Akhriso: Taariikh nololeedka marxuum S/Guuto C/raxmaan Khaliif iyo taliyaha xooga oo ka tacsiyadeeyey

3474

Taliyaha Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Cabdi Jaamac Warsame Gorod ayaa ka tacsiyadeeyey dadkii ku dhintay weerarkii hotek Naashablood2 ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa si gaar ah uga tacsiyadeeyey geerida Sareeye Guuto C/raxmaan Khaliif Dhicis kaasi oo kamid ahaa dadkii ku dhintay weerarkii bahalnimo ee hotelkaasi xalay ay ku qaadeen maleeshiyada Shabaab.

Wuxuu sheegay in uu ahaa qof karti leh islamarkaana lagu yaqiinay gudashada waajibaadkiisa qaran,kuna amaanay dowrkii uu qaatay intii uu nolaa.

Wuxuu Alle uga baryay in uu Janadii Fardowsa uu ka waraabiyo qoyskiisa iyo dhamaan umadda Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Hadab halkani ka Akhriso taariikhda marxuumka oo kooban.

Weerarkii maleeshiyada SHabaab ay xalay ku qaadeen hotel Naasahablood waxaa ku dhintay in kabadan 20 qof tiro kale intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen,iyadoo gacanta lagu dhigay 3 kamid ah dhagar qabayaashii weerarkaasi fuliyay halka labo kamid ahna ay isqarxiyeen.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here