Akhriso qodobada la filayo in looga hadlo shirka madasha wadatashiga Qaran ee maanta furmaya

0
4585

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu maanta si rasmi ah u furo Shirka Madasha Wadatashiga Qaran, waxaana magaalada Muqdisho ku sugan Hogaamiyaasha Madasha ee shirka ka qeyb galaya.

Halkan Ka Aqriso qodobada la filayo in looga hadlo Shirka goordhaw furmaya

Go’aan ka gaaridda iyo howlgelinta guddiyada doorashooyinka 2016:

Dhammeystirka iyo howlgelinta Guddiga Doorashada Dadban ee heer gobol (SIEIT)

Ansaxinta tirada oday-dhaqameedyada tagaya goobaha dorashooyinka aay ka dhacayaan (elder Mapping by State)

Musharaxiinta haddi kursi hal qof keliya u soo tartamo maxaa laga yeelaayaa?

Ansaxinta waajibaadka shaqo (TOR) Guddiga xallinta Khilaafaadka iyo Magacaabida xubnaha guddiga.

Dhisida iyo soo gudbinta Aqalka Sare ee Dowlad Goboledyada dhisan ugu dambayn. Tusaale bisha September 1-da, 2016

Go’aan ka gaaridda hannaanka iyo goobta lagu soo dooranayo xubnaha labada aqal ee Somaliland; Shabellaha-dhexe & Hiiraan.

Guddiga matalaadda xubnaha Aqalka Sare gobolka Banadir iyo howl-galintooda

Dhammeystirka iyo howlgelinta Guddiga (Task Force-ka) ka shaqayn doono amniga dorashooyinka

Habraac lagu xaqiijinaayo qoondada Haweenka ee 30% ee laba aqal ee Barlamaanka. Waxaa Madasha u soo bandhigaya farsamada lagu hubin karo qoondada dumarka Guddiga Safiirada Idman (Good will Ambassadors)

Go’aan ka gaarista iyo soo bandhigidda Qorshe howleedka waqtiyeeysan iyo Miisaaniyadda Doorashooyinka 2016.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here