.
3. Baabi’inta xarumaha lagusameeyo dokumentiyadii qaranka ee been-abuurka,
4. Talaaboyinka dawliga ah ee muuqda ee Hor’istaagida soo dajinta ama keenista iyo isticmaalka maandooriyayaasha iyo daawooyinka been-abuurka ah.
Talaabooyinkaasi, waxay muujinaysaa, tubta iyo wadiiqooyinka cad-cad ee dowladda , oo ah, in aan loo naxariisan cid kasta oo ku xadgudubta amniga qaranka.

Guulaha Dhinaca Ciidanka Qalabka ee Soomaaliyeed:
Dowladda Federaalka waxay hirgalisay qaab dhismeedkii dhammaan hoggaannada iyo qaybaha ciidammada qalabka sida ee Soomaaliyeed oo leh, xarun-taariikheedkii dhexe ee astaanta u ahayd, oo dhismaheeda iyo qalabkeedii u dhan yahay iyo waliba qaybo ka mid ah, xarrumaha maamul-goboleedyada ku meel gaarka ah.
• Waxaan mahad ucelinaynaa dawladda Maraykanka oo door wayn ku leh, talaabooyinka cirka, badda iyo dhulka ee lagu adkaynayo amniga Soomaaliya iyo gobolka.
• Waxaan farxad inoo ah, in Ciidammada qalabka sida ee Soomaaliyeed oo kaashanaya walaaladeena AMISOM, Europe iyo Maraykanka; ay gacanta ku dhigeen dhammaan xeebihii iyo xarumihii haykalka u ah, Ururka Gumaadka Umada Soomaaliyeed ee UGUS.
• Magaalada Diinsoor: Saraakiisha Soomaliyeed ayaa calankii Jamhuriyadda Soomaaliyeed ka taagay, xaruntii argagixisada Ururka Gumaadka Ummadda Soomaaliyeed ee UGUS ee Magaalada Diinsoor, oo laga soo abaabuli-jiray, qaraxyada magaalada Muqdisho, isla markaana burburiyay haraagii, saldhigyadii xarumaha argagixisada caalamiga ah.
• Tababarka hoggaanka sare ee ciidanka: Si kor loogu qaado tayada iyo tababarka hoggaanka sare ee ciidanka, waxaa 30 sano kadib dowladda Soomaaliyeed ku guulaysatay inay tababarka abaanduulka udirto dalka Mareykanka.
• Waxaa shalay oo bishu ahayd September 10, 2015, tababarkii loogu xiray magaalada St Antonio, dalka Maraykanka (USA), Gaashaanle Sare Xasan Maxamed Yuusuf Axmed, Taliyaha ciidammada Danab ee Soomaaliya, oo hormood ka ahaa, qabashadii Baraawe ee kal-hore (2014).

Walaalayaal

Guulaha Dhinaca Xiriirka Caalamiga ah iyo Diblaomasiyadda

  1. Xiriirka dowladaha waawayn: Waxaa dalka booqasho rasmi ah ku kala yimid, wasiirka arrimaha dibada ee dalka Maraykanka, oo muujiyay, dib-usoo celintii xiriirkii dalka Soomaaliyeed iyo Dowlada Maraykanka.
    2. Muujinta Amniga Muqdisho iyo Diplomasiyadda dowladda: Waxaa dalka gudihiisa lagu qabtay Shirkii heerka Caalami ahaa ee New Deal oo muddo laba maalina ah ka socday magaalada Muqdisho; astaana u ah, guusha diblomaasiyadda dowladda.
    3. Qaramada Midoobay: Waxaa dhawr jeer yimid hoggaamada sare ee Qaramada Midoobay iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki Moon; isaga oo tilmaamay astaantii nabadgalyada Muqdishu iyo bildhaaminta caalamiga ah ee sugida dawladnimada qaranka Soomaaliyeed.
    4. Golaha Ammaanka (UNSC) ee Qaramada Midoobay waxaa dalka soo booqday “Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay” oo shirkiisii caadiga ahaa ku qabsaday magaalada Muqdisho.
    5. Iskaashiga dowladda iyo dalalka jaarka ah: Waxaa shirkii wasiirrada arrimaha dibada ee IGAD ku qabsoomay, bartamaha magaalada Muqdisho; lana filayo dhawaan shirkii heer madaxwaynenimo in caasimadda lagu qabto.
    6. Jaamacadda Carabta: Waxaa dalka yimid Wafdi balaaran oo heer dawladeed ah oo ka socda Jaamacadda Carabta ayna kala hoggaaminayeen Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta iyo dalka Kuwait.
    7. Waxaa dalka booqasho rasmi ah ku kala yimid, madax iyo wasiiro ka kala socda dawlada Europe, Asia, America iyo qaaradeenna Afrika.
    8. Waxaa Booqaasho walaaltinimo oo waxtar leh kuyimid Muqdisho walaalkeen Madaxweyne Erdogan, oo si rasmiya u furay dhismaha cusub ee Garoonka Diyaaradaha caalamiga ah ee Aden Cadde iyo waliba Isbitaalka Caalamiga ah ee Recep Tayyip Erdogan. Tallaabooyinkaasi waa kuwo shacbiga Soomaaliyeed waligeed aanay Ilaabi-doonin.
    9. Waxaa Xamar ka furan safaaradaha dowladaha halbawlaha u ah amniga caalamiga ah ama xubnaha joogtada ka ah “Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay”.

Mudanayaal iyo marwooyin, halkan laguma soo koobi karro guulaha Diplomasiyeed ee dawladu gaadhay, muddadii yarayd ee ay jirtay; balse iyada oo la-ixtiraamayo jiritaanka dawladnimada iyo qaranka Soomalieed:
1. Waxaa ay dawladu ka qayb-qaadatay Shirkii ololaha caalamiga ah ee dib-usoo celinta dawladdii sharciga ahayd ee Yemen. Soomaaliya oo ka mid ah dalal ku midaysan, sidii ammaanka iyo dawladnimada shacbiga reer Yemen dib-loogu sugi lahaa.
Waxaan mahad u celinayaa, diblomaasiyiinta Soomaaliyeed, aqoonyahannada Soomaaliyeed iyo haweenka Soomaaliyeed oo xil weyn iska saaray muujinta jiritaanka magaca Soomaaliyeed ee dibedda yo guddaha, muddadii burburka dawladnimu jirtay.

Walaalayaal

Waxaa dhamaantiin, idinka adkaynayaa, in indha-gaara loo yeesho, cadawga ummadda Soomaaliyeed, ee shaararka kala duwan, ee marba qaab iyo hadal been-abuura, ku faafiya, baraha internetka ee aan summada lahayn. Waxaa ay ka shaqeeyaan, been lagu kala dilayo bulshadeena dhexdeeda, lagu ceebaynayo madaxdiina, odayaashiina, gabdhihiina iyo qoysaskiina, si khalkhal loo galiyo amniga iyo kala-danbaynta waddanka.
Qof kasta oo Soomaaliyeed, waxaa xil ka saaran yahay, ilaalinta sharaftiisa, dalkiisa iyo qoyskiisa, si aynu ku helno, bulsho caafimaad qabta, oo deggan, oo gobolka iyo caalamka kula noolaata, nabad waarta iyo iskaashi dhaqan-dhaqaale joogto ah oo deggan.

Waa su’aale maanta xaalkeenna siyaasadeed, nabadgelyo iyo kan dhaqaale miyuu ka liitaa sidaan ahayn jirnay, saddex sanno ka hor? jawaabtu waa cadahay, isha ayaana macalin u ah; cadceedana sacabka laguma qarin-karro. Taasi mahaddeeda waxaa iska leh Eebaha wayn ka sokoow, shacabka Soomaaliyeed, Ciidammada Qalabka Sida, Hooyooyinka, dhalinta qalbigoodu u furan yahay, dalkooda iyo dadkooda Soomaaliyeed.

Guuleysta,

–DHAMMAAD–

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here