Akhriso: Khudbaddii madaxweynaha J. F. S. uu ka jeediyay munaasabadda 1-da Lulyo

0
1564

Muqdisho, Asalaamu Caleykum wa Raxmatullahi wa Barakaatuhu.

Walaalaha Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah waxaan leeyahay Ramadaan Kariim.

Fadliga bisha Ramadaan, oo aan ku jirno 10 – kii maalmood ee ugu dambeeyay, waxaan Ilaahay ka baryayaa in uu na siiyo dembi dhaaf, kheyrka iyo barakada bisha Ramadaan, iyo in uu waddankeena ka dhaliyo amni buuxa, xasillooni iyo barwaaqo.

Waxaan salaan gaar ah iyo bogaadinba u dirayaa ciidammada qalabka sida iyo guud ahaanba hay’adaha amniga qaranka iyo shacabka Soomaliyeed, ee heeganka u ah, iyaga oo sooman in ay sugaan nabad-galyada iyo xasilloonida dalka, dadka iyo badbaadinta hantida Soomaaliyeed. Waxaa kale oo aan salaamaya, dhamaan ciidammada dalalka aan saaxiibka nahay, ee garabsiinaya, hay’adaha amniga iyo badbaadinta, oo waliba dhiiggooda u horey, sidii xasillooni iyo deganaansho dawladnimo ku jirto loogu soo celin lahaa, dalkeena.

Maanta waa 1-da bisha Luulyo. Waa maalintii ay xorriyadda qaateen gobollada koonfureed ee Soomaaliya ka dib markii ay 10 sano ku hoos jireen maamul ay mas’uul ka tahay Qarammada Midoobay oo Soomaaliya loogu diyaarinayay Dowladnimo. Waana maalinta ay midoobeen gobollada koonfureed iyo kuwa waqooyi ee Soomaaliya oo iyagu xorriyadda ka qaatay gumeysigii Ingiriiska 26-kii bishii Juun ee 1960.

Ma ahan wax iska yimid in ay Soomaaliya xornimadeeda hesho ee waxaa ka horreeyay halgan qaraar oo lala galay gumeysiga oo isugu jiray mid hubeysan, kacdoon, bannaanbaxyo iyo diblomaasiyad caalami ah. Halganka gobannimo doonka waxaa door shariif ah ka qaatay culumaa’u diinka, siyaasiyiinta, dhallinyarada, haweenka, ganacsatada, suugaanleyda iyo aqoonyahannada.

Sida in badani ay og tahay, waddanku waxaa uu marayaa marxalad xasaasi ah oo muhiim u ah safarka dheer ee dhismaha hey’adaha dowladda, sugidda amniga, kobcinta dhaqaalaha, horumarinta dhalinyarada, soo celinta xiriirka caalamiga ah iyo dhammaan howlaha salka u ah dhismaha Soomaaliyada cusub. Kuwaas oo oo ay weli wax badani nooga harsan yihiin, haddana waxaan qaarkood ka gaarnay natiijooyin wax ku ool ah oo nagu dhiirri gelinaya in annaga oo wada jirna, aan haddana sii xoojinno dadaalka iyo waxqabadkeenna.

Waxaan jecelahay in qaar ka taabto howlaha qabsoomay iyo kuwa qabyada ahba.

DAGAALKA AL SHABAB

Hay’adaha amniga gudaha ee dalkeennu iyaga oo faham iyo wadashaqeynba ka helaya dadweynaha Soomaaliyeed, isla markaasna kaashanaya ciidammada Midowga Afrika iyo dalal aan saaxiib nahay waxay guulo la taaban karo ka soo hooyeen kooxda argagixisada ah ee Al Shabaab.

Aniga oo aan tafaasiil badan ka bixineyn howlgallada amniga haddana waxaan idinla socodsiinaya in madax sare oo ka tirsaneyd Al Shabaab iyo ciidammo badan intaba laga dilay isla markaasna laga burburiyay xarumo tababbar iyo kuwo ay saanadi u taallay.

Waxaa kale oo guul laga soo hooyay howlgallo amni oo ay Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Galmudug isaga caabbiyeen, maxaabbiisna uga qabteen malliishiyaad ka tirsan Al Shabaab oo isku dayay in ay weeraraan Gobollada Dhexe.

Marna ma harsaneyno ilaa aan ka ciribtirno cadowga nolosha u diiddan shacabka Soomaaliyeed. Mas’uuliyadda Koowaad ee Dowladdu waa bedqabka dadweynaha Soomaaliyeed. Taas oo marka la xaqiijyo horseedi karta nolol cusub oo ummadda u suurta gelisa in ay gaarto himilooyinkeeda xagga horumarka. Cid walba oo taas ka hor timaadana waxaan u aragnaa cadow, waxaana waajib nagu ah in aan meel uga soo wada jeesano.

Al Shabaab dhibaato wey geysan kartaa weyna geysan doontaa, laakiin waa qorrax sii dhacayesa, umadda Soomaaliyeedna uma hakineyso weerarrada aan loo meel dayin ee naf-la-caariga ah. Guuldarooyinka isdaba joogga ah ee Al Shabaab loogu geystey goobaha yar ee weli gacantooda ku harsan wey sii socon doonaan ilaa khatartooda la soo afjaro. Sida ka muuqata weerarradooda, Shabaab waxaa ay dagaal u iclaamisay Shacabka Soomaaliyeed, shakina kuma jiro in ay guushu ku dambeyneyso Shacabka.

Waxaan mar kale shacabka ku boorrinayaa inay meesha ka sii wadaan iskaashiga ay la leeyihiin hay’adaha amniga si aan u helno nabad iyo xasillooni noo suurta geliya in aan la tartanno caalamka intiisa kale.

Dalkeena waa qani, dalal badan iyo shirkado badan ayaa diyaar u ah in ay maalgashadaan, laakiin waxaa shardi ah in aan nabadda ka wada shaqeyno, wixii nabadda ka soo horjeedana aan meel uga soo wada jeesano.

Xubnaha ka tirsan Al Shabaab ha noqdeen madax iyo maliishiyaad, waxaan mar kale u jeedinayaa baaq gaar ah fadliga bisha Ramadaan awgii. Waxaan ugu baaqayaa in ay ka waantoobaan naftii hallignimada. In ay ka waantoobaan in ay dilaan naf aan waxba galabsan. In ay waalidkood iyo walaalahood ay ka joojiyaan argagax gelinta. In ay ka waaantoobaan in ay carruur Soomaaliyeed agoomeeyaan ama ay rajo ka yeelaan. Waxaan ugu baaqayaa in ay ka soo tallaabaan dhanka ay ku jiraan oo ay u yimaadaan Dowladda si gacan looga siiyo in ay nolol caadi ah ku noolaadaan, xuquuqdoodana loo sugo.

Aniga oo ka tiiraanyeysan waxaan mar kale ka tacsiyeynayaa dhammaan muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee uu dilay cadowga Shabaab, iyaga oo wax dhex maray aanay jirin, welibana dadka ay dilayaan aan aqoon.

Waxaa ugu dambeeyay Wasiiru Dowlihii Degaanka, Allah ha u naxariistee Burci Maxamed Xamza, iyo dadweynihii kale ee toddobaadkii hore qaraxa lala beegsaday iyaga oo Rabbigii uuntay dartiis u soomman.

Waxaa sidoo kale jiray weerar waxashnimo oo cadowga Al Shabaab ay ku qaadeen gaari siday rakaab waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, kaas oo ay dad maato ah ku naf waayeen.

Waxaa iyaguna ka horreeyay Xildhibaannadii, ciidankii iyo dadweynihii lagu dilay weerarradii ka dhacay Hoteellada Ambassador iyo Saxafi oo iyada oo aan loo meel dayin lana kala soocin carruur iyo cirroole lala beegsaday qaraxyada iyo rasaasta.

Dhammaantood waxaan leeyahay Ilaaheey naxariista Janno ha ka waraabiyo, ehelkoodana samir iyo iimaan ha ka siiyo.

Waxay u dhinteen iyaga oo ku hawlan dib u soo nooleynta Qarannimada Soomaaliya. Qaarkood iyaga oo ku noolaan kara meelo nabad ah ayay u bareereen khatarta. Annagana Dowlad iyo Shacabba waxaa nala gudboon in aan ka dhabayno himiladii ay darteed u geeriyoodeen geesiyaashaas Soomaaliyeed.

AMNIGA GUUD

Dadaalka ugu weyn ee aan wadno waa dhameystirka dhismaha iyo isku dhafka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Sida aad ogtihiin waxaan bilownay barnaamijkii isku dhafka ciidammada. Inkasta oo ay caqabado jiraan, haddana hore ayuu u socdaa.

Waxaan dhowaan ansixiney Barnaamijka Amniga Qaranka (National Security Policy) oo Madaxda Dowladda Dhexe iyo Madaxda dowlad goboleedyadu ay isla qaateen.

Waxaan mar kale ku celinayaa baahida aan u qabno in beesha caalamka ay taageero xooggan siiso hawlgalada ciidammada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee la shaqeeya.

Waxaa hubaal ah in dhameystirka iyo qalabeynta Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay inoo suura-gelin doonto in aan waajibaadka kala wareegno AMISOM oo ku dhowaad toban sanno dalkeenna joogtay.

DHAQAALAHA

Dowladdeenu waxay leedahay qorshe dhaqaalaha lagu hormarinayo. Waxaan rabnaa horumarkaas in uu noqdo mid guri kasta oo Soomaaliya ku yaalla laga dareemo mustaqbalka.

Waxaan sameyney barnaamij daah furnaan ah oo dhaqaalaha lagula soconayo (Public Financial Management Reform). Banka Dhexe ayaa si rasmi ah u hawlgalay oo khubaro Soomaaliyeed ay maamulayaan. Waxaa shaqeynaya Xafiiska Xisaabiyaha Guud iyo Hey’adda Hantidhowrka. Waxaa intaa inoo dheer in aan leennahay Guddiga Maamulka Maaliyadda, kaas oo dusha kala socda, soona bandhiga xisaabaadka dowladda iyo sida loo maamulay.

Waxaa iyana la meel mariyey dhowr sharci oo xoojinaya barnaamijka Dowladda ee daah-furnaanta sida Sharciga Guddiga Iibka Qaranka, Sharciga Ka Hortagga Lacagaha sida Sharcidarrada la isugu diro, Sharciga La Dagaallanka Maalgelinta Argagixisada iyo shuruuc kale oo muhiim ah.

Aniga oo dhiirri-gelinaya daah-furnaanta dowladnimada, bishii Febraayo ee sannadkan waxaan daaha ka rogay Barnaamijka Daah-furnaanta Dowladda (The Open Government Initiative) si loo xaqiijiyo in xogta la xiriirta waxqabadka Dowladda ay shacabku heli karaan, loona kobciyo dhaqanka daah-furnaanta, isla xisaabtanka iyo ka qeybgalka hawlaha ummadda.

Hay’adda IMF waxay sannadkii la soo dhaafey xaqiijisey in dhaqaalaheennu uu kor u kacay 3.7%. Tani waxay muujineysaa in aan cagta saarney waddada horumarka, isla markaasna caddeysay inaan sannadkaan 2016 uu odoroska kobaca dhaqalaheenu uu noqon doono mid isaguna wanaagsan.

Waxaan Bishii April 2016 la saxiixanay Hay’adda Lacagta adduunka (IMF) Barnaamij dhaqaale oo socon doono hal sano kaasoo dalka u sahli doono in laga cafiyo deymaha isla markaasna fursad loo siiyo inay hay’adaha maaliyadeed iyo bankiyada adduunka deymo horumarineed ka heli karno.

Waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegayaa inaan horumar la taaban karo ka sameynay xagga horumarinta iyo daah-furnaanta maaliyaddeena, taasina ay ku timid dadaalka aan loo kala harin ay dawladdeena ku taalabsatay. Waxaad la socotaan inay Tiirarka ugu waaweyn ay dawladdi ku dhisanto ay ugu horreyso uruurinta cashuuraha, muddadii 4ta sano ay la soo dhaafay mugga canshuur ururinta dalkeena wuxuu kor ku kacday saddex ila afar u jibbaar, taasi ayaa suurtogelisay inuu dakhliga dawladdu ay sare u kacdo, isla markaasna la hirgeliyo barnaamijyo wax ku ool u ah horumarka dalkeena.

Waxaa la diyaariyey barnaamijka hannaanka dhaqaalaha iyo maaliyadda oo lagu mideynaayo hab xisaabaadka dal oo dhan, kaas oo dalka u suurtogelin doona inuu yeesho hab xisaabeed mideysan.

Waxaan dhiirri-gelineynaa ganacsiga yar yar oo isna qeyb ka qaadan kara kobaca dhaqaalaha guud ee waddanka.

Waxaan soo dhoweynaynaa, baaqna u jeedinayaa ganacsatada Soomaalida ee dunida dacaladeeda ku baahsan in ay waddankooda maalgashadaan, si ay faa’iido shakhsi ah uga sameeyaan, shaqo u abuuraan gacanna uga geysataan xasiloonida guud ee dalka.

Sidoo kale maalgeliyeyaasha shisheeye waan soo dhoweyneynaa, iyada oo weliba haatan aan leennahay Sharciga Maalgashiga oo qeexaya waxyaabaha laga doonayo shirkadaha daneynayaa in ay Soomaaliya maal gashadaan.

DHALINYARADA

Dhallinyaradu waa laf-dhabarka amniga, siyaasadda, horumarka iyo dib u dhiska dalka.

Ummadina horumar kuma tallaabsato haddii aan aqoonta iyo cududda Dhalinyarada laga faa’iideysan. Waxaan dadaal ugu jirnaa sidii shaqo la’aanta dalka ka jirta aan u dhimi lahayn dhallinyaradana loogu abuuri lahaa fursado waxbarasho iyo kuwa shaqo, dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba.

Inkasta oo ay dhallinyaro badan ay Dowladdu shaqaaleysay, qaar badanna ay fursado waxbarasho u fidisay, isla markaasna sharikadaha gaarka loo leeyahay ee fursadda dhaqaale ee dalka ka faa’iiday ay shaqaaleeyeen dhallin fara badan, haddana weli fursadaha hadda dalka ka jiraa kuma wada filna dhallinyarada. Dowladduna iyada oo taas og, ayay dadaal ugu jirtaa sidaa fursado badan oo hor leh loogu abuuri lahaa dhallinyarada.

Barnaamijyada lagu horumarinayo dhalinyarada waxaa ka mid ah in la sameeyo xarumo badan oo lagu barto mihnadaha kala duwan ee shaqo.

DOORASHADA 2016
Sannadkan waxaa Soomaaliya ka dhacaya doorashooyin. Inkasta oo aanay ahayn qof iyo cod, haddana waaa kuwo ka heer sarreeya kuwii dalka ka dhacay 2012.

Waxaa soo bixi doona Baarlamaan Xildhibaannadiisa aan la soo xulin ee cod doorasho ah ku yimid, welibana lagu soo doortay Gobollada dalka. Waxaan markii ugu horreysay hirgelin doonnaa Unkidda Aqalka Sare ee Baarlamaanka. Labada Aqal oo wadajira ayaana dooran doona Madaxweyne.

Waxaa iyaduna gebo-gebo ku dhow dhismaha Dowlad Goboleedyada dalka.
Waxaan ku faraxsan ahay in Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyadu ay isku aragti ka yihiin howlaha maamulka doorashada. Waxaan kaloo aad u faraxsanahay inaan si cad u qeexnay kaalinta iyo doorka ay haweenka soomaaliyeed u leeyihiin ka qeyb galka iyo hoggaaminta haykalada kala duwan ay siyaasadda Soomaaliyeeed.

Waxaad la socotaan inay haweenka u yihiin laf dhabar dalka kastoo oo horumar gaaray, kuwa Soomaaliyeedna kaalintooda aad iyo aad ayey u muuqdaan. Haweenkeena waa kuwii qeyb la taaban karo ka soo qaatay xoriyadeena, waa kuwii u istaagay inay joojiyaan dagaaladii sokeeye, waa kuwii dhibka ugu weyni uu ku dhacay.

Suurto gal ma ahan garabkaas mugga iyo baaxadda leh in lagu xaqiro ka qeybgalka siyaasaddeena, dhaqaalaheena iyo dhammaan hawlaha kale. Anigoo ka faa’iedeysanaya fursaddan farxadda ah ee ciidda 1-da July waxaan ku bogaadinayaa hogaaammada dhaqanka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed in la ilaaliyo qoondaha haweenka ee labada aqalba.

Dadaalkii qori-isu-dhiibka ahaa ee ka soo billowday Carta –Djibouti sannadkii 2000 ayaan hadda intaa soo gaarsiinnay. Marka aad dib u fiiriso dowladdii Carta lagu soo dhisay heerka ay joogtay iyo heerka aan maanta ka mareyno dowladnimada, ayaad arkeysaa horumarka ay gaartay dowladnimada Soomaaliya, iyada oo dowlad waliba midda ay ka dambeysay ay ka heer sarreyso.

Dimoqraadiyad billowgeeda ayaan cagta saarney. Inteenna badan weligood ma codeyn, waxaanna diyaar u nahay in aan caalamka tusno in aan wax qabsan karno. Sannadka 2020-ka waxaa inoo qorsheysan in aan doorashooyin qof iyo cod ah ka hirgelinno dalka Soomaaliya oo dhan.

Weliba innaga oo muujineyna sida ay innooga go’an tahay in aan hadafkaas gaarno, ayaa waxaa hadda heshiisyada aan gaarnay ka mid ah in xukuumadda afarta sanno ee soo socota la dhisayo uu mid ka mid ah waajibaadkeedu ahaado ka shaqeynta sidii dalka doorasho qof iyo cod ah loo gaarsiin lahaa.
Waddankeenu wuxuu u baahan yahay isu tanaasul, sabar iyo wax wadaqabsi. Qof walba oo Soomaali ah xaq ayuu u leeyahay in uu waddankiisa ka shaqeysto, codkiisa dhiibto, isaguna isu taago xil Qaran ama Gobol. Balse waa in loo maraa shuruucda iyo xeerarka inoo degsan.

Iyadoo oo taas laga amba qaadayo waxaa uu Baarlamaanku dhowaan ansixiyay sharciga Axsaabta Siyaasadda.

Siyaasaddeena oo sal dhigata waxay inoo horseedeysaa in aan noqono dal hodan ah oo saameyn wanaagsan ku leh gobolka Geeska Afrika iyo caalamka intiisa kale.

Riyadeydu waxay tahay intaan noolahay in aan ka shaqeeyo sidii Soomaaliya ay u noqon lahayd waddan casri ah oo dhaqaalaha, tiknoloojiyadda iyo horumarka kale kula tartanta dalalka asaaggeeda ah.

Waxaana intaas oo dhan ku gaari karnaa innaga oo is aaminna, isla markaana yeelanna siyaasad xeerarkii lagu maamuli lahaa ay u dhan yihiin, una hoggaansanaanno.

Wa Billahi Towfiiq

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here