Akhriso Kulmadii Boxing Day ee Horyaalka Ingiriiska “Sawirro”

0
1023

Maanta waxaa kulamada Boxing Day wada ciyaaray dhamaan kooxaha heerka koowaad ee dalka ingiriiska.

Kooxda West Bromwich Albion ayaa waxaa garoonkeeda The Hawthorns 1-3 uga badiyay Manchester City.

Kooxda Manchester City ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii sideedaad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Fernando.

Fre goolFer celee

Ciyaaryahan Yaya Toure ayaa daqiiqadii 13-aad ee ciyaarta gool labaad oo rigoore ah u dhaliyay kooxda Manchester City.

PenYaya pencele

Ciyaaryahan David Silva ayaa daqiiqadii 35-aad ee ciyaarta goolka sedaxaad u dhaliyay kooxda Manchester City,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

silva goolSilva celee

Ciyaaryahan Brown Ideye ayaa dhamaadkii ciyaarta gool u dhaliyay kooxda West Bromwich Albion.

Kooxda Manchester City ayaa kaalinta labaad uga jirto horyaalka ingiriiska,waxaana ay leedahay 42-dhibcood,halka kooxda West Bromwich ay ku jirto kaalinta 15-aad,iyadoo leh 17-dhibcood.

Kooxda Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford 3-1 uga badisay kooxda Newcastle United.

Kooxda Manchester United ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii 23-aad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Wayne Rooney.

Dce 26th 2014 - Manchester, UK - MANCHESTER UTD V NEWCASTLE - Manchester Utd  Rooney goal  Newcastle PIcture by Ian Hodgson/Daily MailRoney celeeCeleecelee

Ciyaaryahan Wayne Rooney ayaa daqiiqadii 36-aad ee ciyaarta goolka labaad u dhaliyay kooxda Manchester United,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

gool 2Celeee 2Roney 2

Ciyaaryahan Robin van Persie ayaa bilowgii qeybtii labaad ee ciyaarta goolka sedaxaad u dhaliyay kooxda Manchester United.

Van goolVan Celee

Ciyaaryahan Papiss Cisse oo bedel ku soo galay ciyaarta ayaa dhamaadkii ciyaarta gool rigoore ah u dhaliyay kooxda Newcastle United.

Cise Pen

Kooxda Manchester United ayaa horyaalka ingiriiska uga jirto kaalinta sedaxaad,waxana ay leedahay 35-dhibcood,halka kooxda Newcastle ay horyaalka uga jirto kaalinta tobanaad,iyadoo leh 23-dhibcood.

Kooxda Crystal Palace ayaa waxaa garoonkeeda Selhurst Park 1-3 uga badiyay kooxda Southampton.

Kooxda Southampton ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqaii 17-aad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Sadio Mane,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Mane goolMane celeeeemane celee

Ciyaaryahan Ryan Bertrand ayaa bilowgii qeybtii labaad ee ciyaarta gool labaad u dhaliyay kooxda Southampton.

Ryan celeeRyaan celee

Ciyaaryahan Toby Alderweireld ayaa daqiiqadii 54-aad ee ciyaarta goolka sedaxaad u dhaliyay kooxda Southampton.

Toby goolToby celee

Ciyaaryahan Scott Dann ayaa dhamaadkii ciyaarta gool u dhaliyay kooxda Crystal Palace.

Dann gool

Kooxda Southampton ayaa horyaalka uga jirto kaalinta afaraad,waxana ay leedahay 32-dhibcood,halka kooxda Crystal Palace ay kamid noqotay sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hooseeya.

Kooxda Leicester City ayaa waxaa garoonkeeda King Power Stadium 1-2 uga badiyay kooxda Tottenham.

Kooxda Tottenham ayaa goolka la hor martay,waxaan daqiiqadii labaad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Harry Kane,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Kane goolKace celeeKane celeeKanee celee

Ciyaaryahan Jose Leonardo Ulloa ayaa bilowgii qeybtii labaad ee ciyaarta gool barbardhac ah u dhaliyay kooxda Leicester City.

Oloa golCelee

Ciyaaryahan Christian Eriksen ayaa daqiiqadii 72-aad ee ciyaarta goolka labaad ee guusha oo laad xur ahaa u dhaliyay kooxda Tottenham.

Erikson goolErik goolErikson celee

Kooxda Tottenham ayaa kala horeynta horyaalka ingiriiska ka soo gashay kaalinta lixaad,waxana ay leedahay 30-dhibcood,halka kooxda Leicester City ay kamid tahay sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hooseeya

Kooxda Swansea City ayaa garoonkeeda Liberty Stadium 1-0 uga badisay kooxda Aston Villa.

Ciyaaryahan Gylfi Sigurdsson ayaa daqiiqadii 13-aad ee ciyaarta goolka guusha oo laad xur ahaa u dhaliyay kooxda Swansea City.

Gylif goolgoolcileeCalee Celee

Kooxda Swansea City ayaa horyaalka ingiriiska uga jirto kaalinta todobaad,waxana ay leedahay 28-dhibcood,halka kooxda Aston Villa ay horyaalka uga jirto kaalinta 13-aad,iyadoo leh 20-dhibcood.

Kooxda Burnley ayaa waxaa garoonkeeda Turf Moor 0-1 uga badiyay kooxda Liverpool.

Ciyaaryahan Raheem Sterling ayaa daqiiqadii 62-aad ee ciyaarta goolka guusha u dhaliyay kooxda Liverpool.

goolRah goolceleeRa celee

Kooxda Liverpool ayaa kala horeynta horyaalka ingiriiska ka soo gashay kaalinta sagaalaad,waxana ay leedahay 25-dhibcood,halka kooxda Burnley ay kamid tahay sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hooseeya.

Kooxda Everton ayaa waxaa garoonkeeda Goodison Park 0-1 uga badiyay kooxda Stoke City.

Kooxda Stoke City ayaa goolka la hor martay,waxaana dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta gool rigoore ah u dhaliyay ciyaaryahan Bojan Krkic, sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Pen ClPena ClaPenPenaaaCeleecalee

Kooxda Stoke City ayaa kala horeynta horyaalka ingiriiska uga jirto kaalinta 11-aad,waxana ay leedahay 22-dhibcood,halka kooxda Everton ay horyaalka uga jirto kaalinta 12-aad,iyadoo leh 21-dhibcood.

Kooxda Sunderland ayaa waxaa garoonkeeda Sun Light Stadium 1-3 uga badiyay kooxda Hull City.

Kooxda Sunderland ayaa goolka la hor martay,waxaana bilowgii ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Adam Johnson.

adam gool Adam goool celee

Adan celee

Ciyaaryahan Gaston Ramirez ayaa daqiiqadii 33-aad ee ciyaarta gool barbardhac ah u dhaliyay kooxda Hull City, sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Gaston goolGaston celee

Ciyaaryahan James Chester ayaa bilowgii qeybtii labaad ee ciyaarta gool labaad u dhaliyay kooxda Hull City.

gool James gool

Ciyaaryahan Nikica Jelavic ayaa dhamaadkii ciyaarta goolka sedaxaad u dhaliyay kooxda Hull City.

Kooxda Hull City ayaa ka soo baxday sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hooseya,waxana ay soo gashay kaalinta 17-aad,iyadoo leh 16-dhibcood,halka kooxda Sunderland ay horyaalka uga jirto kaalinta 14-aad,iyadoo leh 19-dhibcood.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here