Akhriso: Nuxurka Khudbaddii Madaxweyne Farmajo uu ka jeediyay New York

Waxa sharaf weyn ii ah inaan hadal ka jeediyo Fadhiga 74aad ee Shirweynaha Qaramada Midoobay. Waxaan si dhab ah u aaminsanahay in Shirweynahani uu qayb laxaadle ka qaato in la helo dadaallo dhinacyo badan oo ku aaddan ciribtirka saboolnimada, waxbarasho tayo leh, xal-u-helista cimilada, iyo in la xoojiyo wadajirka si sare loogu qaado ajendaheenna caalamiga ah ee in la helo horumar ay bulshadu udub-dhexaad u tahay si dhammaan loo gaaro barwaaqo iyo baraare.

Inteenan ku sugan halkan, waa inaan garwaaqsannaa isla markaana ka shaqaynaa sidii aan u hubin lahayn inaan cidla’ lagaga tegin qof iyo waddan toonna marka, qarnigan ku astaysan isku-xirnaanta iyo isku-tiirsanaanta la baadigoobayo horumarka iyo barwaaqada.

Mudane Madaxweyne, martida sharafta leh, Mudanayaal iyo Marwooyin,

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si diirran u soo dhawaynaysaa hal-ku-dhigga sannadkan ee Shirweynaha Qaramada Midoobay oo dhammaanteen ina xasuusinaya muhiimadda ay leedahay inaan laban-laabno dadaalkeenna innaga oo iskaashi caalami ah oo intan ka sii ballaaran yeelanayna si aan u hubinno in dal kasta oo innaga mid ahi gaaro Yoolalka Horumarka Waara ee yaraynta saboolnimada, sare u qaaddida tayada waxbarahada, wax ka qabashada saamaynta taban ee Isbeddelka Cimilada iyo inaan dhammaan dadaallada gudaha dalalkeenna ku salayno iskaashi iyo hannaan loo dhan yahay. Noocyada kala duwan ee Iskaashiyadu waa waajib haddii aan doonayno inaan ka gudubno caqabadaha ugu waaweyn ee aan wadaagno waqtigan, sida amniga, saboolnimada iyo isbeddelka cimilada.

Adduunkan isku xirmay, ma jiro waddan, si kasta oo uu qani u yahay, u awood badan yahay una diyaarsan yahay, keligii u babbac dhigi kara caqabadaha caalamiga ah ee u baahan in si wadajir ah wax looga qabto loogana jawaabo. Waa inaan ku dadaalnaa sidii aan u abuuri lahayn jawigii loo baahnaa si aan keli-keli iyo wadajir ahaanba u gaarno barwaaqo, iyada oo la raacayo Yoolalka Xalalka Waara.

Mudane Madaxweyne,

Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta halkan la joogo saaxiibbadeenna qiimaha leh, oo kuwo badan oo kamid ahi ay maanta halkan ku sugan yihiin, waxaanna uga mahadcelinaynaa doorka togan ee ay ka qaadanayaan socdaalka guulaystay ee ay Soomaaliya sida buuxda ugaga soo kabanayso tagtadii adkayd. Waxaan sidoo kale Qaramada Midoobay abaal uga haynaa doorka joogtada ah ee ay ka qaataan horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsanayso. Waanu sii wadaynaa inaan Qaramada Midoobay kala shaqaynno meelmarinta iyo hirgelinta ajendaheenna Horumarka Qaranka ee loo dhan yahay.

Dhab ahaantii, Soomaaliya waxay tusaale fiican u tahay muhiimadda iyo guusha hannaanka caalamiga ah ee adduunka maadaama oo ay wax badan ka dheeftay taageerada Qaramada Midoobay iyo tan waddamada xubnaha ka ahba. Dhabbada dib u soo kabashada Soomaaliya ee ay hormuudka ka yihiin shacabkeenna adkaysiga badan iyo Dowladdu waxay ahayd mid aad u dheer, haddana, indhaha kama qarsan karno kamana aamusi karno sida aannu uga xunnahay sinnaan la’aanta kordhaysa, saboolnimada iyo qoqobka ka dhashay carro-edegaynta (globalization) aan caddaaladda ahayn ee adduunka ku baahday waqtigan. Shaki la’aan, waa in si wadajir ah oo loo dhan yahay loo hawlgalaa haddii la doonayo in la dardargeliyo dadaallada caalamiga ah ee ku aaddan nabadgelyada adduunka, ciribtirka saboolnimada, waxbarasho tayo leh, wax ka qabashada cimilada iyo qodobbada kale ee aan Shirweynahan ku meelmarinnay sannadkii 2015.
Mudane Madaxweyne,

Soomaaliya waxay sidoo kale door muhiim ah ka ciyaaraysaa horumarka bulsho iyo dhaqaale ee Geeska Afrika, waxaanuna kalsooni ku qabnaa in iskaashiga ka dhexeeya dalalka Geeska Arika ay sare u qaadi doonto horumarka dhaqaale, xasiloonida siyaasadeed, isku xirnaanta bulsho iyo dhaqan, iyo tan ugu muhiimsan oo ah iskaashiga dhanka ammaanka ee u dhexeeya dalalka Geeska.

Gobolka Geeska Afrika waxa ka jira fursado badan oo koboc iyo horumar dhaqaale oo ay dadkiisu ka faa’idaysan karaan haddii aan sii xoojinno xiriirka siyaasadeed, bulsho iyo dhaqaale ee u dhexeeya dalalkeenna iyo saaxiibbada caalamka. Dalalka Geeska Afrika keligood kuma aha dadaaalka ay ugu jiraan inay dalalkooda iyo dadkooda u suurtageliyaan mustaqbal wanaagsan maxaa yeelay waxaan leennahay saaxiibbo badan oo dhammaanteen arrintaas nagu garab taagan iyaga oo uga dan leh in nabad iyo amni laga suurtageliyo caalamka oo dhan, waana u mahadcelinaynaa.

Dowladda Soomaaliya waxay ku hawlan tahay sare u qaadidda isdhexgalka dhaqaale ee gobolka, waxayna ganacsatadeeda ku dhiirrigelisaa inay maalgashadaan dalalka Geeska Afrika; sidaasi awgeed waxaan bogaadinaynnaa maalgashiga joogtada ah ee ay bulshada Soomaaliyeed ku samaysato Jamhuuriyadda Kenya, taasi oo dhab ahaan qayb ka ah horumarka dhaqaale.

Mudane Madaxweyne; Wufuudda sharafta leh; Mudanayaal iyo Marwooyin,

Soomaaliya iyo Kenya waa laba waddan oo deris ah isla markaana ku teedsan Xeebta Badweynta Hindiya oo leh xiriir saaxiibtinnimo oo nabdeed. Abaal ayaan Kenya uga haynnaa taageeradii hagar la’aaneed ee ay sannado badan la garab taagnayd shacabka Soomaaliyeed. Walow xiriirkayaga guud uu fiican yahay, haddana xuduuddayada dhanka badda weli lama jaangoyn, taas ayaana sal u ah is-fahanwaaga u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Wadahadalladii laba geesoodka ahaa heshiis waa lagu gaari waayey. Si marka loo helo xal nabdeed oo caddaalad ah, sannadkii 2014, Soomaaliya iyada oo raacaysa sharciga caalamiga ah ayay bilawday inay dacwadda horgeyso Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda oo ah hay’adda sharci ee ugu sarraysa Qaramada Midoobay. Waxaan ku faraxsannahay in Maxkamaddu caddaysay inay sharciyad iyo awood u leedahay inay ka garnaqdo khilaafka, isla markaana ay dhegaysiyadii ugu dambeeyay ee kiiska u qoondaysay toddobaadka ugu horreeya November.

Soomaaliya maadaama oo ay tahay xubin ka tirsan Qaramada Midoobay ayna qayb ka tahay una hoggaansan tahay Sharciga Maxkamadda, waxa ka go’an inay ka dhur sugto dhammaadka hannaanka xalka garsoorka. Soomaaliya waxay ballanqaadday inay u hoggaansami doonto xukunka kama dambaysta ah ee Maxkamadda iyo inay aqbasho xadka ay Maxkamaddu jaangoyso. Maadaama arrintu tahay mid la xiriirta sharciga caalamiga ah, xukunka Maxkamaddu waxa uu sidoo kale qabanayaa Kenya. Waxaannu ku kalsoonnahay in marka xukunka la soo saaro isla markaana la jaangooyo xuduudda, in xal waara loo heli doono khilaafka muddada dheer soo jiitamay.

Waxa intaasi dheer in 3-dii September 2019 Golaha Nabadgelyada iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ay caddeeyeen in Midowgu aanu awood u lahayn inuu farageliyo kiiska oo hadda horyaalla Maxkamadda Caalamiga ah.

Mudane Madaxweyne,

Waxaan sidoo kale jecelahay inaan idin la wadaago in habeenkii Talaadada, 24-kii September 2019, Madaxweynaha Masar Mudane Siisi oo sidoo kalena ah Guddoomiyaha Midowga Afrika ee hadda uu soo qabanqaabiyay isla markaana shir-guddoomiyay kulan barbar socday Shirweynaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ka dhacaya New York, oo u dhexeeyay aniga iyo Madaxweynaha Kenya ee Uhuru. Kulanka oo ahaa mid miradhal ah, waxa la isku raacay in dib loo soo celiyo xiriirkayagii walaaltinimo ee wanaagsanaa iyo in la xoojiyo iskaashiga diblomaasiyadeed iyo midka siyaasadeed. Waxa intaasi dheer inaan isku afgarannay in khilaafka badda ee u dhexeeya labada dal loo daayo Maxkamadda Caalamiga ah si ay u xalliso.
Soomaaliya waxa ka go’an inay xiriir fiican la lahaato Kenya iyo dhammaan dalalka kale ee gobolka.

Mudane Madaxweyne,

Dowladda Soomaaliyeed waxa ka go’an ajendaheeda nadabaynta iyo dowlad dhiska, waxaanuna ilaa hadda guullo ka gaarnay xaqiijinta siyaasad loo dhan yahay, xoojinta dimuqraaddiyadda iyo adkaynta hay’daha Qaran ee udub-dhexaadka u ah in la helo bulsho xooggan. Waxaan idin la wadaagayaa in dowlad goboleedyada qaarkood ay ka qabsoomeen doorashooyin, taasi oo hordhac u ah doorashooyinka heer Qaran ee Baarlamaanka iyo Madaxtannimada ee la qorsheeyay inay qabsoomaan 2021, waxaana naga go’an inaan fududaynno in guul laga gaaro arrintan iyada oo loo marayo Sharciga Doorashooyinka oo ah mid loo dhan yahay, diiwaangelinta cod-bixiyayaasha iyo in bulshada lagu wacyigeliyo muhiimadda ay siyaasadda loo dhan yahay u leedahay horumarka dalka.

Marka tan la fiiriyo, waxa caddaanaysa in Soomaaliya tusaale taariikhi ah u tahay dib u habaynta, adkaysiga, horumarka iyo dib u soo kabashada ay bulshadu hormuudka ka tahay. Wadahadalladeenna heer Qaran waxay hadda diiradda lagu saaraa xaqiijinta siyaasad loo dhan yahay, tayayta adeegyada dowladda, dib u habaynta maaliyadeed iyo dhaqaale, kobcinta dhaqaalaha, dowlad wanaagga, sare u qaadidda iskaashiga heer gobol iyo sidii ugu dambayn looga guulaysan lahaa haraadiga sunta ah ee argagaxisada caalamiga ah annaga oo kaashanaysa saaxiibbadayada gudaha iyo dibaddaba.

Dowladdu, laga soo bilaabo markii aan xafiiska la wareegay waxa ay xoogga saartay, kharashka ugu badanna ku bixisay amniga maxaa yeelay waxa ku xiran dhammaan arrimaha kale sida tirtiridda saboolnimada, waxbarasho tayo leh, wax ka qabashada cimilada iyo wadajirka. Annaga oo kaashanayna saaxiibbadeenna caalamka ayaan waxaan si joogto ah uga shaqaynnaa tirtiridda argagaxisada xagjirka ah iyo hawlgalladooda Soomaaliya. Arrintani marna ma aha mid fudud sababta oo ah Al-Shabaab waxay adeegsataa taaktikooyin cunfi iyo fulaynimo ku astaysan sida qarxinta muwaaddiniinta aan waxba galabsan iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay.

Si kastaba, marka la eego istaraatijiyaddeenna guud ee xagjirnimada lagaga badbaadinayo dadka qaybta ka ah, hawlgallada milatari ee guulaystay, deegaannada laga qabsaday Al-Shabaab iyo xoojinta awoodda Ciidanka Qaranka Soomaaliya, waxaan ku kalsoonnahay in dadaallada wadajirka ah ee aan la leennahay AMISOM iyo saaxiibbadeenna caalamka ay miradhalayaan, taasi oo ay faa’ido ugu jirto Soomaaliya, shacabkeeda iyo sidoo kale xasiloonida gobolka iyo caalamka.

Waxaan dhismihiisa wadnaa ciidan xoog leh oo si fiican loo tababaray iyo sidoo kale hay’ado ammaan oo ay udub-dhexeed u tahay ilaalinta xuquuqda banii’aadamka, kuwaasi oo masuuliyaddda amniga Soomaaliya la wareegaya. Dowladdeennu iyada oo kaashanaysa AMISOM iyo saaxiibbadeenna kale ee caalamka, waxay si xooggan uga shaqaynaysaa in yoolkaas la gaaro iyada oo la raacayo Qorshaha Amniga Qaranka.

Halkan marka la joogo, waxaan rabaa inaan u mahadceliyo geesiyaasha Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed, rag iyo dumar, dhammaan dalalka ciidamada ugu deeqay AMISOM iyo dhammaan saaxiibaddeenna caalamka ee siyaabaha kala duwan haddana muhiimka ah noogu taageera hawlgallada amniga.

Waxa xusid mudan in sinnaba aanay u sahlanayn dib u habaynta ballaaran ee aan wadno balse dadaal iyo ka go’aan ka dib, waxaan hadda diiwaangelinney dhammaan Ciidanka Qalabka Sida, waxa sidoo kale dhawaan la soo gebagebaynayaa baaris lagu wado guud ahaan hay’adaha amniga dalka. Diiwaangelinta ciidanku waxay dowladda u fududaysay inay meesha ka saarto ciidankii beenabuurka ahaa ee aan jirin iyo inay qiimayso diyaargarowga dhanka hawlgallada ee ciidanka, waxayna sidoo kale suurtagelisay in la helo dhaqaale lagu bixin doono meelo kale si loo adkeeyo amniga dadka Soomaaliyeed. Waxaan ku qanacsanahay in dib u habaynta miradhalka ah ee dhanka ammaanka ee Soomaaliya ay fure u noqonayso inaan helno hannaankii amni ee lagu ilaalin lahaa bedqabka iyo horumarka ummadda Soomaaliyeed.

Mudane Madaxweyne,

Dhab ahaantii, waxbarashada tayada leh waxay xorraysaa, awood siisaa, rajo ku abuurtaa sidoo kalena daaha ka fayddaa riyooyinka, himilooyinka iyo halabuurka aadanaha, taas oo ay ka dhalanayso inaan dhammaan helno caalam intan ka sii wanaagsan. Dhammaan dadaallada waxbarashada iyo guud ahaan dadaallada horumarineed ee meel kasta oo adduunka kamid ah waa in bud-dhig iyo barbilaw looga dhigaa waxbarashada iyada oo taageero Qaran iyo mid caalamba loo raadinayo.

Astaan muhiim ah oo muujinaysa dib u soo kabasahda Soomaaliya ayaa ah baahsanaanta adeegyada waxbarashada dowladda iyo kuwa xarumaha gaarka loo leeyahay bixiyaan ee dhammaan heerarka kala duwan ee waxbarasho. Waxaan si buuxda u fahansannahay baahida loo qabo in la dhiirrigeliyo lana taageero hannaanka iskaashiga dowladda iyo xarumaha gaarka loo leeyahay ku salaysnaa ee bixinta adeegyada waxbarasho iyada oo ay Dowladda Federaalku qaadanayso door kormeer iyo la socod.

Marka laga yimaaddo tagtadii adkayd ee aan soo marnay, ujeeddooyinkeenna waxbarasho ee muhiimka ah ee dowlad ahaan aan dejinnay waxa kamid ah hannaanka, qaabka iyo maaraynta Waxbarasho Tayo leh. Tani waxay muhiimad u leedahay jiilkeenna yar yar si ay ula jaanqaadaan dhaqaalaha caalamka ee cusub isla markaana uga faa’idaystaan waxna ugu biiriyaan Yoolalka Horumarka Waara ee 2030.

Marka la fiiriyo muhiimadda ay Waxbarashada Tayada leh u leedahay geeddi-socodka nabadaynta iyo dowlad dhiska iyo guud ahaan horumarka, dowladdeennu waxay bilawday dib u habayn baaxad leh oo ujeedkiisu yahay in la baahiyo helitaanka waxbarashada ee caruurta, bulshada la hagraday, kuwa baahiyaha gaarka ah qaba, gabdhaha iyo wiilasha. Waxaannu si cad xoogga u saaraynaa waxbarashada dhammaan ardayda gaar ahaan fasallada hore. Sidoo kale waxa naga go’an inaan kordhinno tiarada dadka waxbarashada isu diinwaangeliya, iyo inaan waxbarashada ku salayno fursadaha suuqa si loo kobciyo dhaqaalaha loona abuuro shaqooyin aad loogu baahan yahay, taasi oo keenaysa in kalsooni lagu abuuro shacabkeenna.

Waxa xusid mudan in Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ay ku hawlan tahay diyaarinta Manhaj Qaran oo tayo leh isla markaana loo dhan yahay, iyada oo taas ay barbar socoto dayactirka dugsiyadii hore ee dowladda iyo inaan abuurno dugsiyo farsamada gacanta lagu barto, iyo sidoo kale inaan maalgelin ku samaynno macallimiinta iyo maamulayaasha dugsiyadeenna ee jiilka soo socda.

Sannadkii shanaad ayaa ay Soomaaliya ku guulaysatey qaadista Imtixaannada heer Qaran, badanka ardaydeenna oo ay kamid yihiin kuwa baahiyaha gaarka ah sida arag la’aanta qaba ayaa ka qayb qaatay, kuna guulaystay. Waan ku faraxsannahay dhammaantood waxaanuna si wadaynaa dadaalka aan wax kaga qabanayno fursadahooda waxbarasho iyo shaqaalaysiin annaga oo dejinayna siyaasado waxtar leh, abuurayna iskaashiyo xooggan, diyaarinayna goobo la heli karo oo waxbarasho, sidoo kalena abuurayna hoggaan waxbarasho.
Si aan u tayayno waxbarashadeenna guud ahaan caalamka, waa inaan dhammaan is-weydaarsannaa tijaabooyinka muhiimka ah, isla wadaagnaa siyaasadaha miradhalka ah, isla markaana abuurnaa dabarkii isku xirayay waxbarashada, fursadaha, nabadgelyada, ammaanka iyo horumarka caalamiga ah.

Mudane Madaxweyne,

Soomaaliya waxa ka go’an inay wax ka qabato xaaladda uu ku sugan yahay deegaanka dalku iyo in sare loo qaado adkaysiga bulshada ee jiilka hadda iyo kuwa soo socda. Soomaaliya waxay qaadday tallaabooyin waaweyn iyada oo hay’adaha maaraynta deegaanka ku jihaysey inay sameeyaan isbeddello heer Qaran ah.

Tusaale ahaan, yagleelidda Waaxda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu waa tallaabo dhanka saxda ah loo qaaday, waxaanuna ku kalsoonnahay in Waaxdaasi ay si waxtar leh u hoggaamin doonto dhaqangelinta shuruucda iyo siyaasadaha deegaanka. Tani waxay caddayn u tahay sida ay nooga go’an tahay inaan wax ka qabanno cimilada si loo helo deegaan fiican, nadiif ah isla markaana barwaaqaysan.

Run ahaantii, isbeddelka cimiladu waa halis kordhinaysa masiibooyinka deegaan, Soomaaliyana, maadaama oo ay tahay dalka ugu xeebta dheer gudaha dhulka Qaaradda Afrika, waxay waajahaysaa saamaynta korodhka heerka badda iyo heer kulka taasi oo ay siyaadisay xaalufinta deegaanku.
Abaartii 2017 ee Soomaaliya waxay saamayn weyn ku yeelatay deegaanka, dhaqaalaha iyo khayraadka dabiiciga ah ee dalka, waxana dhaawac lagu qiyaasay 600 milyan oo doolarka Maraykanka ah soo gaaray dabeecadda.

Hoos u dhaca ku yimi waxsoosaarka dabiiciga ah waxa uu caddayn u yahay in waqti adag uu ku soo fool leeyahay dhaqaalaha Soomaaliya ee xoolaha ku tiirsan, maxaa yeelay ku dhawaad 93% khayraadkii daaqsinka ee gobollo kamid ah Soomaaliya waa ay idlaadeen. Tan ayaa saamayn toos ah iyo mid dadbanba ku yeelatay nolosha 6.2 milyan oo qof, taasi oo u dhiganta 60% guud ahaan dadweynaha oo ku tiirsan xoolo dhaqashada.
Sababtan awgeed, waxa dhici karta in dib u soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya uu qaato waqti badan maxaa yeelay waxa saamayn ku leh masiibooyinka cimilada la xiriira ee soo noqnoqday.

Waxyaabaha keena nuglanaanta Soomaaliya waa badan yihiin, waana cakiran yihiin sidaasi darteedna waxay u baahan yihiin in loo helo xalal waqtiga fog ah oo dhammaystiran si Qorshaha Horumarka Qaranka iyo dib u soo kabashada Soomaaliya loo dhexgeliyo maaraynta khayraadka dabiiciga ah iyo ajendaha deegaanka ee caalamiga ah. Casharrada aan ka barannay khibraddeenna waxay tilmaamayaan in si degdeg ah loogu baahan yahay wax ka qabasho deegaan si loo xalliyo dhaawaca ballaaran ee deegaanka soo gaaray oo halis ku ah mustaqbalka aan wadaagno.

Mudane Madaxweyne,

Aan kuu xaqiijiyo in ay si buuxda uga go’an tahay dowladdayda natiijooyinkii ka soo baxay Heshiiska Paris iyo sidoo kale heshiisyada deegaanka ee caalamiga ah kuwaasi oo ilaaliya arladeenna iyo mustaqbalka innaga wada dhexeeya. Halkan marka la joogo, waxaan si adag ugu baaqaynnaa dhaqangelinta iyo hirgelinta buuxda ee Go’aanka Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ee 751, kaasi oo dhammaan dalalka xubnaha ka ah ku waajibinaya inay qaaddaan dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah ka hortagga dhoofinta iyo la soo degista dhuxusha ee tooska ah iyo tan dadban ee Soomaaliya. Tani keliya ma badbaadinayso deegaanka balse waxay sidoo kale argagaxisada caalamiga ah ka joojinaysaa il dhaqaale oo ay ku tiirsan yihiin si ay u dhibaateeyaan dadka aan waxba galabsan iyo kuwa nugul ee bulshadeenna.

Mudane Madaxweyne,

Saboolnimadu waxay kamid tahay cudurrada ugu daran ee dal la soo gudboonaan kara. Dowladda Soomaaliya waxay si adag bulshadeeda ugala shaqaynaysaa dhisitaanka mustaqbal ifaya oo ka maran faqri. Waxaan hadda qarka u saarannahay inaan dhammaystirno Qorshaha Horumarka Qaranka ee sagaalaad kaasi oo hagi doona siyaasadaha iyo habka la dagaalanka Saboolnimada ee Soomaaliya. Hannaanka lagu diyaariyay Qorshaha Horumarka Qaranku waxa uu ahaa mid loo dhan yahay oo sare u qaadaya isla xisaabtanka, daah-furnaanta iyo masuuliyadda dhaqangelinta oo ah mid wadareed.

Hannaanka aan ku ciribtirayno saboolnimadu waa inaan fursado dhaqaale u abuurno dadkeenna, si aan taas u samaynanna, waxaan ku hawlannahay dib u habayn ballaaran oo miradhal ah kuna aaddan dhaqaalaha iyo maaliyadda dalka taasi oo ay hagayso Barnaamijka Hay’adda Lacagta Adduunka si loo xaqiijiyo deyn cafin horraanta sannadka soo socda.

Sida ay Hay’adda Lacagta Adduunku qabto, guusha aan ilaa hadda gaarnay waa mid weyn, waqti yar gudaheedna waxa noogu qabsoomay wax badan. Waxaan ku hawlannahay inaan si joogto ah u kordhinno dakhliga gudaha, hagaajinno hannaanka miisaaniyadda Qaranka, iyo inaan nidaamkeenna dhaqaale ka dhigno mid daah-furan oo la isku hallayn karo. Waxaan si dhaw saaxiibbadeenna caalamka iyo daneeyayaasha, sida shacabka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha Maaliyadeed ee Adduunka, ugala shaqaynaynaa sidii Soomaaliya deynta looga cafin lahaa.

Gaarista himiladani waxay Soomaaliya u oggolaanaysaa inay hesho khayraad muhiim ah aadna loogu baahan yahay oo kabaya dakhliga gudaha si aan dhaqaale ugu helno hawlaha ciribtirka sabooolnimada, bixinta adeegyada dowladda, sida waxbarasho tayo leh iyo amni iyo inaan tallaabooyin waxtar leh qaadno si aan uga gaashaamanno masiibada cimilada ee mustaqbalka.

Dib u habaynta dhaqaale iyo maaliyadeed waxa garab socda dadaal dowladdu waddo oo ay kula dagaalamayso musuqmaasuqa si shilin kasta loogu bixiyo adeegyada dowladda. Haddii aan doonayno inaan ciribtirno saboolnimada, innagama go’do inaan hal shilin ku luminno musuqmaasuq. Sidaa si lamid ah, waa inaan mar kasta hubinno qiimaha lacagta marka aan bixinayno kharashaadka dowladda si taasi inoogu suurtageliso inaan ka hortagno musuqa. Tani waa sababta aan toddobaadkii la soo dhaafay u saxiixay Sharciga La Dagaalanka Musuqmaasuqa, dowladdaydana waxaa ka go’an inay dhaqangeliso si dadka Soomaaliyeed loogu daneeyo.

Mudane Madaxweyne, Madaxda sharafta leh, wufuudda, Mudanayaal iyo Marwooyin,

Aan hadalkayga ku soo koobo aniga oo ku celinaya taageerada Soomaaliya ee ku aaddan dadaallada caalamiga ah ee ciribtirka saboolnimada, Waxbarasho Tayo leh iyo wax ka qabashada Cimilada. Adduunkan isku xirmay ee la wadaago halista iyo fursadda, waa inaan dhammaanteen ka wada shaqaynnaa sidii aan ku gaari lahayn horumar iyo barwaaqo wadajir ah. Socdaalkeenna caalamiga ah ee ku aaddan Horumarka Waara waxa laga yaabaa inuu dheeraado balse tallaabo kasta oo aan si wadajir ah u qaadno waxaa ka dhalanaysa in la helo bulshooyin xooggan iyo adduun caddaalad ka jirto iskuna xiran, taasi oo ay xoojin doonto iskaashiga inoo dhexeeya.

Mahadsanid Mudane Madaxweyne. Dhammaantiin waad maahdsan tihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here